HomeHalkuu ku dambeeyey heshiiskii Raysal-wasaare-nimo ee Cadami iyo KULMIYE dhex-maray 2008-dii?

Halkuu ku dambeeyey heshiiskii Raysal-wasaare-nimo ee Cadami iyo KULMIYE dhex-maray 2008-dii?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in loo baahan yahay ku dhiirrashada wax ka beddel lagu sameeyo Sharciga dalka si loogu helo farsamo lagu meeleeyo Beelaha darafyada qaarkood oo ay tahay inay fursad u helaan hanashada Madaxtinnimada iyo hoggaaminta dalka

Wasiirka Gaashaandhiggu waxa uu si farshannimo leh uga jawaabay su’aalo kala duwan oo Weriye Maxamuud Walaaleeye oo Wargeyska Himilo ka tirsani ka weydiiyey baadhista dilkii labada Sarkaal ee Ciidanka Qaranka ka tirsanaa ee toddobaadkii hore ka dhacay Qoru-lugud, tuhunno wakhtigii uu Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka ahaa ku xeernaa ku dhawaaqista Natiijadii uu Mudane Daahir Rayaale kaga guulaystay Madaxweynaha hadda talada haya Mudane Axmed-Siilaanyo, heshiis ku saabsanaa inuu Raysal-wasaare noqdo haddii KULMIYE guulaysto oo uu Xisbigaas la galay markuu mucaaradka ahaa halka uu ku dambeeyey iyo qodobbo kale oo xiiso badan.

CADAMIUgu horeyn, wasiirka oo la weydiiyey halka uu marayo baadhitaanka kiiskii dilka labada sarkaal ee ciidanka Qaranka, waxa uu yidhi, “Meel fiican ayey maraysaa habeennimadii dilka foosha-xumi dhacay Hargeysa ayaannu ka dirnay afar Sarkaal oo baadhitaanka dilkaa bilaabay, illaa wakhtigan aaggii ayey ku maqan yihiin, illaa Madaxweynahana arrinkaa tallaabo tallaabo ayaa loogu gudbiyaa halkuu marayo, illaa shan Askari ayaa tuhunka kiiskaa u xidhan oo baadhitaanno ku socdaan.

Baadi-doon Cir iyo Dhul ah ayaan ku wadnaa arrinkaas (dilka). Markaan ku leeyahay Cir iyo Dhul, dabcan diyaarado ma lihin innagu, laakiin, haddaad magaalo kale u dhoofto adigoo baadhitaan ah waad kartaa. Haatan xogaha aannu hayno, anigoo faahfaahin dheeraad ah ka bixinaynin waa inuu aagga Buuhoodle joogo gacan-ku-dhiiglihii falkaa foosha-xun geystay, lagana hadhi mayo raacdadiisa illaa gacanta lagu soo dhigayo Insha ALLAAH.”

Wasiirka oo la weydiiyey halka uu ku dambeeyey heshiis dhexmaray isaga iyo xisbiga Kulmiye oo ku saabsanaa in jagada Raysal-wasaare la sameeyo, waxa uu ku jawaabay, “Immika inkastoo aynu marxaladdii Xisbiyada u gudubnay, oo marxaladda adag oo Beeleedyo hore ayeynu uga nimi, haddana wixii la rabo farsamo looma waayo samaynteeda. Laakiin, waa inaanu ka baxsanaan sharciga iyo dastuurkeena sharcidejintu samayso ee dalkeenna. Arrinka heshiiskii Raysal-wasaarennimada iyo Xisbiga KULMIYE waxaan kaga jawaabayaa sidii odhaah hore nin aannu saaxiibbo ahayn oo reer Cademeed ahaa Maxamed-Uurdoox ugu jawaabay niman hadalka hoos ugu dhigay oo ahayd; “Luqmaanoow-ha faadhfaadhin waxii tegay!” Haatan waxaan ku leeyahay Maxamuud Walaaleeyoow, wixii tegay sidiisa u daa!”

Md Cadami oo su’aal laga weydiiyey wakhtigii uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dalka xilli iyo guushii xisbigii UDUB ee madaxweyne Daahir Rayaale hoggaamiyaha uu ahaa uu kaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2003-dii, waxa uu ku jawaabay, “Wax nalagu ajburay (khasbay) ma jirin, mar walba Komishanka (Guddiga doorashadu) wuu madax-bannaan yahay, kii hore iyo ka immika la dhisi doonaa-ba looma dhiso inuu dawlad u adeego. Marka Koomiishanku fadhiyo ee go’aankii natiijada u kala sheegayo Madaxdii tartantay waa calaamadaha madax-bannaanida iyo dimoqraadiyadda. Cid ogeyd tirooyinka la kala horreeyey ma jirin, dadku wax badan oon jirin ayey iska aamminaan oo fikirkooda iyo hadalkooda iyagaa u madax-bannaan, balse waxaan kuu sheegayaa inaanu jirin xidhiidh wada-shaqeyneed dhaw oo noo dhexeeyey Maamulkii xilligaa ee Madaxweyne Daahir Riyaale hoggaaminayey. Haddaad u jeeddo hoostaa wax-laysaga dhiibay Alxamdulillaah (Allaah mahaddii), dadkii aan aqaannay ee Komiishanka ahaa, kulayl lacageed ma qabin, mushaharkoodaa ku filnaa!,” waxa uu sidaas ku sheegay waraysi dhinac kala duwan oo Wargeyska Himilo la yeeshay wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories