HomeHanjabaadda DAACISH, Badheedhaha Itoobiya iyo Aamusnaanta Xukuumadda Somaliland

Hanjabaadda DAACISH, Badheedhaha Itoobiya iyo Aamusnaanta Xukuumadda Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Kooxda Daacish ee ka dagaallanta waddamada Siiriya, Ciraaq iyo Liibiya, ayaa ugu baaqay Malleeshiyada Al-Shabaab inay la Midoobaan, isla markaana ku guubaabiyey inay weerarro lagu hoobto ka fuliyaan gudaha dalalka Somaliland, Itoobiya iyo kuwo kale. Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland ayaa afka ka xidhatay ka hadalka hanjabaadda Kooxda ISIS.

Qoraal aan la ogeyn Xaqiiqadiisa, balse lagu baahiyey Baraha Kooxda Daacish ku leedahay Shabakadda Internet-ka, ayaa loogu baaqay Malleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallantaa inay la Midawdo ISIS (Daacish), taasoo guul ay kaga gaadhi doonaan dagaallada ay kula jiraan Ciidammada Huwanta ee jooga Soomaaliya ee Federaalka iyo Midawga Afrika.

232“Si kastoo ay u midoobaan Ciidammada AMISOM iyo Ciidammada riddoobay ee Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland, haddana khasaare ayaa soo gaadha maalin walba.” Sidaa ayaa lagu sheegay qoraalka Kooxda Daacish Internet-ka ku baahisay.

Qoraalkan oo ku taariikhaysan inuu soo baxay 24 bishii hore, balse Warbaahintu baahisay shalay oo ay March toddoba ahayd sannadkan 2015-ka, ayaa loogu baaqay Al-Shabaab inay weerarro ku qaadaan meelaha ay u jilicsan yihiin ee gudaha waddamadooda.

“Ku weerara dalalkooda ay Ciidammada ka soo diraan, oo gaadhsiiya weerarro la mid ah kii Xarunta Ganacsiga ‘Westgate Mall, ee Kenya, oo weerarro gaadmo ku qaada gudaha Kenya, Tansaaniya iyo Itoobiya.” ayaa mar kale lagu yidhi qoraalka Kooxda Daacish baahisay shalay.

Al-Shabaab ayaa loogu baaqay inay weeraraan guryahooda, si ay baqdin ugala baxaan Ciidammadooda Soomaaliya ka jooga. Kooxda Daacish, ayaa sheegtay in wakhtigan Ururro badan oo ka dagaallami jiray waddamo kala duwan oo dunida ahi ku biireen Daacish, isla markaana kooxda Al-Shabaab ku deydaan kuwaas ka soo horreeyey, waxaana qoraalka oo sii socday lagu yidhi; “Kooxdii ka dagaallami jirtay Khurasan, Liibiya, Algeeriya, Siinaay-Masar iyo Yemen midnimo ayaan yeelannay, idinkana sidaa ayaan idinka filaynaa.”

Xukuumada Itoobiya, ayaa jawaab ka bixisay qoraalka Daacish ku guubaabinayso Malleeshiyaadka Al-Shabaab inay weerarro ka geystaan gudaha waddammo Itoobiya ku jirto, isla markaana sheegtay inay diyaar ula yihiin dagaal cid kastoo ku hamida waxyeelaynta xasilloonida dalkooda.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig. Gen. Berhe Tesfaye oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey sida uu u arko qoraalka Daacish u soo dirtay Al-Shabaab iyo guubaabada waxyeellaynta dalkooda, ayaa ku jawaabay; “Itoobiya, cid kastoo isku deyda waxyeelaynta xasilloonidooda, ama ha ahaadeen Daacish, Boko Haram ama Al-Shabaab waxay kala hortegaysaa dagaal, diyaarna ula tahay.”

Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland, ayaa afka ka xidhatay inay jawaab ka bixiso Baaqa weerarrada iyo hanjabaadda ka soo baxaya kooxda Daacish ee ku waajahan Somaliland iyo sidii ay bulshada ugu baraarujin lahayd inay ammaankooda ilaashadaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo xalay Wargeyska Himilo la wadaagay qoraalka Daacish u soo dirtay Al-Shabaab, si uu jawaabta ku habboon uga bixiyo, maaddaama uu masuul ka yahay Ammaanka guud ahaan Qaranka Somaliland Shacab iyo dawlad-ba, ayaan ka odhan erey keliya, marka laga reebo in qoraalkii uu qaatay, isla markaana qaatay tallaabo kaaf iyo kala-dheeri ugu muuqata sida Xukuumadda Itoobiya badheedhaheeda uga dhiibatay hanjabaadda Daacish.

Warka qoraalkan Daacish, ayaa ku soo beegmaya xilli maalmahii u dambeeyey la sheegayey in kooxda Al-Shabaab u qeybsameen laba dhinac oo midkoodna taageerayo inay Daacish la midoobaan oo ay Baaqaas aqbalaan, halka dhinaca kalena ka soo horjeedo, isla markaana magaalada Hargeysa Ciidammada Ammaanku ku qabteen nin dhalashadiisa lagu sheegay inuu ka soo jeedo Koonfur oo lala xidhiidhinayo inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Xigasho: Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories