HomeHalyeeyo Horumarka ku Hawlan iyo Shakhsiyaad Haybnimo u Heegan! - W/Q: Cabdirasaaq...

Halyeeyo Horumarka ku Hawlan iyo Shakhsiyaad Haybnimo u Heegan! – W/Q: Cabdirasaaq Askar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Hiigsashada horumarka ummadeed iyo Qaran waxaa la gaadhi karaa oo kali ah marka laga xoroobo ku dhaqanka iyo Kool-koolinta Qabyaalada iyo Qabiil jeclaysiga. Haddaba, horumar maxaa la odhan karaa? Haddii aynu dib ugu noqono labada erey ee ay ugu yeedhaan reergalbeedku oo kala ah “  Culture” oo qolooyinka Jarmalku hormoodka u ahaa ay u isticmaali jireen iyo “ Civilization” oo iyana ay u adeegsadaan qolooyinka kale ee uu Faransiisku hogaaminayey. Dhinaca kale , qolooyinka carbeed ama afka carbeed ayaa waxay ku tilmaamaan Horumarka inuu yahay ; Xadaarad, Saqaafa iyo Madaniya.

Haddaba, raasamaalka ummadi ay ku horumari kartaa waxaa lagu tilmaamaa inay ka mid yihiin: Dhul, Dadka iyo wakhtiga. Dhinac kale haddii aynu ka eegno haddii ay ummadi hesho shantan qodob ee soo socda waxaa la saadaaliyey in ay gaadhi karto horumar taama. Waxaana kamid ah qodobadaa; 1)  Dhul:  laga faaidaysto waxa gudihiisa ku jira iyo waxa dulsaaranba. 2) wakhtiga :  wakhtiga oo laga faaidaysto oo aan la lumin 3) Dadka:  dadka oo fakira oo aqoontooda ka faaideeya 4) Maamuul dawladeed: inuu jiro nidaam maamul oo shaqaynayaa 5) Taabacaad/Ogolaanshiyo: dhaqan ogol ashyaada ama qodobada  aynu soo sheegnay.

Haddii aynu dib u milicsano qodobadaa aynu sare kusoo xusnay ,  waxaa ugu muhiimsan uguna horeeya in ay leedahay ( Human resources) dad cilmi, aqoon iyo xirfado leh oo si wadajir ah uga hawlgala wakhtigoodana u hura horumarka dalkooda . tusaale haddii aynu usoo qaadano Dalka Japan malaha wax khayraad dabiiciya (Natural resources) haddana, waxa uu kamid yahay ama uu kujiraa safka hore ee wadama hogaaminaya horumarka aduunka. Waxaana uu dhab ahaan ka faaidaystay  dadkiisa oo la yimid midnimo iyo iskaashi iyaga oo adeegsanaya xirfadahooga aqooneed.

Dhinac kale , horumarka waxaa cadawga kowaad u ah Qabyaalad  oo iyana dhasha tafaraaruq ku yimaad bulsho-waynta guud ahaan , natiijadeeduna ay ku dambayso dib u dhac dhinac walba leh oo saamayn kakan ku yeesha bulshada guud ahaan iyo waliba carqalado ku yimaad habsami u socodka hawlaha dawladnimo.

Sidaadarteed,  haddii aan usoo noqdo ujeedada aan kalahaa maqaalkaygan ee igu kalifay inaan ummadda usoo bandhigo waxay tahay; arimaha baryahan dambe rag waaweyn oo aqoon iyo cilmiba u saaxiib ah loona baahnaa inay dalkooda iyo dadkooda ugaga faaideeyaan, ayaa waxaa kasoo burqanaaya odhaahyo iyo abaabulo qaloocan iyo xulafaysi qabyaaladaysan oo ah runtii foolxumo shacabkani ka korey oo hadda ay ka bogsadeen boogihii dhaawac ee hore ugasoo gaaadhay . 16 August 2014 cabaaro 10 kii aroornimo ayay ku beegnayd markii rag Dhakhaatiir iyo Aqoon-yahan kaleba  lahaa iyaga oo jooga hoteelka SABA ee magaaladan Hargeisa ay ku mashquulsanaayeen hab-dhaqankan khariban ee aynu sare kusoo xusnay, waxay ahaayeen ragaasi Indheer-garadkii dalka ee loo baahnaa in ay ka qayb qaataan horumarka balaadhan ee xawliga ku socda ee ay hormoodka ka tahay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo) .

Gabagabadii;  waxaan  hambalyo u dirayaa shacabka Somaliland ee jecel in ay ka qayb-qaataan horumarka dalkooda ka socda islamarkaana aan dhagaysan hadimooyinka qabyaalada ku dhisan ee ay la dhex-wareegayaa ashkhaasta horumarka ku bukoota. Halyeeyada Xukuumada Axmed Siilaanyo ee Horumarka balaadhan dalkooda u hureyna waxaan leeyahay hambalyo halkaa kasii wadda.

 

Wabilllahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeisa,Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories