HomeHadimooyinka Siyaasadeed Ay Gaystaan Qaar Kamida Ah Masuuliyiinta Gobolka Awdal Ma...

Hadimooyinka Siyaasadeed Ay Gaystaan Qaar Kamida Ah Masuuliyiinta Gobolka Awdal Ma Waxa Lagu Raaligalinyaa Beelo Gaar Ah?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maamulka Gobolka Awdal ayaa la tacaalaya dhibaatooyinka iyo hagardaamooyinka ay gaystaan qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska Gobolka Awdal , Xafiiska Badhasaabka Gobolka Awdal marna ma noqon mid awoodiisa maamul ay muuqato , sanadihii badanaa ee Nidaamka maamulka Somaliland ka hano qaaday Gayigan iyo Maamuladii kala dambeeyey .

Badhasaabka Gobolka Awdal waxaa mar walba ka magac dheeraa , gudoomiyaha degmada Borama , taasi waxaa keenay maamul jilicsanaan iyo saraakiisha ka hoos shaqaysa oo ay aad u liitay aqoontooda shaqo , tooda cilmiyeedna ay tahay mid aan dhaafsanayn dugsi dhex iyo sare una baahan tababro la xidhiidh maamul wanaaga iyo inay kordhiyaan aqoontooda.

Badhasaabkii hore ee Gobolka Awdal Cabdoo Aayir ayaa mudadii u maamulka ka ahaa Gobolka Awdal waxaa u ka talaabsan kari waayey , Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal ee hore iyo Xoghayaha Gobolka Awdal, Labdan Masuul ayaa iyagu ku sifoobay labo masuul oo yeeshay booska shaqo ee loo egmaday kadib markii ay muddo dheer halkaasi ka shaqaynayeen lana shaqaynayeen maamulo dhawr ah oo is babadaly, labadan masuul ee midi booska baneeyey ayaa is dhaafsan jiray gacmaha, miinooyinka kacdoon ee aanu maamulka gobolku ka talaabsan kanrin aasi jiray si ay danahooga gaaraka ugu fushadaan.

Badhaasaab ku xigeenka Gobolka Awdal ee shaqada hada baneeyey waxaa u aaminsaanaa in uu ku fadhiyey kursigii beesha ciise ku lahayd degmada iyadoo aanay beesha ciise ku lahayn wax kursiya Gobolka madaama degmooyinkii ay ku magacawnaayeen la hoose geeye Gobolka Salal, halka Xoghayaha Dawlada hoose ee Borama lagu maamusay mansabkan, beelaha kale ee HABARCAFAAN ee uga mudnaa kursigan ay quudaraynayaan in ay maalin uun qabtaan booskan shaqo.

Xoghayaha Gobolka Awdal dadiisa oo yar iyo khibradiisa shaqo oo gaaban waxay dhaxalsiisay in uu samaysto cadaw siyaasadeed oo badan oo anu lahayn farsamadii iyo hubkii u ku maarayn lahaa, badhasaab Ramaax oo mudo ka yar 5 bilood jooga Gobolka Awdal ayaa isaga iyo xoghayaha, dildilaac dhexdooda yaala banaanka laga dheehan karaa taasi mid lamida ah waxaa qabay sadexdii badhasaab ee ka horeeyey Ramaax oo dhamaantood xoghayaha ku sifeeyey siyaasi aan qaan gaadh ahayn.

Su aasha meesha taalaa waxay tahay waa kuma shaqsiga lagu badili doono xoghaya Gobolka Awdal, maadaama xanta suuqa iyo majaalista lagu gorfeeyo siyaasada gobolku ay odorosayaan in u soo dhamaaday axdigii xoghayaha Gobolka Awdal, Dadka qaar ayaa farta ku fiiqaya in booska la siin doono qof kale oo ka tirsan beesha XEEBJIRE , halka ilo siyaasadeedyo odorosa arimaha gobolku ay sheegayaan in jilib kale oo HABARCAFAAN ah loo qoondeeyey booskan.

Tani waxay dadbadan ku keentahay in ay is waydiiyaan waa maxay sobota ay seeftu u qaadaysaa xoghayaha Gobolka isla markaan ay horay ugu qaaday Gudoomiye ku xigeenku gobolka, jawaabta ayey dadbadan la soo deg degayaan iyagoo odhaanaaya, hanaankii shaqo ee Xafiiska Gobolka oo baabay, is qab qabsi loo maaro waayey oo ka jira xafiiska iyo hanti loogu talo galay in gunno loo siiyo diwaangalinta madaniga oo la waayey taasina ay sobob u noqotay in loo mudo dheereeyey wakhtigii ay ku soo dhamaan lahayd diwaan galintaasi iyo sidoo kale waxay intaasi ku dareen siraha xafiiska Gobolka oo baxa, cuqaasha iyo salaadiinta oo si joogta ah loo la socodsiiyo wixii soo gaadha xafiiska gobolka Awdal ,

Kuwaasi iyo kuwo kale oo badan ayaa loo aanaynaya masuuliyiinta ka hoos shaqaysa Gudoomiyaha Gobolka Awdal gaar ahaan xoghayaha Gobolka, waana ta keeni karata ama keentay in masuuliyiintaasi ku waayaan booskooda shaqo.

Qore: Cusmaan Cali Warsame.

suxufi1993@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories