HomeHal-doorka Haweenka: Faadumo Siciid Ibraahin (2aad) - W/Q: Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

Hal-doorka Haweenka: Faadumo Siciid Ibraahin (2aad) – W/Q: Siciid Gahayr (Hargeysaawi)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Faadumo SiciidMarwo Faadumo Siciid Ibraahin waxa yaraanteedii ay xiisayn jirtay akhriska oo ay illaa hadda si xooggan gacanta ugu hayso iyo dabbaasha. Shaqadii koowaad ee ay qabataa waxa ay ahayd 1979-kii oo ay Xoghaye u noqotay Wakiilkii USAID ee Soomaaliya, markii dambena waxa ay noqotay  madax goobeed (field officer) ka tirsan haayaddaas, kumana ay sii raagin goobtaas. Xilligaa ay Ingiriiska tegeen ee 1963-kii waa ay yaraayeen dadka Soomaalida ah ee Biritan jooga, taas darteedna lama ay fasal noqonnin Soomaali. Jaamacadda waxa ay ku noqotay iyada oo saddex carruura leh, maaddooyinka ay baratayna waa luqadda iyo sayniska. Tirada ubadkeedu waa shan ka kooban afar wiil iyo gabadh, magacyadooda iyo gu’yaasha ay kala dhasheenna waa kuwan: Nuuradiin 1982, Nasrudiin 1986, Jamaaladiin 1991, Afnaan 1995-kii.

Xilligii uu Halganka SNM ka socday gudaha Somaliland, Faadumo Siciid waxa ay ka mid ahayd dadka qaadhaanka iyo dharka ka ururiya qurbaha ee u soo dira jabhadda, xannaanaynta dadka u soo dhoofa UK  iyo qaxoontiyada ku sugnaa Itoobiya. Sidoo kale waxa ay ka qaadan jirtay in dhaawaca halista ah iyo barakacayaasha inta maangalka ah loo qaado dibadda, iyaga oo furay. Dad badan ayaa hawshan kala shaqeeyay waxay fureen Somali Advice Center oo dawladda Ingiriiska ka dhaadhicin jirtay dulmiga dalka ka socda. Faadumo Siciid waxa ay samaysay cajalad muuqaal ah oo ka turjumaysa rushayntii diyaaraduhu ku hayeen maatida oo Ingiriisku weydiiyay safaaraddii Soomaalidu ku lahaa dhulkiisa, noqotayna mid faafta oo sababtay in Kacaanku ku daro Faadumo dadka la-raadinayo lana gaadhsiiyay heer dil ah. Waxa ay cajalad labaad ku sameeyeen Jabuuti oo lagu xidhay, waxa se soo daayay Safiirkii Ingiriiska ee Jabuuti, iyagoo lagu qaaday diyaarad gaar ah oo Ingiriisku leeyahay. Kolkii dalku xoroobayna waxa ay sameeyeen dabbaal-degyo waaweyn oo guusha la gaadhayna ka turjumaya.

Nasiib-darrada ay liqi kari waayeen qurbe-jooggii ku sugnaa dibaddu ee ay Faadumo Siciid ka mid ahayd waxa uu ahaa dagaalladii dhacay intii u dhaxaysay 1992-1996 ee ka huray Saaxil, Togdheer iyo Maroodi-jeex, oo saamayn aan badnayn ku yeeshay dadkii isku qurbe-joogga ahaa iyo xan-qarsi. Dawladda Ingiriisku waxa ay Faadumo Siciid markaas weydiisatay inay furto xafiis la shaqeeya daryeelka qaxoontiyo jinsiyado badan leh taas ayaanay ka shaqayn jirtay illaa ay dalka u soo guurtay May/1998-kii.

Markii ay dalka joogtay waxa ay shaqo ka bilawday Swiss Group gaar ahaanna waxa ay reer-guuraaga ka kaabi jireen samaynta barkadaha, deeggannada ay ka  hawlgali jirtay waxa ka mid ahaa Balligubadle Toon iyo Sallaxlay. Waxa ugu xigay UNHCR oo ay ka tirsanayd adeegyada gaarka ah ee la siiyo carruurta iyo qaxoontiyada gaar ahaan kuwa Itoobiya ka yimaadda, Save the Children US ayaa ku sii xigtay oo ay xafiiskeeda markii koowaad Somaliland ka fureen ayna haysatay ilaalada carruurta oo ay ka shaqayn jirtay Somaliland iyo Itoobiya oo ay midba saddex cisho joogi jirtay iyo UNDP oo ugu dambaysay haayadaha ay la shaqaysay. Intii ay UNDP joogtay waa xilliga aan bartay Faadumo Siciid waxaan ogaa iyaga oo Booliska ka caawiyay samaynta ciidamada loo yaqaanno SPU (Special Protection Unit) ama Ciidamada Ilaalada Gaarka ah.

Garabna waxa ay u ahaayeen miino-baadhista, ciidanka asluubta iyo meelo kale. Sidoo kale xuquuqal insaanka ayaa ay masuul ka ahayd iyagoo sidoo kale dayactir ku sameeyay Xabaalaha Malko Durduro oo astaan u ah xasuuqii ba’anaa ee Taliskii milatarigu ka geystay Somaliland. Muddadan waxay rugo boolis ka dhiseen Zeylac, Xariirad, Boorama. Xabsiyada Hargeysa, Boorama iyo Gebileyna dayactir ayay ku sameeyeen. Guud ahaanna shaqooyinka UNDP waxa ay ahaayeen kuwo badan. Marwo Faadumo Siciidna waxa ay hawlo kala geddisan ka qabtay guud ahaan gobollada dalka.

Waxqabadyada gaarka ah ee ay Faadumo Siciid hirgelisay waxa ka mid ah: Jaamacadda Culuumta ee Berbera. Sannadkii 2005-ta ayaa ay Faadumo ka fejertay baaxadda khayraadka badda ee aynu leennahay, xeebteenna dheer, xuduudaha biyeed ee bilaa ilaalada ah, waxa ay hindistay in Jaamacaddaas la furo, dhulka waxa siisay Wasiirkii Hore ee Kalluumaysiga oo markaas filayay inaan arrinkani maangal ahayn, Allena waa kuguuleeyay waxaase ragaadiyay amar uu soo saaray badhasabaakii hore Ramaax oo kala diray guddigii jaamacadda, dacwad ka dhan oo maxkamadda loo gudbiyayna waa hirgali weyday.

La Soco… Qormada 3aad haddii Alle idmo

 


Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories