HomeHal-abuur Sannad ka dib Saaxiibkii uga garaabay Suugaan uu ku dhaliilay Xukuumadda...

Hal-abuur Sannad ka dib Saaxiibkii uga garaabay Suugaan uu ku dhaliilay Xukuumadda Siilaanyo iyo Gabay uu ugu jawaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

GabayGabaygan oo loogu wan-qalay DOOBIR, waxa curiyey Hal-abuur Dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Shiine CigeBaar. Waxa uu gabaygiisani jawaab u yahay Gabay la magac-baxay GASHI oo sannad ka hor uu tiriyey Hal-abuur da’diisa ah oo ay saaxiib yihiin laguna magacaabo Axmed Yuusuf Cali oo gabaygiisaas ku dhaliilay nidaamka hoggaamineed ee madaxweyne Siilaanyo.

Hal-abuur Shiine Cige oo wakhtigaas saluugsanaa isla markaana aan ku raacsanayn dhaliisha uu saaxiibkii gabayga ugu tiriyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu gabaygiisa DOOBIR oo soo baxay Bishan November uga garaabayaa isla markaana garowshiinyo uga bixinayaa saaxiibkii mawqifka uu sannadka ka hor ka taagnaa nidaamka maamul ee xukuumadda Kulmiye muddada Afarta sanno iyo dheeraadka ah ku hoggaaminaysay dalka.

Hal-abuur Shiine Cige waxa uu gabaygiisa ibro-fur uga dhigayaa sida uu ugu qanacsan yahay ama u garowsaday aragtida fog ee wakhtigaas uu suugaantiisa ku muujiyey isaga oo soo qaadanaya xaaladda waddanka ee wakhtigan iyo duruufaha saamaynta taban ku reebay dhismaha dawladnimada.

GABAYGA DOOBIR, waxa uu ku bilaabayaa sidan:-

  • Salaan diiran Axmed Yuusufaw oo duuban iga hoo
  • Diric hadal yaqaanaa tahee dhugo dabuubtayda
  • Dibaaqayga amuur daalisaan daalacanayaaye
  • xaajo dalable dabnahaygu abid dabaq ma saaraan
  • Dagalkayga kuma diirsado waxaan daawo u lahayn
  • Dawladeena waxa aan ku nacay bal aan ku deeqsiiyo
  • Qurbajooga dabadaha jiray daba nashlaysaa
  • Dawarsiga khiyaamada qariban kama dikhoodaan
  • Danyartaa diciifka ah wixii doolar laga qaaday
  • Dawyay dhisiye yaan la dagin oo laga dukaamaysan
  • Cashuurtay dul fuushiyo waxan oo isdaba yaaca
  • Ee aan dadkii lagu celinahayn lana daryeelaynin
  • Laba kala da’wayn weeye oon lagaba doodayne
  • Dayacaada ubadkeena maan laba dareemaynin
  • Haleelkay dabraayee murtida waan dalayn jiraye
  • Adigaa ku daabici halkaad doonto gacaloowe
  • Nin ugaadha soo dabi jiraa duubtay xadhigiiye
  • Duulkii uu ka tagay iyagana darbuu xaabada u diray
  • Dabinkii markuu xidhaye uu dib ugu soo laabtay
  • Daymaduu lajeestuu arkaday dadab-jaleecii
  • Siigada daluuntiyo hadana dananka reemaaya
  • Durba waa biciid xadhigii dabroo oon digranahayn
  • Damac waa balaayee goortuu dirqiyay duway biciidkii
  • Duushayo xantii duulkii dirsaday hele dareenkii
  • Dardarkana usaar duqu waa balee mari dabuubtiisa
  • Hadaan dooji leeyahay dadkee yaan la dacaroon
  • Dadkiise uma cuntamin diide oo cadho la daaduume
  • Dala’siga xadhigii dafyoo daman kasoo qaad
  • Dabinkii laan dayrayoo hadana durug waxoogaa
  • Dayaankii markii uu maqluu siig ka day dayay
  • Dabacadaha goortuu dultagay daymo gabadhlee
  • Daayinkii arlada uumayee dunida qaabeeyay
  • Ee dirkastaba qormo dajiyay kuna dagaameeyay
  • Diintana intuu dastuur nooga dhigay nagu dar daaraayay
  • Duuflaal iyo ruux dayaysan baa dawga baal mara
  • Doorkuu lahaa kii daayacay danbarsan doontaa
  • Danaystuhu umadayda wuxuu doonayaa inuu dulaystaa
  • Diihaal ninkii nala damacsan baan doobir leeyahay
  • Dakanada lala doobyayaan daaya leeyahay
  • Dalkaygana rabaa ciidan dhigay daafacoo jira
  • Dulucdiyo ujeedada hadaan hoos u daadago
  • Deelka gabay anoon ku tiigaalahayn waxaan kusoo dayray
  • Dagal qudha kolka hore haddii dulin ku waydeeyo
  • damiirlaawahaa kolkale soodul roogsada
  • Doqon liita weeyaan qofkii sii dugaashaday
  • taladaad ladaahdaa qabsoo waydalagantaa
  •    daqiiqaduu arin kuu eg,yaa lagu dilaacshaa
  • docdakale hadaan fiiriyoon diiradana saaro
  • Dagdagsiiyo reer geediyay oo duunyadii raray
  • Sahan baa ka door roon loodiroo dool hortii sugan

HALKAN KA AKHRISO GABAYGA GASHI

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories