HomeHalkay Soomaalidu ka soo jeeddaa? -W/Q: Cali Coomay

Halkay Soomaalidu ka soo jeeddaa? -W/Q: Cali Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cali Coomay
Cali Coomay

Qormadan waxaynu ku soo ururin doonaa, fikradaha kala duwan ee ay bixiyeen qorayaasha iyo aqoonyahanada kale ee ku takhsuusay taariikhda iyo raadadka umadaha. Fikradahan waxa bixiyey qorayaal soomaaliyeed iyo kuwa shisheeye.

1.     Aragtida kowaad: bulshada midabka madow lihi waxay ka soo jeedaa “xaam”. Markaa soomaalidu waa dad madow ah, oo an carab ahayn.Fikradan waxa aaminsan qoraaga la yidhaa. Prof: Cabdalle cumar mansuur ee qoray buugga la yidhaa” taariikhda iyo luuqadda bulshada soomaaliyeed.
2.     Aragtida labaad: soomaalidu waxay ka soo jeedaa koonfurta itoobiya. Halkaasina ayey ka soo guureen dhulkan xeebaha ah ee ay degan yihiin. Waxaanay daliishanayaan in Afka kushitigga Bari oo af-soomaaligu ka mid yahay, laga helo karo koonfurta itoobiya.Fikradan waxa aaminsan qorayaasha kala ah: Flemming, Heine, E.R. Turton iyo H.S.Lewis.
Aragtida saddexaad: soomaalidu waxay ku dhaqanaan jirtay waqooyiga carriga soomaaliyeed. Waana dhulka ku dheraranceelaayo ilaa saylac. Markii dambana waxay dhinaca koonfureed iyo galbeed u riixeen oromada, oo markii hore deganayd qaybo ka mid ah dhulka soomaalida. Fikradan waxa aaminsan qorayaasha: Cerulli yo I.M lewis.
4.     Aragtida afraad: soomaalidu waxay ku dhaqanaan jirtay cidhifka ugu bariyeysan ee dhulka soomaaliya, gaar ahaan gobolka Bari. Aragtidani waxay ku dhowdahay tan saddexaad. Soomaalidu weligeed waxa hoy u ahayd dhulkan ay ku dhaqan tahay, cid kale oo ay ku riixday ma jirto. Waxaanu daliishanayaa in magaca soomaali laga heli karo afka Niotigga ee lagaga hadlo keny iyo sudan.Fikradan waxa aaminsan qoraagaIbraahim Ali , oo qoray buugga la yidhaa”. The origin and history of the somali people.
5.     Aragtida shanaad: soomaalidu waxay ka soo kicitintay dhulkoodii hore ee lagu magacaabi jiray KUSH ee koonfurta masar/waqooyiga  suudaan, ilaa ay ka soo gaadheen Raas Gaaradafuu, k hor intii aanay u leexanin galbeed iyo koonfur.Fikradan waxa aaminsan qoraaga Ahmed Ibraahim Cawaale, ee qoray buugga la yidhaa” Dirkii Sacmaallada”.

 

Waa maxay micnaha magaca soomaali?

Halkan waxaynu ku koobi doonaa micnaha magaca soomaali iyo wixii ay inoo yaqaaneen dadyowgii shisheeye ee iman jiray dhulkeena.

  1. Giriigii hore : soomaali waxay u yaqaaneen reer Berbera. Waxaanay odhan jireen waxaan tagayaa dhulkii reer Berber (the land of Berberio), oo ay ula jeedeen soomaali. Gacanka Berber amma khaliij-al-Barbar, ayaa la odhan jiray berrigii hore.laakiin markii dambe ayaa loo bixiyey Gacanta Cadmeed. Giriigii hore way kala saari jireen labada magac ee Berberka degan waqooyiga afrika iyo kuwa degan bariga afrika, waxaanay odhan jireen Berberkii kale( the other Berberia). Sida ku cad buugga The periplus of Erthraean sea. Oo la qoray qarnigii kowaad. Waxan iyana arrintaasi aaminsanaa sahamiyeyaashii ahaa muslimka ee soo mari jiray dhulka soomaalida, waxaanay odhan jireen “ Berber-al-aswad”, oo ah Berberkii madoobaa. Waxaanay ka sooci jireen kuwa degan waqooyiga afrika, oo imika Algeria ku xoogan.
  2. Carabtii hore: soomaali waxay ugu yeedhi jiree Berrul-cajam. Oo ay ula jeedeen dhulkii dadka aan carabta ahayn.Carabtii hore dadka waxay u qaybin jireen CARAB amma CAJAM.
  3. Roomaankii hore: soomaali waxay u yaqaaneen dhulkii qorfaha. Waxaanay magacan ku sababeeyeen dhib iyo rafaad ay u soo mari jireen dhulka soomaalida.
  4. Faraaciintii hore: soomaali waxay u yaqaaneen dhulkii udugga. Sababtana waxay ku sheegeen, fooxa iyo dhirta udgoon ee ay hodanka ku ahaa dhulka soomaalidu. Waxaanay ku shidi jireen macbudyadii ay caabudi jireen.
  5. 5.     Reer yururbkii hore: soomaali waxay u yaqaaneen dadkii soo-maal. Taasina waxay ula jeedaan, markay booqasho ku yimaadaan dhulka miyiga ah, ayey dadka soomaalidu soo dhawayn jireen, waxaanay odhan jireen” martida caanaha u soo-maal”. Markaa erayga soo-maal ayaa dhagahooda ka batay, ka dib waxay yidhaaheen DADKII SOO-MAAL. Oo markii dambana ay ku biirtay xarafka “I”. Oo noqotay soomaali.
  6. Aragti kaleayaa sheegaysa in erayga soomaal ka soo jeedo labada eray ee lahjada mayga ku ah; ‘SOO’, oo micnahiisu yahay hilib iyo ‘MAAL’, oo micnahiisu yahay nool. Marka labadan la isku xidhiidhiyo waa kuwii hilibka ku noolaa. Maadaama uu dhaqankii hore ee soomaalidu u badnaa xoolo dhaqato, dadka qaar ayaa arrintan ku doodda.
  7. Qoraaga Richard F. Burton ayaa sheegay inuu erayga soomaal ka baadhay Qaamuus af-carabi ah, waxaanu sheegay inuu ka yimid erayga af-carbeedka ah ee “samala”, oo micnahiisu yahay isha ayuu ka riday. Markaana loola jeeday oday soomaaliyeed oo walaalkii isha ka soo tuuray. Halkaana uu ka yimid magacani. Wuxuu ku sheegay buugiiisa FIRST FOOT STEP IN EAST AFRICA.
  8. Aragti kale ayaa sheegaysa, in Boqorkii xabashida ee la odhan jiray Negus Yeshaq (1414-1429) xukumayey itoobiya uu soo weerary dawladii islaamka ahayd ee IFAT, ka dib ka xoog batay. Waxaanu qabsaday saylac oo cagta mariyey. Guushii uu ka gaadhay dagaalkaasi ayaa laga tirinayey heeso lagu damaashaadayo, oo uu ku jiray magaca SOOMAALI. Waxaanay dadka aragtidan ku dooddaa sheegaan inay tahay markii ugu horaysay ee qoraal lagu arko magacan SOOMAALI. Laakiin aragtidani ma cadaynayso in markaa la bixiyey magacan SOOMAALI.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

Xigasho.

The periplus of the Erythraean sea…..qoraagu giriig ayuu ahaa lama hayo magaciisa.

The origin and history of the somali poeople…….Ibraahim Ali.

Dirkii sacmaalllada…………………………….. Ahmed Ibraahim Cawaale.

Qoraalo uu diyaariyey…………………… Prof. Sadiq Enow.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories