HomeHalkan Ka Akhriso Tirada Dadka Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Manchester...

Halkan Ka Akhriso Tirada Dadka Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Manchester Ee Dalka Ingiriiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) -Sagaal iyo toban qof ayaa ku dhimatay 50 kalana way ku dhaawacantay weerar la rumeysan yahay inuu ahaa mid aragagixiso oo ka dhacy saaxaada lagu qabato munaasabadaha heesha oo ku taalla magaalada Manchester ee dalka UK.

 

TELEMMGLPICT000129638046_1-small_trans_NvBQzQNjv4BqpVlberWd9EgFPZtcLiMQfyf2A9a6I9YchsjMeADBa08

 

 

 

 

 

 

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay Mareykanka.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga gala saaxadda.

Boosteejada tareenada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse ra’iisal wasaaraha Britain, heresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.

Waxay hakisay ololeehdii doorashada guud waxayna maanta shir guddoomin doontaa kulan deg deg ah oo ay isugu imaan doonaan wasiiradeeda. Waxay ka arrinsan doonaan sida ay uga jawaab celin lahaayeen weerarkan.

May ayaa tiri: “Waxaan isku dayaynaa inaaan helno macluumaad dhameystiran oo ku aadan sida ay wax uga dhaceen Manchester.

Warar aan la xaqiijinin oo laga soo xigtay s mas’uuliyiin aan magacooda la asheegin oo Mareykan ah ayaa sheegaya in qof is qarxiyay uu weerarkaasi geystay.

Jahwareer ayaa jiray.

Mid ka mid ah dadkii halkaasi joogay ayaa sheegay in xooga qaraxa dartii uu ku dhacay meel dhawr mitir ujirta, markii uu soo kacayna uu indhaha saaray dad daadsan dhulka.

Waxaana goobta isku gedaamay ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka, iyadoo a xiray waddada marta halka uu qaraxa ka dhacay.

Nin ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sharaxay sida qaraxa uu u dhacay, iyadoo taagerayaashii ay ka baxayeen halkii lgu qabanyay bandhig faneedka.

Majid Khan, oo 22 jir ah kuna sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay oo sharaxay sida ay wax u dhaceen ayaa waxa uu yiri ” qarax weyn oo ka argagixiyay qof walba ayaa ka dhacay halkaasi, qof walbana waxaa uu isku dayay inuu baxsado”

 

Majid waxaa kale oo uu yiri ”wuxuu ahaa hal qarax oo qof walba oo joogay dhinaca kale ee laga maqlay qaraxa waxaa uu usoo cararay halkii an joognay iyagoo isku dayaya inay ka baxaan goobta”.

Oliver Jones, 17 jir bandhig faneedkana kala qeyb galay walaashi ayaa yiri: ”dhawaqa qaraxa waxaa laga maqlay goobta oo dhan qof walbana wuxuu billaabay inuu baxsado”.

”Jahwareer ayaa jiray iyadoo dadka ay jihooyin kala duwan u cararayeen”, ayuu sii raaciyay Oliver.

Ilaa iyo hadda waxaan ognahay:

19 qof ayaa dhimatay 50 kalana way ku dhaawacantay qaraxa.

Qaraxa wuxuu ka dhacay saaxadda heesaha lagu tumo ee Manchester wax yar ka dib markii uu dhamaaday bandhig-faneed.

Qaraxa waxaa la sheegay inuu ka dhacay dibedda iyadoo dadka ay isku dayayeen inay baxaan.

Boolisku waxay sheegeen in qofkii ugu horreeyay uu soo wacay 10.35 pm wakhtiga Manchester.

Waddooyiinka ayaa markiiba la xidhay.

Waxaa loo arkaa inuu yahay weerar argagixiso.

 

1.30 pm wakhtiga Manchester booliska ayaa qarxiyay wax ay uga shakiyeen inay ahayd bambaano.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories