HomeHal-doorka Nabadda: Suldaan Maxamed Suldaan Faarax W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi)- Q. 1aad

Hal-doorka Nabadda: Suldaan Maxamed Suldaan Faarax W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi)- Q. 1aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Suldaan Maxamed FaaraxMar kale iyo qormooyinkeennii Sooyaalka Hal-doorka waxa aynu ku soo qaadanaynaa qormooyin kooban oo ku saabsan sooyaalkii Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Suldaan Mahad oo ku suntan halgannadii Somaliland xorriyaddeeda kaga heshay Ingiriiska iyo Koonfurta Soomaaliya, sidoo kale ahaa masuulkii koowaad ee ku dhawaaqay hub ka-dhigista iyo nabadgelyada Somaliland ka hanaqaaday..

Suldaan Maxamed waxa uu dhashay taariikhdu markay ahayd 1921-kii, sannadkaas oo ay Soomaalidu u taqaannay Dayuuradle, sababtoo ah waxa uu ku beegmayaa markii ay Ciidamada Ingiriisku diyaaradaha dagaalka ku weerareen jabhaddii Daraawiishta ee uu madaxda u ahaa Sayid-Maxamed Cabdulle Xasan. Waxa uu ku dhashay deegaanka Hargeysa, gaar ahaanna Buuraha Naasa-hablood, oo ku yaalla jihada Woqooyi-Bari ee Caasimadda Somaliland, halkaas oo ay qoyskoodu u deggenaayeen reer-guuraannimo. Xilligaas magaalada Hargeysi ma ay ahayn mid si weyn loo deggen yahay. Hooyadiina waa Faadumo Axmed Diiriye Ammaan.

Waxa uu la dhashay shan carruur ah oo uu isagu ku lix ahaa. Carruurtaas qaarna xagga hooyo ayay ka walaalo ahaayeen, qaarna xagga aabbo.  Xagga hooyo waxa ay ka walaalo ahaayeen Axmed Askar oo ifka kaga tegay 3 wiil, oo tarmay, kuwaas oo ay maanta carruurtoodu gaadhayso 20.

4ta kale ee ay xagga hooyo iyo aabbaba ka walaalaha ahaayeen saddex ayaa tarmay, waxaanay kala yihiin Maxamuud Suldaan Faarax iyo Aadan Suldaan Faarax oo labadooduba nool hadda, iyo  Muxumed Suldaan Faarax oo geeriyooday. Waxa Jabuuti ku geeriyooday isaga oo dhallinyaro ah, xaasna aan yeelan Axmed Suldaan Faarax.

Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu guursaday laba xaas, iyada oo marwadiisa koowaad ay ahayd Sahra Xaaji Jaamac, oo aabbeheed lagu naaneysi jiray Xaaji Dhagax, oo ahaa oday caan ka ah magaalada Hargeysa. Marka la isku daro carruurta uu Alle kala siiyay Sahra iyo Suldaan Maxamed waxa ay noqonayaan shan wiil iyo laba gabdhood. Kuwaas oo kala ah

Yuusuf Suldaan Maxamed, oo aan hadda noolayn AHN oo carruurta u weynaa, waxa ku xigay Cabdi Suldaan, waxa ku sii xigay Suldaan Cumar Suldaan Faarax, waxa ku xigay Naasir, waxaana ugu yar Khadar Suldaan. Labada hablood oo dhalasho ahaan dhexda ku jira, kuna xiga Naasir waxa ay kala yihiin Rooda Suldaan iyo Faadumo Suldaan.

Xaaska labaad ee uu guursaday Suldaan Maxamed Faarax waa Xaliimo Qawdhan oo carruurteedu yihiin 1 wiil iyo afar hablood oo kala ah Keyse, Samsam, Amjaad, Farxaan iyo Gaasira. Guud ahaanna wadarta awlaadda Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa ay noqonayaan 12 ubad ah.

Suldaan Maxamed intii uu ka yaraa da’da 17 sano jir, waxa uu noloshiisa ku qaatay reer guuraannimo iyo raacidda xoolaha. Markii uu gaadhay 17 sano jir ayuu u soo wareegay dhinaca magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ka bilaabay shaqo, isaga oo ka mid noqday askartii dawladda Ingiriiska ee gumeysan jirtay Somaliland. Caaqillada ayaa ka caawin jiray Ingiriiska xulista dadka loo qaadanayo askarta. Cuqaashii fududeeyay in Suldaan Maxamed ka mid noqdo askarta Ingiriiska waxa ka mid ahaa Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ay saaxiib isu dhaw ahaayeen Suldaan Faarax Suldaan Mahad oo aabbe u ah Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, wakhtigaasina waxa uu ku beegmayaa hilaaddii 1938-kii.

Suldaan Maxamed waxa uu lahaa aqoon dhinaca shiishka ah ka hor intii aanu ku biirin askarta Ingiriiska, taas oo uu ku bartay miyiga, taasina waxa ay ka turjumaysay maskax furnaantiisa. Meelihii tababarka ciidan uu ku qaatayna waxa ka mid ahaa magaalada Jigjiga. Judhii uu ka mid noqday askarta Ingiriiska waxa uu Suldaan Maxamed sameeyay horumar iyo koboc ballaadhan, waxaana markiiba la siiyay dallacaad dhinaca derejada ciidamada ah, taasoo ahayd alifle, in yar ka dibna waxa uu qaatay dallacaaddii labaad waxaanu noqday laba alifle.

Isaga oo Suldaan Maxamed ka mid ah kuwa askarta tilmaaman ee Ingiriiska, ayuu geeriyooday Aabbihii Suldaan Faarax Suldaan Mahad, taariikhdu markay ahayd 1942-kii. Wakhtigaas waxa socday dagaalkii labaad ee adduunku, Suldaan Maxamedna waxa uu markaas ku sugnaa agagaarka deegaanka Calawla, oo ku taalla dhina Bari ee Gobolka Sanaag halkaas oo uu ka mid ahaa Ciidamadii Ingiriiska ee la dagaallamayay Talyaaniga ee qabsaday inta badan waddamada ku yaalla Geeska Afrika intii uu dagaalka 2aad ee dunidu socday.

La soco qormada labaad haddii Alle idmo…… Haddii aad hayso xog ku saabsan Suldaan Maxamed Faarax ku soo hagaaji

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories