HomeHalkay Asal Ahaan Ka Soo Jeedaan Dadka Soomaalidu?

Halkay Asal Ahaan Ka Soo Jeedaan Dadka Soomaalidu?

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Aqoonyahanada ku xeel dheer raad raaca xadaarada iyo taariikha bulshooyinka ku nool dunida wali iskuma raacsana meesha ay dadka soomaliyeed ka soo jeedaan,Laakiin waxaa jira laba fikradood oo ay kala rumaysanyihiin .tan haore aqoonyahanadu waxay rumaysanyihiin in dadka soomaaliyeed ay asal wadaagaan dadyawga kushitiga ah  eek u nool wadadmada geeska,badhtamaha iyo bariga afrika,sida oramada Rendile,iyo Booran,kuwaas oo lagu tilmaamo inay dadaganaan jireen  agagaarka  harada turkaana eek u taala dhinaca woqooyi galbeed ee  talka Kenya,ka dibna u kala guuray dhinacyada woqooyiga iyo beriga afrika ,Fikradda labaad waxay farta ku fiiqaysaa inay dadka soomaaliyeed  ka soo jeedaan carabta taasi oo lagu sheego in boqolaal kun oo sano ka hor ay dad carab ahi ka soo gudbi jireen gacanka cadmeed,oo ay dageen xeebaha saaxil iyo maakhir oo ka tirsan xeebaha soomaliland, ee geeska afrika.

 

Dadkaasi carabta ahi iyagoo koox koox ah ayay ka soo dagi jireen gacanka cadmeed Isla markaana waxay dagi jireen xeebaha Somaliland,waxayna ka guursanayeen dadkii ku noolaa halkaas,taasi oo lagu tilmaamo in dadka soomaalidu iska dhal yihiin .

Guud ahaan taariikhyahanadu waxay rumaysanyihiin in dadka soomaalidu yihiin “dad iska dhal ah”. Taariikhyahanada fikradaa qaba waxaa ka mid ah Richard Burton oo ah nin dadka soomaaliyeed aqoon dheer u leh.

 

Magaca soomaal waxay taariikhyahanadu ku tilmaameen inuu ka soo jeedo erayada kala ah ”soo maal”  kaas oo ka kala kooban “soo iyo maal” oo tilmaam u ah saldhi-nololeedka dadka soomaaliyeed sida geela ’soo-maal’ ama ‘hasha soo-maal’,

Erayga kale oo ah “samaale” oo lagu sheego awowga ay soomaalidu magaca ka qaadatay isla markaana isftiiminaya lahaansha caanaha malabka fooxa iyo beeyada .

Xeel –dheerayaashu waxay iftiimiyeen in kooxaha ka imanayay jasiirada carabta ay soo dagi jireen xeebaha geeska afrika ,qarnigii kow iyo tobnaad ama laba iyo tobnaad,ka dibna ay ka guursan jireen dadkii gaalada ahaa ama dadyawgii kale ee daganaa geeska, kuwaas oo wadaaga af iyo dhaqan .

 

Umada soomaaliyeed may lahayn hogaamiye ama boqor ,suldaan mideeya sida wadama kale ee geeska afrika ,hase ahaatee somaalidu waxay iskugu xidhantahay qoys ama qabiilka ka dhexeeya oo ah unuga ay magta kuwada bixiyaan .

Qabiilku wuxuu yahay nidaam dawlad nimo oo lagu hogaaminaayo bulshada ,maadaama ayna jirin dawlad dhexe oo hawshaa qabta,iyadoo la adeegsano xeerar gaar gaar ah oo kala gedisan.

 

Xeerarkaasi waxay intabadan ku salaysnaayeen waayo aragnimada dhacdooyinkii hore u soo maray xeer- beegtida .

 

Inkasta oo ayna lahayn xeer-beegtidu awood fulineed iyo unugyo maamul oo dabagal ku sameeya fulinta xeerarka,hadana dhaqanka gaarka ah ayaa xoojinaya y isku duubnaanta qabiilka iyo kalsoonida lagu qabay xeer-beegtida ayaa dadwaynaha ku dhiiri galinayay inay fuliyaan go’aamada ay soo saaraan xeer-beegtidu .

 

Richard burton oo ka mid ahaa sahamiyayaashii soo maray dalka soomaaliya siiba dhinaca woqooyi (Somaliland) 1854-5,wuxuu qoraaladiisii kaga waramay in dadka soomaaliyeed yihiin dad dhaa dheer oo dhuudhuuban ,orad badan,isla wayn ,hawl kar ah ,una adkaysta dhibaatooyinka nolosha deegaanka ay ku noolyihiin .

 

Soomaalidu way ka madawyihii dadka carabtaxagga midadka hase ahaatee qaab dhismeedka jidhkooda aadbay isku egyihiin carabta qor-qornaanta wajiga debnaha ,timaha sanka,iyo indhaha.

Sir johnkirka oo ahaa ingiriis oo fadhiyay jasiirada sansibaar sanadkii 1870kii ,wuxuu ka yaabay sida ayna dadka soomaaliyeed uga haybaysan ingiriiska,ee ay yihiin dad fahmo badan oo geesiyaal oo aan ka baqan rasaas iyo madaafiic toona,waxa dhaqan ahna ayna la wadaagin dadyawga afrikaanka ah ,taasi waxay ku tusaysaa in dadka soomaaliyeed aanay ahayn afrikaan .

 

Sir Charles Eliot oo ahaa badhasaabkii ingiriiska ee xukumayay bariga afrika wuxuu farta ku fiiqay in dadka soomaaliyeed  isku arkaan inay la simanyihiin dadka ingiriiska,ama ka sareeyaan.

 

Dadkii shaqaalaha ahaa ee reer yurub eek ala gedisnaa ee ka shaqayn jiray dalka soomaaliyeed inay ka doodi jireen inta badan halka ay dadka soomaaliyeed ka soo jeedaan,dabeecad ahaan,isla waynida,dagaal jacaylka.

Wuxuuna john Eliot ku soo gunaanaday aragtidiisii  in dadka soomaaliyeed ay la simanyihiin dadyawga reer yurub ama ka wanaagsanyihiin.

Sidoo kale wuxuu sheegay captain J.h speke oo isna ka mid ahaa sahamiyayaashii soo mar dalka soomaaliya in dadka soomaaliyeed yihiin dad dagaal jecel.

 

 

W/Q: ahmed abdi yusuf(freelance journalist)

Email:axmed.4004@gmail.com

Mobile: 00252-63 4475046

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories