HomeHal Talo oo u Furan Garabka Kulmiye ee Banaanka u Baxay

Hal Talo oo u Furan Garabka Kulmiye ee Banaanka u Baxay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Waxa  imika sida dharraarta oo kale u caddaatay, in lagu kala food qaaday loollankii iyo hirdankii qadhaadhaa  ee muddooyinkii ugu dembeeyey ka dhex aloosnaa Xisbul Xaakinka, ee ku saabsanaa  cidda Xisbiga Kulmiye ka noqonaysa Musharraxa  kowaad  ee Madaxweynaha , kadib dhammaadka muddo kordhinta labada sanno ah ee loo sameeyey Madaxweyne  Axmad Siilaanyo. Dagaalkan oo soo maray marxalado kala duwan oo jahawareer mar walba ku ridayey shacbiga iyo kaadiriinta Xisbiga Kulmiye, ayaa hadda si aan mugdi ku jirin  masrixii u tartanka jagada musharraxnimada uu ugu soo hadhay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, inkastoo uu isagu haddana uu af diblomaasiyadeed ku yidhi “Diyaar  baan u ahay in saaxiibadayada nagu cadhooday ila galaan tartan xor iyo xalaal ah”.

 

Tartan kasta oo siyaasadeed, waxa caado u ah inuu yeesho xaraaraddiisa oo ay weliba isku hirdiyaan intii laysku tuhmayey iyo inkale oo horeba loo dareensanaa inaan xubnaha qaarkood sinaba ugu heshiin Karin inay wax isku daystaan ama isu tanaasulaan. Sidaa darteed, markay suurtagal noqon weyday inay si uun isugu soo dhawaadaan xubnaha  Xisbiga Kulmiye ee horeba loo dareensanaa inay si fog ugu kala aragti duwan yihiin cidda Musharraxa Madaxweyne u noqonaysa Xisbiga Siilaanyo dabadii. Arrintaa markii si walba loo dhigay ee haddana la arkay in sidii qoorta layskaga maran yahay, ayaa talo ku soo gebagebawday inuu Odayga xisbigu go’aan qaato, si looga badbaado in fadhiga Shirweynaha ee soo fool leh dhexdiisa shaadhadhka layskaga jeexjeexo, kadibna lagu kala dareero.

 

Khalad iyo sax kuu doono ha ahaadee, dhinaciisa ayuu arrintaa ka go’aan qaatay Oday Siilanyo, taasoo ahayd waajib saaran oo farayey inuu tallaabo degdegga ka qaado xaggiisa, waanu ku dhaqaaqay, waana mid caadi ah in go’aan kasta oo la gaadhaa cidna ka xanaajinayo, cid kalena ka farxinayo, waana mid ku lammaan nolosha bani’aadamka inta uu nool yahay oo wax lala yaabo maaha.  Haseyeeshee dhinaca go’aanka la gaadhay oo uu u cuntami waayey, laba mid uunbaa la gudboon, inay is-daad raaciyaan oo ay marxalad kale sugaan iyo inay si bilaa turxaan ah uga dhaqaaqaan meesha, una dega rogtaan meel allaale meeshii kale ee ay u arkaan inay dhabarka kaga jebin karaan aragtidii ay diiddanaayeen ee lagaga adkaaday, kuna kelliftay inay ka horyimaadaan kuwii ay shalay isku garabka ahaayeen.

 

Labadaa arargtiyood midkood ayaa maanta u bannaan garabka Kulmiye ee cabashada ka muujinaya go’aano siyaasaadeed oo si hoose uu u qaatay Madaxweyne Siilaanyo, ahna Odayga marjaca u ah Xisbiga Kulmiye, mar kasta oo ay taladiisu meel sollo ka gasho. Hadda sida muuqata, garabka cadhada kaga dareeray Xukuumadda iyo inta kale ee taageerayaasha u ahba, sida ay ila tahay ama iska cadba, in aanay marnaba taladoodu noqon mid u horseeda guuldarro kale oo weliba hadday ku dhaqaaqaan noqonaysa mid bar madaw u yeesha mustaqbalkooda dembe ee siyaasadeed, taasoo ah in taladoodu iskugu soo biyo shubato, inay ka dhex tartamaan Xisbiga Kulmiye oo aan wax gogol xaadh ah oo uga sii horreeyaa jirin, natiijada uga soo bixi doontaana ku dembeyn doonto eber u gee eber, isu geyntooduna waa EBER DHAKHA WEYN. Sidaa awgeed, waxa ay xaaladdooda siyaasadeed marxaladdan ay taagan yihiin ku hagaagaysaa garabka Kulmiye ee bannaanka uga soo baxay saaxaddii tartanka, in iyagoo huwan karaamadooda iyo qadarinta loo hayo ee dhinaca siyaasadda aanay la tegin bartii ay ku maydhmi lahaayeen. Balse siday ila tahay, waxa uga  habboon, inay si miyir qabta oo deggan u fikiraan, kadibna raadco u galaan labada Xisbi mucaarid ee kale sidii ay dhexdooda fursad uga dhex baadhbaadhan lahaayeen, waayo hore ayaa loo yidhi.” meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco”  Mid kalena ha ku darsadaan taladooda oo ah xataa hadday imika waxba uga suurtageli waayaan, fursad dembe ha iska sugaan, taasoo sidaan filayo in aanay ka dhex waayeen labada xisbi mucaarid midkood. Sidaa hadday yeelaan iyagoo isku dhan oo taageeradooda maanta ku biiriyaan hadba Xisbiga ay wax isla qaataan ha noqoto fursad maanta ama berri ah, waxay  iila muuqataa inay tahay tallaabo ay jembiga ku sii haysan karaan tareenka siyaasadda ee JSL.

 

Cabdillaahi Aadan Cumar [Wayab]

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories