HomeHala Joojiyo Hagardaamaynta Shaqada Golaha Deegaanka Caasimadda

Hala Joojiyo Hagardaamaynta Shaqada Golaha Deegaanka Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa salaan mudan Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Iyo masuuliyiinta kale ee heeganka ugu jira sidii loogu shaqayn lahaa shacabka Somaliland.

Waxa digniin mudan shakhsiyaadka u guclaynaya hagardaamaynta shaqada qaranka iyagoo qas galinaya habsami u socodka shaqada, isla markaasna dabino u soo xidhaya masuuliyiinta heeganka ugu jira shaqada qaranka Somaliland.

Waxa muddooyinka dambe soo ifbaxayey dabino loo xidhay hogaanka golaha deegaanka caasimadda hargaysa, kaas oo loogu soo marmarsoonayo xilka qaadis loogu hanjabayo maayar ku xigeenka caasimadda hargaysa Md Maxamed Cabdilaahi Uurcade.

Arrintani waxay ku salaysantahay aargudasho ay wadaan rag xilalkii ay hayeen laga qaaday kuwaas oo wakhtigii loo igmaday ka dhamaaday, waxaanay golaha deegaanka caasimadda  kula soo galgasheen qas iyo xaalad abuur.

Waxay adeegsanayaan xubnaha beeshooda kaga jira golaha deegaanka caasimadda oo aad u tiro yar, waxaanay diyaariyeen woxooga kharash ah oo loogu talogalay in lagu soo qabto xildhibaanada wixii lasoo laaluushi karo.

Arrintan aan ka hadlayaa waa arrinta ka taagan golaha deegaanka caasimadda hargaysa oo muddooyinkan dambe ay soo ifbaxayso wax lagu sheegay khilaaf balse ay rag la garanayo oo uu faysal cali waraabe ka mid yahay daaha dabadiisa ka hagayaan.

Ujeedada ugu wayn ee ay ka leeyihiina waa sidii ay u khalkhal galin lahaayeen habsami u socodka shaqada golaha deegaanka caasimadda oo muddooyinkan dambe si fiican loo arko waxqabadkooda.

Waxa layaab leh raggan isku bahaystay beelnimada ee uu daaha dabadiisa ka hagayo ninkaas aan kor kusoo sheegay oo gocanaya xilkii uu hayay oo ka dhamaaday, colaadna u qaaday maayer ku xigeen caasimadda hargaysa.

Axmed Xuseen Xidig

Macasalaama@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories