HomeHalkuu ka bilaabmay Dagaalka Xirsi iyo Siyaasiyiintu maxaadse u malaynaysaa?

Halkuu ka bilaabmay Dagaalka Xirsi iyo Siyaasiyiintu maxaadse u malaynaysaa?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tan iyo maalintii xirsi uu la kawsaday Xukuumadan hada talada haya ama uu ka qabtay xilkii ugu horeeyey ee ahaa Chief of Cabinet ka Madaxtooyada waxa soo yeedhaysay qaylo dhaan ay siyaasiyiintii dalku ka qayliyeen xilkaa xirsi taasi oo geyeysiisay madaxweynaha in uu la eego siyaasiyiinta ama bulshada xilkaasi oo uu u oofiyo rabitaankooda waxaanu ku talaabsaday madaxweynuhu in uu xirsi cali Xaaji Xasan xilkaasi ka bedelo una magacaabo Wasiir buuxa oo ah wasiirka Madaxtooyada.

Wasiir Xirisina waxa uu halkaasi ka sii anba qaaday shaqo maalmeedkii uu madaxweynaha qaranku u igmaday waxaanu ku talaabsaday, talaabooyin wax ku ool ah oo la xidhiidha shaqooyinkiisa balse taasi waxay muujisay mar kalena ay ka qaylisiisay siyaasiyiintii horeba uga qaliyey xilkaasi hore ee Chief of Cabinet ka, somalida ayaa tidhaahda Fiinta wax ka sii qaylisiiya Jirka soo socda, taasi oo aan uga socdo ma shaqadiisay saluugeen, ma raadka siyaasadeed ee ifaaya ee wasiirku gaadhay ayay ka qaliyen oo waxa ay doonayaan inay weligoodba dadka soo horfadhiyaan kuwii aynu naqaanay.

Hadaba waxa is waydiin leh dhawr su’aalood oo ku haboon in bulshadu ka jawaabto dhalin yaraduna ay dhegta u taagan ishana ku hayaan.

  1. Ma Rumaysan tahay Xirsi cali xaaji xasan in uu noqday shaqsiga keliya ee Somaliland u soo baxay 22 kii sanno ee ay jirtay mase Is waydiisa sababta?

J. aan kaaga jawaabo si gaaban adiga oo adna ku darsan doona jawaabahaaga Akhristow Dagaalkan aynu maalin walba maqlayno ee xirsi iyo siyaasiyiintu, horta la soco maaha mid shaqo maaha mid qof nacayb balse waa dagaal siyaasiya oo ka bilaabmay Barakac siyaasadeed oo ay ka baqayaan kuwan qaylinayaa kaasi oo kaga soo fool leh taageerada xirsi uu shacbiga ka mutaystay meeshana ka saaraya siyaasiyiinta dalkan soo hor fadhiyey mudada dheer ee hadana ku hamiyaaya inay weligoodba iyagu ahaadaan hogaamiyeyaal Somaliland hortaagan oo ka gubta siyaasiga soo koraya ee soo jiitay indhaha caalamka iyo kuwa dalkiisaba, taasina waxa aan odhan karaa waa Xaasidnimo iyo curyaamin lagu hayo siyaasa cusub ee dalkani ku talaabsan karo.

  1. Ma Rumaysan kartaa in Xirsi yahay siyaasi kartidiisa aqoontiisa firfircoonidiisa ku mutaysay dedaal dheeriya oo uu habeen iyo maalin la fadhiyo Xafiiskiisa?

J. aan soo koobo jawaabta waxa lagama maar maan ah inaad ogaato hadii aad tahay dhalin yarada Somaliland in xirsi yahay siyaasiga maanta iyo siyaasiga berito ma ogsoontahay hadii eebbe qadaro ood nasiib u yeelato inaad somaliland masuul ka noqoto in ay suura gal tahay ama hubaal tahay in xirsi yahay siyaasiga beri kuu noqon doona rug cadaa maxaa yeelay 22 sanno waa qofka keliya ee soo baxay marka laga hadlaayo siyaasada maanta iyo dhalin yaradii joogtay sanadahaasi.

  1. Ma ogsoon tahay akhriste in xirsi yahay hormoodka dhalin yarada Somaliland ee uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ka soo dhegtay in dhalinta dalku hanan karaan siyaasada dalka oo ay hogaamin karaan tusaale buuxdana uu madaxweynuhu u hayso xirsi cali xaaji xasan ama wasiirkiisa madaxtooyada?

J. aan aragtida ku soo koobo akhriste taasi waa hubaal waa waxaan dalkeena hore uga dhicin waa wax ay dhalin yarada maantu ku faanayso oo ay ogsoon tahay dareensan tahayna in ay somaliland xil ka qabtaan kuna dhiiradaan iyaga oo hiigsanaaya Siyaasiga dhalinyarada Somaliland mudane Xirsi, hadaba waa inaad dareentaa dagaalka xirsi lagu hayaa inuu yahay mid u dhexeeya Siyaasiyiinta hawlgabka ah ee dalka hore xilal uga soo qabtay iyo jiilka xirsi hormoodka u yahay ee dalka u soo kacaaya hadii ta xirsi meel martana la soco dhalintaay inagaa horumar weyn ku talaabsanee.

Aan kaga baxo hadalkayga dagaalka siyaasadu waa dhalinta iyo siyaasiga gaboobay ee aynu meel uga soo wada jeesano sidii aynu uga xorayn lahayn dalka siyaasi afku xoog leh ah misena dadkiisa, dalkiisa ka jecel afkiisa oo buuxa, horumarka dalkana u arka dhabarjab hadii aanu isagu dilaalayn.

Midna maanka ku haya oo ogsoonaada dib u dhiska dalku waxa uu kuu sahlayaa beri markaad hogaamiye noqoto inaad page cusub furikarto oo aan hore loo soo qaban balse niyada ku hay hadii maanta la dhaqaajin waayo inay adiga beri ku sugayso taasina waxay ina gayeysiinaysaa in aynaan weligeen halkaasi ka gudbin

WA-BILAAHI TAWFIIQ

Xuseen Jaamac Xasan  / Boorama

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories