HomeHadii Dabkii (DASTUURKII) Dhaxoomooday-Maxaa lagu Diiriyaa?

Hadii Dabkii (DASTUURKII) Dhaxoomooday-Maxaa lagu Diiriyaa?

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Bani’aadamka markii Ilaahay abuuray, waxuu u soo dejiyey kutub ay u raacaan wax kastoo noloshooda khuseeya, dhinac walbana xalka ay uga baahdaan ka helayaa, sida Ilaahay aayad quraan ahku sheegay“kagaamu tegin kitaabka shayna” oo macnaheedu yahay dhibaato kastoo idinla soo gudboonaato, xalkeeda waad ka helaysaane u doonta, laakiin, nasiibdarada haleeshay ummada guud ahaan, waa markii ay ku dhaqmi waayeen kitaabkii Ilaahii abuuray ugu talogalay, kamana bixi doonaan ilaa ayu soo noqdaan diintooda, (Islaam), oo ah keliya diinta bani’aadamka aduunkan guudkiisa ku nool dhamaantood la faray inay qaataan ku dhaqankeeda, waxii ka soo hadhayna yahay baadil.

Isweydiintu waxay tahay hadii ummadihii mid walba sammaystay Dastuur iyo qawaaniin u gaar ah, si kastoo ay ugu ekeysiiyaan inaanay diinta Islaamka ka horiman, waxaa shaki la’aan dhab ah inaanu noqonayn mid kaga filaada xal u helida amuurahooda, si kastoo loo qurxiyo ama loo lafa guraba.

Haddaba, haddanu soo aragnay kala-dhinaanshaha dastuurada iyo qawaaniinta ummadaha aduunku midba gaar u samaystay, maxaad u malaynaysaa dadka iyagu mid aan faahfaahsanayn ama iska horimanaya ka doonay inay xal ugu helaan waxii khilaafaad soo baxa arrimaha u dhexeeya ee ay wadaagaan.

Dastuurka Somaliland oo shacabku u codeeyeen waxaa qaanuunka ugu sareeya dalkeena, ee dhamaan waxii kale ka farcamayaan, taasoo macnahiisu yahay, hadii dastuurku noqdo mid hagaagsan, isla markaana si cad u qeexaya qodob kasta iyo jebintiisu hadii ay timaado sida loo marayo ay qorayaan xeerarkii ka faracma, waxaa muuqanaysa in wakhti haba qaadatee, ummadu si aan dhamaystirnay ugu kala badbaadi

 karaan, balse hadii aan DASTUURKII SOMALILAND marnaba aan si dhab ah inta ummada xilka u haysa ugu dhaqaaqinqabyo-tirkiisa, maxay noqon doontaa masiirka ummada ku hoos noolna, WALAAHI, Ilaahay way leeyahiin badbaadiya, laakiin, looma diyaarin, hagrashadeeduna way muuqataa, iyo cidda eedeeda iska leh, oo saddexda WAAXOOD ee FULINTA, SHARCI-DEJINTA & GARSOORKA, wada saamaynaysa,haugu sii horeyso waaxda SHARCI-DEJINTU, oo masuuliyadeedu tahay xeer-dejinta dalka.

Hadaan u dhaadhaco ujeedada qoraalkaygan maanta, marka xadhig aan nidaamkii sharciga iyo qawaaniinta dalka u yaalay dhigayeen aan loo soo marin oo sharci-daro ah laygu xidho, ama qof kaloo muwaadin ah loo geysto, waxa meel lagaga dhacay karaamadii iyo xuquuqdiiqof ahaaneed, iyo tii qawaaniinta shuruuc ee dalka u yaalay, waa halkee meesha ama hay’adda ama masuulka ay tahay inuu iiga hiiliyo, ama horistaago sharci daradaa, mise waan samara oo waxaan gefkaa la sugayaa maalinta maxkamdii CADAALADA ee ILAAHAY la gaadho? Dhab ahaan, ma jiro xal muuqda oo arrinkani leeyahay.

Waxa maalintii afaraad ugu xidhan sifo sharci-daro ah oo gef ku ah qawaaniinta, shuruucda iyo Dastuurka dalka saldhiga xaafada Ibraahim Kood-buur, Ganacsade Cumar Caydiid Axmed, nasiibdaro-se weli lama hayo diidmo iyo sixitaan ay ka sameeyeen hay’ad ama masuulkii u xilsaarnaa sixitaanka khaladkan sharci-darada muuqata ah? Anniguna ma filayo inuu jiro, ilayn innaguma daawadeen (bulshada Somaliland) FADEEXADANE?

Khamiistii waxaan xafiiskiisa ugu tegay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mr. Adan, annigoo doonaya inaan weydiiyo sifaha sharci-darada ee loo xidhay muwaadinka aan sare ku xusay, iyo inay masuuliyadiisa tahay inuu saxitaan ku sameeyo shuruucda lagu gefay,waxuu iigu jawaabay , annigu waxaan ahay Gudoomiyahii Maxkamada Sare, ima khuseeyo, ee

 waxaad wax ka weydiisaa Maxmakada Gobolka Hargeysa oo qaabilsan, Gudoomiyahii Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaan xafiiskiisa ugu tegay, si aan wax uga weydiiyo sifaha khaldan ee loo xidhay iyo cidda masuuliyadeeda tahay inay saxdo oo wax ka qabato, waxuu iigu jawaabay, warkiisa arrinkaa ma hayo-markuu kiisku I soo gaadho ayaa go’aanka ku haboon maxkamadu ka qaadan doontaa! Waxaan isweydiiyey hadii masuuliyiintii ugu sareysay WAAXDA CADAALADU sidaa kuugu jawaabtay, tolow, ma jirtaa meel ka sareysa oo loola ciiro? Miyaanay ahayn masuuliyadooda? Maxaa khaldan? Bal adba!

Dastuurka Somaliland sidaad hore u soo sheegay waxaa muuqata baahida ummadu u qabto qabyo-tirkiisa, markaada eegtid qodobo kooban oo khusaynaya xalka arrinkan ama si cad kuugu muujinaysa cidda awooda u leh inay ishortaagto isla marka ay dhacdo talaabo sharci-daro ah ama lagu gefay shuruucda, qawaaniinta iyo Dastuurka dalka. Markaad eegtid waxaad arkaysaa qodobo iska horimanaya?

QODOBKA 37AAD ee Dastuurka, oo ka hadla AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA, ayaa farqadiisa koowaad u dhigan tahay:

2.Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay

Hadii saddexdii waaxood ee dhismaha qaranka Somaliland sidaa dastuurku u sheegay in mid walba awood madaxbanaani gaar u leedahay, tolow, gefka shacabka laga galo sidee xalkeeda lagu gaadhayaa, ama marka waaxda FULINTU iga gasho gef waa halkee meesha aan ula ciirsanayo, ee iga horistaagaysa, mise waxaan sugaa ilaa inta ay waaxda kale GARSOORKA ii gudbinayaan? Sida masuuliyiinta

 GARSOORKU u dhigeen? Waxaanse kaga gam’ayaa in CADAALADII Ilaahay helitaankeedu ii dambeeyo, oo masuul kastoo gef anniga iyo ummadaba ka galay ama gudan waayey xilkuu u hayey la gaadhi doono maalin looga gudo.

Haddaba, hadii dastuurkii dhigayo in saddexda waaxood ee dhismaha qaranka Somaliland mid walba gaar u madaxbanaan tahay, miyaanay noqonayn, shacabow idiin heshiinaye, idinkuna na daawada, ilayn meel kaloo loola eerto ma hadhine?

Waxaan kaga baxayaa ereyadan ood moodo inay si bayaansan u fasirayaan dhibaatada manta anniga, iyo inta ila midka ah ee shacabka Somaliland si caam ah u haysata, ama si gaar ah, ee ciddi ay xalkeeda ka sugayeen iyagu u baahan in la daweeyo!

Ducaadii la doortee, darajadii la saariyo- haduu daryeeli waayo dab-dhaxmooday weeyoo, hadii dabkii dhaxmoodo maxaa lagu dabiibaa?

Qore: Maxamuud Cali Sh. Maxamed (Walaaleye).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories