HomeHal bay Ragga kale Dheeryihiin

Hal bay Ragga kale Dheeryihiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Bulsho waliba dhaqankeed, baro waliba bilicdeed, balli waliba biyihii. Bulsho kastaa waxey leedahay dhaqamo lagu majeerto oo ay kaga gadisantahay bulshooyinka kale iyagoo ku qanacsan kuna hanweyn inuu yahay kan ugu wanaagsan dhaqamada jira, lagana yaabo iney umadaha kale dhaliilaan oo dhaleeceeyaan.

 

Haddaba giyiga soomalidu dagto oo baaxad ahaan aad u balaadhan deegaan ahaan kala jaad ba ha ahaadee, waxaa aalaaba lagu dabaqaa dhaqankeena diinta islaamka oo ah meesha ugu horeysa uguna danbeysa ee aynu ficiladeena iyo odhaahaheenaba ugu noqono, taasoo jirta haddana iyadoo muslin lawada yahay haddana dhaqankii ayaa lagu kala tagsanyahay waynu ka duwanahay dhaqamada kale sida kuwa lagaga dhaqmo afrikada galbeed ta bari, aasiya iyo carabtaba oo aynu in badan wadaagno diinta islaamka.

 

Aan hoos u daadago  waayadan danbe waxa dhacda in lasoo qaadqaado oo carabka lagu soo celceliyo in jiilashan danbe ay ka tayo yaryihin kana tiro badan yihiin kuwii hore  guud ahaanba gaar ahaana waxaa farta lagusii godaa ragga oo xataa maahmaaho iyo murtiyaba lagu sheegay “Ragna waa ragii hore hadalna waa intuu yidhi” wax kale maahe waa noloshii aynu ku nooleyn oo isbadashey iyo iyadoo ay umadda nabi maxamed (NNKH) ay sidan u jihaysantahay oo jiilba jiilkii uu ka horeeyay ka karti badan yahay.

 

Sidaydoontaba ha ahaatee ragga soomaliyeed waxey ku sifaysan yihiin dhaqamo tolmoon oo iyaga u gaar ah amaba ay yartahay cida la wadaagta, waxaa maskaxdaada kusoo dhacaya tolow maxey noqon karaan?. Waxaa aan marnaba kasuurtoobin nin sharaf, wanaag iyo cisi is bidaya inaanu marnaba gacantiisa u qaadin ruux dumara xataa hadday erayo deelqaafa oon loo dulqaadan karin ku tuurtuurto aadna ay iskaga dhawraan, waxa kaloo iyaduna mid aan marnaba la hilmaami karin ah wakhtiyada la joogo goobaha laga adeegto iyo suuqyada oo ah meelaha ugu saxmada badan kumanaan dad ahina isku waydaaranayaan in dumarka ixtiraam badan la siiyo oo ay raggu uga tanaasulaan iney marwalba wax qabadka ama adeega la siinayo ay ka hormaraan.

 

Intaaso kaliya maahee waxa iyaduna jirta in goobaha laga raaco gaadiidka dadweynaha (basaska) wakhtiyada qaar ay aad u mashquul badan yihiin dadka oo dhana is maqiiqaan si aaney u seegin hadba baska wakhtigaa taagen, halkaa iyada ah raggu door muhiimay ka qaatan suuro galinta iney dumarka, caruurta iyo waayeelkuba ahaadaan kuwa u horeeya halka ay iyaguna iska sugaan inta ay fursad fiican usoo baxeyso oo ay dhacdoba in ay dhawr bas sidaa kaga buuxsamaan.

 

Waxaa iyaduna aalaaba dhacda marka jidadka la marayo in dumarka aad loo dhawro oo hadday wataan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, xataa ciidanka wado marista ayaa u fududeeya hawlaha wado marista isla markaana aan baadhitaan aad ah ku sameyn.

 

Badiyaana ma suurtowdo in gabadh soomaliyeed la liido sharafteeda iyadoo ay meesha ka agdhawyihiin goobtaa rag soomaliyeed, waa haybad iyo hu, sharafeed ay ku tilmaaman yihiin oo aan marnaba duugoobin ab ka abna ay soo kala dhaxleen.

 

W/Q-Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories