HomeHaloo gurmado taariikhda waddanka - Maxamed Axmed (Shiil)

Haloo gurmado taariikhda waddanka – Maxamed Axmed (Shiil)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankBuug aan qoray oo aan ugu magacdaray ‘Halgan iyo Hayaan’ oo weli qabyo ah  ayaa marka la isku xooriyo  tilmaamaya “guul” waayo, halgan iyo hayaan haday is raacaan natiijadu waa guul. Halkaasna waxa ka cad in halgankaasi midho dhalay himiladii larabayna in badan lagaadhay, inta hadhay oo aqoonsi i.w.m ahna hayaan loogu jiro, wax hagardaamo ah oo hayaankaa ka hortimina aanay jirin ilaa hada. Sidaadarteed, maaha buug qof iyo laba midna lagu halayn karo marka loo eego wadciga ee waa buug u baahan hiil qaran oo ay tahay in xukuumad iyo shacaba laga wada qayb qaato sidii taariikhda wadanka hal buug la isugu gayn lahaa dhamaanteena masuuliyadbaa inaga saaran.

Buugan halgan iyo hayaan waa buug lagu sar jaray silsilada taariikheed ee s/land leedahay kaasoo casriyadii kala duwanaa ee umadani soo martay casriwalba walba wadcigii lagu jiray eray kusoo koobaya si ay muwaadiniintu xog-ogaal ugu noqdaan silsilada taariikheed ee wadankoodu leeyahay ama inay muwaadiniintu bartaan abtirsiimada wadankoodu leeyahay, gaar ahaan inta ka gaabisay.

Sikale hadii loo dhigo, waxa aad inoo la wayn oo aynu aad isugu taxalujinaa inaynu barano abtirsiimada qabaa’ilka aynu kasoo jeedno laakiin wax wayn u uma haysano iskumana taxalujino abtirsiimada taariikheed ee wadankeenu leeyahay oo ah marxaladihii kala duwanaa ee aynu soo marnay. tusaale ahaan hadaad qof ku tidhaahdo bal soomaaliland u abtiri taariikh ahaan maraaxilka ay soo martay, Guud ahaan qofku wuxuu markiiba kuu sheegayaa inta uu laabta ku hayo laakiin waxa iswaydiin leh maxaa sababay inuu qof waliba qayb laabta ku qabto maxaa se ka dhalan kara haduu qof waliba inta uu xafidsanyahay uun uu dadka ku qanciyo?

Waxa ka dhalan karta in kolba taariikh aynaan lahayn dusha la inaga saaro, oo madaxdeena iyo aqoonyahankeena la cambaareeyo, sida waxyaabaha aan sal iyo raadka lahayn ee ku xusan buuga halgan iyo hagardaamo ee uu c/laahi yuusuf qoray (A.H.U).

Dhanka kale, Wuxuu naqdinayaa buugii uu qoray Cabdilaahi Yuusuf Axmed ee ahaa: “Halgan iyo hagardaamo”. Buugaas oo ay ku jireen aflagaadooyin aan sal iyo raad toona lahayn oo loo soo jeedinayay madax s/land miisaan ku leh, ayaa marka la isku xooriyo tilmaamayay “guuldaro” waayo halgan iyo hagardaamo haday israacaan natiijadu waa guul-daro. Taasoo muujinaysa, in meeshaasi ay jirto “hungaw himileed iyo ahdaaf siyaasadeed oo midho dhaliwayday”.

Sikastaba ha-ahaatee, majiraan baan filayaa ilaa hada siyaasiyiinta wadanka cid meel iska saartay inay soo saarto buugaas dhigiisa marka laga reebo “Boobe Yuusuf Ducaale” oo qoray qoraalo taxane ah oo ku soo baxay wargayska ogaal iyo shabakadaha (internet)ka qaar kamida. Qoraaladaas ayaa dhamaantood daadafaynayay aflagaadooyinka qaawan ee buugaa kasoo yeedhay, difaacayayna milgaha iyo sharafka madaxda qaran ee s/land iyo taariikhda qaran ee soomaaliland leedahay. Sidaadarteed taariikhdu waa gaashaan aad milgahaaga iyo sharafkaaga kaga ilaalin karto faragalinta kaaga imankarta cida taariikhdaada neceb. Sikastaba ha-ahaatee, taariikh waliba waxay leedahay marjac iyo meel laga soo tixraaco; oo tusaale ahaan, nasabiyadu waxay leedahay meel ay ku aroorto iyo qaab loo isticmaalo; hadii laga weecdo qaabkaasna waxa imanaya qalooc iyo xuub dilaac, halkaasna waxa ka dhalanaya nidaam qalafsan oo abuurikara tafaraaruq laguna magacaabo “qabyaalad” ayaa u sii xuub-siibanaysa nidaam kale oo la yidhaahdo musuq, kaasoo caqabad ku noqon kara dhaqaalihii iyo horumarkii umada. Sidaadarteed, waxa isdhexgalay dawladnimadii iyo qabyaaladii, isdhexgalkoodaasna waxa ka dhashay musuq. Sidaasi ay tahay hadii qabyaalada la xakameeyo, musuquna wuu yaraanayaa. Markaasi qabyaalada iyo musuqu si talantaaliya ayay iskula kordhaan (direct proportional):

Musuq : qabyaalad

Sikastaba ha-ahaatee, hadii qabyaalada laga takhaluso, waxa la arki doonaa hadii eebe idmo, in musuqna dhinto, dawlad wanaag yimaado. Laakiin in qabyaalad laga takhalusaa waxay u baahan tahay qaabab farabadan oo kala duwan. Qaababkaas faraha badan ee qabyaalada loola tacaalayo waxaynu kasoo qaadanaynaa hal qodob oo ah, in silsilada taariikheed ee wadankan soomaalilnad leeyahay laqoro bilaw ilaa dhamaad, lana horumariyo. Intaasi kadib, talaabadaasi mujtamackan waxay ku saaqi kartaa dareen wadaninimo, isku soo dhawaansho iyo in wax lawada leeyahay. Markaasi waa in taariikhda wadanka loo gurmado dawlad iyo shacaba.

Qalinkii: Maxamed Cabdikariim Axmed

Mobile: 4375810 e-mail: samiir712008@.com

ALAA MAHAD LEH

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories