Home“Hadii loo baqo in dadka islaamka qaarkood gaajo iyo haraad u dhintaan,...

“Hadii loo baqo in dadka islaamka qaarkood gaajo iyo haraad u dhintaan, sidii biilka reerkaagu waajibka kuugu yahay, ayaa waxsiinta dadkaasi waajib kuugu noqonayaa..” Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa(Slpost)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in taageerida dadka muslimiintu tahay waajib saaranqof walba oo islaam ah hadii looga baqo inay gaajo iyo haraad u dhintaan, isla markaana sida biilka reerkiisi qof walba ugu waajib yahay, ay waxsiinta dadkaasi waajib ugu noqonayso.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in Nebigu CSW xadiis ku sheegay in qofka Ilaahay ugu jecal yahay dadka yahay ka ugu waxtarka badan, sidoo kalena camalka qof islaam ah looga farxiyo yahay ka Ilaahay ugu jecel yahay, isla markaana qofkaaan hayn waxuu bixiyo ku dedaalo inuu dadka kale sii gaadhsiiyo fariinta waxbixinta, taasoo uu ku heli doono ajar wax kastoo dadkuu u sheegay bixiyaan.

Sheekh Maxamed Dirir oo khudbadii Jimcaha maanta (shalay) kaga hadlay faa’iidooyinka taageerida dadka muslimiinta dhexdooda looga baahan yahay ayaa sheegay in ummada islaamku tahay jidh keliya oo waaxyahiisu caalamka dhamaantii kala yaaliin, qof walbana waxuu ka geysto ilaahay agtiisa ka helayo, waxaanu yidhi,

“Abaaro ayaa jira, duruuf adag ayaa dadkii haysata, laakiin, yeedhmadu imika waxay u badan tahay dadka meelaha miyiga iyo qarfaha ku abaarsaday, oo islaamku wax tarkooda dhiirigelin gaar ah siiyo, waxuu nebigu CSW xusay in qofka meel baadiye ah maraya ee la kulma qoys, meel aan cid kale u dhoweyn ay waajib ku tahay reerka loo soo hoyday inay wax siiyaan, hadii ay siin waayaana, waajibkii ay ka tageen awgeed qofka socdaalku waxuu xaq u leeyahay inuu xoolahooda wax ka qaato.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in dadka muslimiitu aanay ahayn dad loogu dhexdhinto gaajo iyo haraad, isla markaana qur’aanku ka hadlay, waxaanu yidhi,

“Qur’aanku in badan ayuu ka hadlay wax siinta dadka, aayado badana way ku soo degeen, “cuntada ayey siiyaan, miskiinka, agoonka iyo gaalkaba” laguma dhexdhinto ayuu Ilaahay sheegay. Hadii loo baqo in dadka islaamka qaarkoodgaajo iyo haraad u dhintaan, sidii biilka reerkaagu waajibka kuugu ahaa ayaa wax siinta dadkaasi waajib kuugu noqonayaa, sida Ilaahay aayad ugu sheegay, “Qofka nooleeya, waa isagoo dadkii oo dhan nooleeyey” qofka u aamusay ee haraad ku eegay, inuu dadkii oo dhan wada dilay ayey la mid tahay.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in Nebi Maxamed CSW, sida Qu’aanku u sheegay in badan dhiiriyey wax siinta dadka baahan, ee duruufaha werwerka iyo walaacu ku badan yahay ee gaajo iyo haraad inay u dhintaan ka baqanaya, waxaanu yidhi,

“Nebi Maxamed CSW waxuu dhiirigeliyey dadka kurbada iyo werwerka gaajada ama deyn haysto, waxuu aad u dhiiriyey in laga dulqaado, sidu ku sheegay xadiis macnahiisu yahay, “Qofka Ilaahay ugu jecelyahay waa ka dadka u waxtarka badan, camalka Ilaahay ugu jecel yahay waa ka lagaga farxiyo qof islaam ah”. Runtii dadka gaalada waynu aragnay waxay ugu jecelyihiin xilliga dadku dhibaatadu hayso, sida gaajada, cudurada, abaaraha, inay isa soo dhextaagaan, iyadoo laga yaabo inaanay jirin dad badan muslimiin ay arkeen, markay ninkaa gaalka arkaan wax siinaya, xilligaa ay ugu baahi badan yihiin, waa laga yaabaa inay jeclaadaan, ilayn dadka waxa ku abuuran in qofka wax siiya ay jeclaadaan, qofka u aamusana ay nacaan.Nebigu CSW waxuu sheegay camalka ilaahay ugu jecel yahay waa inaad qofka islaamka ka farxisid oo gaajo haysa ka bixisid ama deyn loo haysto ka bixisid, waxuu sheegay Nebigu CSW in muraad qof islaam ah leeyahay inaan la soo fuliyo ayaan ka jecelahayinaan masaajidkayga bil dhexfadhiyo anigoo Ilaahay baryaya.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in nusuusya ka hadlaysa faa’iidooyinka waxtarka ummada islaamka dhexdooda ay badan yihiin, salafkii horena intay maqlaan iskama dhaafi jirin, laakiin dhaqan fiican oo ku dayasho leh ayey samayn jireen, oo dadka jilicsan quluubtooda ay ku kasban jireen, nafahoodana hoos ugu dhigi jireen si ay kibir uga fogaadaan, weliba dadka hormoodka ah ayaa samayn jiray, si ay dadka kalena ugu deydaan. Abu bakar Sidiiq (Ilaahay raali haka noqdee) dadka xaafadaha ku dhowdhow adhiga ayuu u lisi jiray, wax kale iska daayoo, bal ka warama innaga ninka la yidhaahdo adhiga ayuu xaafadiisa u lisaa ayaa laga yaabaa in dadka qaarkood eedeeyaan, ka la yidhaahdo xaafado kale ayuu u lisaana wuu soo khafiifayaa (waalanayaa) in la yidhaahdo ayuu u badan yahay, markii madaxweynaha muslimiinta laga dhigay Abu Bakar ayaa inan yar tidhi, haddaba imikaa laga yaabaa inaanu adhiga inoo lisi doonin, ilayn way ku nasteene?Waxuu yidhi Abu Bakar, ‘waxaan rajaynayaa hawshaa inaan madaxtinimadu isbedel igu samayn’. Cumar binu Khadaab (RC)waxuu u dedaali jiray dumarka aan raga lahayn, cid daryeelaysana aanay jirin ayuu biyaha u soo dhaamin jiray, saxaabiga Dalxa ayaa habeen arkay Cumar oo guri sii gelaya, maalintii ayuu isyidhi gurigii Cumar xalay gelayey xog-ogaal u noqo, waxuu ugu tegay islaam da’ah oo indho la’,kuna yidhi, maxuu kuu qabtaa ninka habeenkii kuu soo gala, waxay ku tidhi islaantii ‘aad buu iigu dedaalaa, waxaan doonayo ayaan u sheegaa oo u ii keenaa’, dadkaasi waa wasiiradii Nebiga CSW iyagoo madax ah iyo iygoo aan ahayn hawlahaa ayey u qabanjireen dadka jilicsan, halka laga yaabo madaxda muslimiinta inagoo cid gaar ah aan sheegayn dhaqanka inay dadkaa u daadegaan ama u khidmeeyaan aanay badnayn, laakiin, iyagoo gawaadhi ordaya saran ay gacmo barwaaqaysan ku salaamaan. Xakiim inbnu xisaam waxuu ka mid ahaa maalqabeenadii islaamka, xaaskii nebiga Khadiija RC ayaa eedo u ahayd, dhaqankiisa waxa ka mid ahayd inuu maalin walba raadiyo qof muslimiinta ka tirsan oo xaajo uu baahi weyn u qabo uu u dhameeyo, oo baahidiisa daboolo oo dhaqaale siiyo, una ergeeyo, maalintuu waayo qof baahan oo muraadkiisa uu u dhameeyo waxuu odhan jiray waan masiibaystay maanta, oo camalkaygii muu kordhin.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Nebigu CSW sheegay in qofkii walaalkii muslim ah ka feyda werwerada aduunyada midkood, inuu Ilaahay ka magangelyey doono werwerada maalinta qiyaamaha. Sababaha keena in ummadu istaageeri weydo waxa ka mdi ah marka iimaanku daciifo, maalin ayaa masaajidkiisi ay soo galeen dad duruufo haystaan gaajo iyo abaaro oo oogadooda ka muuqato, ka dibna dadkii ayaa hore ugu gurman waayey, Nebigu CSW intuu aad u xanaaqay ayuu ku dhiiriyey inay walaalahood wax taraan, markii dambee qof walba wax siiyey ee dadkii farxeen, Nebiguna CSW aad ayuu u farxay, waxaase muhiim ah inaynu walaalayaal ogaano in farajka ugu weyn ilaahay ka imanayo, sida Ilaahay qur’aanka inoogu sheegay siduu anbiyadiisii dhibaatooyinkii haysatay uga dulqaaday, waxyaalaha ducooyinkeena lagu aqbalo, qof walba meel ayaa u darane, ama ubadka, ooryaha, arsaaqada, caafimaadka, waxa lagu helaa gargaarka iyo ka saarida dhibaatooyinka haysta ummada islaamka. Inta dadka miyigu dhibaataysan yihiin, innagana waynu la qabnaa, markaa qof walba inta ehelkiisa ee gaar uu u taageerayo iyo ta guud ee la uruurinayo waa inaan ka qeybqaadanaa, sidaa ayuu Ilaahay inoogu naxariisanayaa, farajkiisana ku helaynaa, roobkuna inoogu da’ayaa, sida nebigu CSW u sheegay “Dadka naxariista Ilaahay ayaa u naxariista” inta wax bixiyey waynu u ducaynaynaa, inta kale ha ku dayato, qofkaanhaynee kelmad mid dibed jooga ugu sheega abaarahii waxbaa loo uruurinayaa ee wax maad ku darsan, mid ganacsade ah ayaad u sheegay, mid guriga kula jooga, ee walaalkiiugubaaqa ama ku baraarujiya inuu wax la baxana, waxuu la mid yahay isagoo wax bixiyey, hadaad toban qof u sheegtid oo wax bixiyaan, ajarkii ay heleen in le’eg ayuu Ilaahay kuu qorayaa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories