HomeHambalyo Ku Socota Shirkada Dahabshiil Doorkii Ay Ka Qaadatay Bakhtiinta Labadii Shil...

Hambalyo Ku Socota Shirkada Dahabshiil Doorkii Ay Ka Qaadatay Bakhtiinta Labadii Shil Ee Hargaysa Ka Dhacay – W/Q: Cabdiwahaab Aadan Cali

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

222Waxaynu ognahay inay dunida inteeda badan ka dhacaan shilal iyo aafooyin dad samee ah iyo kuwo dabiici ahiba. Aadamaha dunidan ku noolina noolna waxa uu isku dayaa inuu ka hor tago inta itaalkiisa ah dhibta ay keenayaan aafooyinkaasi iyo inuu u yareeyo sida ugu dhakhsaha badan uguna habboon marka ay dhacaan aafooyinkaasi.

Aafooyinkaasina waxay u badan yihiin kuwa aan la sii ogaan karin waqtiga ay dhacayaan iyo goobta ay ka dhacayaan, sidaas awgeed waxay u baahan yihiin in laga sii tabaabushaysto,oo loo diyaarsado waxyaabihii lagu dawayn lahaa waqtiga ay yimaadaan. Cidda ugu mudan ee looga baahan yahay inay ka hor inta ay samayn karaaana sameeyaan waa dawaladaha hoose ee ka dhisan magaalooyinka waawayn.

Hadddba, waxaynu la wada soconaa labadii shil ee isxigay ee ka dhacay magaalada hargaysa ee kala ahaa kaalinta kaah oo ku taala bariga magaalada oo gabi ahaanba shufbeeshay keentayna khasaarae naf iyo maalba leh kaasoo burburiyay haamihii shidaalka, gaadiid kala duwan iyo qaybo kamida meherado ganacsi oo meesha ka ag dhawaa iyo booyad shidaal siday oo ku qaraxday xaafada ibraahim kood buur ee galbeedka magaalada hargaysa, taasoo sidoo kale sababtay khasaare naf iyo maal bal eh.

Waxaa halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa shirkada dahabshiil oo doorkii ay dawladaha hoose lahaayeen buuxisay isla markaana ka qaybqaadata marka kasta oo uu dhaco shilalka noocan oo kale ah, waxaana aynu odhan karnaa dahabshiil waxay dadkii ku soo celisay macaashkii ay ka heshay, waxaan loo baahan yahay inay ganacsatada kale ku daydaan oo marka laga tago inay ku ilaashadaan ganacsigooda iyo hantidooda ma guurtada ah ay faaiido u tahay dadka danyarta ah ee aan awoodin inay al tacaalaan aafooyinka dabiiciga ah ee la kulma.

Dadkeenu ma dareemaan faaiidada uu leeyahay qalabka damdamiska, laakiin dadku waxay ogaadaan oo la xasuustaa marka shilku uu dhaco, isla markaana uu gaysto dhibaatooyin farabadan oo isugu jira naf iyo maalba.

Faaiidooyinka uu qalabka dabdamiska bulshada u leeyahay waxaa kamida, inay yareeyaan in aanay dhibaatadu intaa sii dhaafin, oo ay ku koobnaato inta xayndaabka la ah halka uu dabku ka kacay, Waxaa kale oo ay door muhiima ka qaataan ilaalinta deegaanka waayo waxay yareeyaan dhibaatada uu gaadhsiin karo dhirta iyo xayawaanka ku nool oogada dhulka ku gedaaman halkaa ay ka dhacdo dhibaatadu.

Waxaa wanaagsan in inuu jiraa dabdamis oo marwlaba diyaara waana ay keeni kartaa dawlada hoose dabdamis kufilan Magaalada hargaysa, laakiin waxaa aynu odhan karnaa way ku fashilantay inay buuxiso baahida loo qabo in la helo dabdamis magaalada oo dhan wada gaadha, si loo yareeyo dhibaatada intan leeg ee ka dhalata aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah.

waxa kale oo lagama maarmaanah in goobaha ganacsiga oo dhan lagu qasbo inay dhexyaalaan dabdamiska degdegah loogu tala galay in markaaba lagu bakhtiiyo dabka inta aanu xoogaysan waana mid raqiis ah oo qof walbaaba iibsan karo.

Waxaa mamnuuca in kaalmah shidaalka laga dhiso meelaha xaafadaha dadku dagan yihiin iyo faras magaalaha ganacsiga iyo cidhiidhdiga ah ee ay dadku ku badan yihiin, waxaana loo baahan yahay in ay ganacsatada iyo dadka shidaalka ku shubanaya gawaadhida ay ogsoonaadaan qodobadan hoos ku qoran.

  •  In laga dhiso xaafadaha la deggan yahay dhexdooda iyo guryaha lagu nool yahay dhinacyadooda.
  •  In laga dhiso faras-magaalaha ganacsiga iyo suuqyada cidhiidhiga ee cagtu ku badan tahay ee jidadka dhexmaraa yahay 30 mitir ama wax ka yar.
  • In laga dhiso kaalmaha shidaalka hareeraha Jidadka laamiga ah iyo jidadka caadiga ah masaafad 10 mitir wax ka yar.
  • Kaalmaha shidaalka ee foostooyinka kaydka u yihiin waa khatar iyo halis badheedha, ku ganacsigooduna sharciyan waa xaaraan lamana oggola.
  • Calaamadaha sigaarka laguma cabbi karo iyo calaamadaha khatarta (madaxa aadamiga ee lafaha ah ee isku tallaabta shanshooyin ku suntan tahay)
  • In baabuurta matoorkoodu baqtiisnaado marka shidaalka lagu shubayo………

ALLAA MAHAD OO DHAN U SUGNAATAY

W/Q. Cabdiwahaab Aadan Cali

Tell: 063-4108850 7-9844977

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories