HomeHala kala saaro Doorashada Golaha Degaanka iyo tartanka Xisbiyada iyo ururada siyaasadda

Hala kala saaro Doorashada Golaha Degaanka iyo tartanka Xisbiyada iyo ururada siyaasadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qallinkii: Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay)

blank
Maxamed Calooley

Sidaynu wada  ognahay ama aynu la wada socono sannadkii 2002 September, waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland ka guurtay habkii lagu aasaasay Qarankan oo ahaa habka beelaha iyo Axdi Qarameedkii lagu soo  dhisay dalkan Somaliland, waxaanay u guurtay ama u gudubtay habka Dimuqraadiga ah ee ururada iyo Xisbiyada badan, taas oo la aasaasay ururo siyaadadeed oo u tartamayay sidii ay ugu soo gudbi lahaayeen Xisbiyo  siyaasadeed, kuwaas oo kala ahaa; UDUB, UCID, KULMIYE, HORMUUD, SAHAN IYO ASAD, isla markaana ay ku guuleysteen xisbiyada hadda jira ee UCID, KULMIYE iyo UDUB.

Haddaba tartankaa ay urur siyaasadeedasaasi ay galeen ayaa waxa barbar socotay arrin aan laga fiirsan, dadweynaha Somalilandna wakhtigaa aanay aqoon u lahayn ama aanay fahamsanayn, taas oo ahayd doorashada Golayaasha degaanada dalka, taas oo lixda urur ay ka soo baxayeen xubnaha ku fadhiisanaya kuraasta degaanada dalka oo ah maamulka dowladaha Hoose ee ilaa hadda dalka ka taliya iyadoo aanay jirin cid u dooratay degaanada ay xukumaan, balse ay ku timid aqoon la’aan dadku ka qabeen iyo barbarasho dimuqraadiyada ama doorashooyinka codbixinta ah oo ahayd markii ugu horeysay ee ay dalka ka hirgalaan.

Muddo yar ka dib codbixintii ururada ee dadweynaha reer Somaliland u dareereen, waxay ku warheleen xildhibaanada golayaasha degaanka ee urur kastaaba ka helay markii codkiisa la tiriyay, golayaashii dowladdaha hoosana ay u soo fadhiisteen dad aanay garanayn islamarkaana aanay dooran!!, arrintan ayaa dadweynihii reer Somaliland degmo kasta oo ay joogeen waxay ku noqotay yaab iyo amakaag, ileen meeshaba kamay filayn gole degaan ayaa ururada daba socdee, isla markaana kuraasta ku fadhiyaya muddo shan sannadood ah, sidaa darteed waxa meeshii ka baxay sidii loola xisaabtami lahaa xubnahan golihii yimid ileen cid soo dooratay lama garanayee, waxaana gebi ahaan hoos u dhacay hawlihii adeeg ee dowladaha hoose shacbiga u qaban jiray, taas oo dadka arrimaha siyaasadda indho-indheeyaa ku tilmaameen in khaladku ka dhacay sida ay ku soo baxeen gole degaan ahaan marka hore oo dadweynaha la khalday urur kastaana liis magacyo ah u gudbiyay gudida diiwaangelinta ururada siyaasadda.

Toban sanno ka dib arrinkaa aan laga fiirsan ee bulshada Somaliland ku dhacay ee golayaasha degaanka ayaa wakhtigana la doonayaa in ay inagu dhacaan wixii hore inoo qabsaday oo ahaa in  liis lagu soo galo golaha degaanka.

Arrintan liiska lagu soo baxay ee golaha degaanka ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay xaquuqdii muwaadinimo ee qofka wadaniga  ahi xaqa u lahaa, iskuna soo taagi lahaa doorasho xor ah oo uu ku tartamo, isla markaana dishay meeshana ka saartay hamigii siyaasaddeed ee la doonayay in muwaadin kastaa ku higsan karo doorasho xor ah oo uu galo golayaasha degaanka Somaliland, taasina ay madaw gelisay hiigsigii iyo horumarkii la rabay  in uu dalkan Jamhuuriyadda Somaliland ka hano qaado, soona waajaheen dhibaatooyin waaweyn oo kaga yimi dhinaca arrimaha Bulshada.

 Sidoo kale waxa iyana in meesha laga saaro ah qodobo  dhawr ah oo ku jira xeer lambar 20, oo qeexaya in cidda ka qaybgalaysa doorashada golaha degaanka da’doodu noqoto ugu yaraan 35 jir ama inuu ka weynaado, taasina waxay dhammaan caqabad iyo deyr aan la dhaafi Karin ku noqotay dhammaan dhallinyarada Somaliland rag iyo dumar ee ay da’doodu ka hoosayso 35 jir, kuwaas oo bulshada reer Somalilandna ka noqonaya 70/, oo ah majooratigii ummadda ku dhaqan dalka.

Haddaba waxa wakhtigan  bulshada reer Somaliland la gudboon  yar iyo weyn inay culays xoog badan saaraan dhammaan hay’adaha ay khusayso hadday tahay Xukuumadda, Golaha Wakiiladda, Golaha Guurtida, Axsaabta, Ururada siyaasadda iyo dhammaan cid kasta oo ay qusayso in golaha degaanka lagu soo doorto cod bixin {One man one vote), si degaan kastaa u garan karaan cidda ay u igmadeen masiirkooda degaan ahaaneed kalana hadli karaan baahidooda degaan isla markaana la xisaabtami karaan ileen codkoodii ayuu kursiga ku fadhiyaa oo isaga ayaa matala’e, xildhibaankuna uu garan karo cidda soo dooratay, una hoggaansanaado rabitaankooda iyo baahiyahooda degaan ee ay tabanayaan.

Haddii aan sidaasi dhacayn waa in dhammaan ummadda reer Somaliland ay qaadacdaa rabitaanka ururada iyo xisbiyada danaha gaarka ah wata, wax codana aanay bixin ilaa inta loo ogolaanayo rabitaankooda oo ah cod bixin {One man one vote},lagaga mid noqon karo golaha degaanka,  inta ka horaysana waa in ay bulshadu ka hawlgashaa sidii arrintaa ay u fulin lahaayeen golayaasha sharci dejinta iyo xukuumadda Somaliland, oo lagu qasbaa in ay kala saaraan qaabka loo dooranayo golayaasha degaanka iyo xisbiyada iyo ururada siyaasada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories