HomeHadii Aad Tahay Siyaasi Reer Somaliland Ah, Iska Eeg Astaamahan, Kana Waantow

Hadii Aad Tahay Siyaasi Reer Somaliland Ah, Iska Eeg Astaamahan, Kana Waantow

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Shacabka Somaliland waxa niyad jab joogto ah ku haya siyaasiyiin aan caqliga badan lahayn ee maalin walba isku jawaabaya, kuwaasi  oo aad odhanayso kuwani caruurta ayaa caqli dhaanta afxumadooda iyo foolxumada kelmadaha afkooda ka soo burqanaya.  Waar shacabka u tudha oo ceebtiina ka dhawra dhegahooda. Waar hadii wax aad kala tabanaysaan si qarsoon iskula hadla oo ku dhameeya wada tashi iyo isqancin, waxba tari mayso Saxaafada oo la isku caayo oo midba mid dhaleeceeyo.

Waxa haboon inaad mustaqbalka dalka oo qudha ka talisaan, iskana dhaaftaan hebel ka ciidee yaanu wax wanaagsan qabane, waar waxad xumaynaysaa oo aad curyaaminaysaa hawlihii Qaranka ee qof ma curyaaminaysid. Siyaasiyiinteena waxa aan u kala soocnayn qofka xilka qaran haya ee ku mashquulsan Shaqadii qaranka ee hadana siyaasi kale cay iyo afxumo la daba joogo. waxa haboon in aqooni ku dhisan tahay la isku toosiyo oo edeb leh balse sida ciyaal suuqa la isula hadlo saw nasiib daro maaha.

Waxan leeyahay Siyaasiyiinta, waar waxa aad la doobinaysaan waa dano shaqsi mid xil haya iyo mid mucaarad ahba. way yartahay inta daacad u qabanaysa shaqadii shacabku u wakiishay, nin waliba qabiil ayuu dabada ku wataa oo danihii qaranka waa la ilaaway. hebel iska difaac ayay wakhtigiiba ku lumiyeen. waxan leeyahay hadal yar iyo shaqo badan ayay Somaliland u baahan tahay, uma baahna siyaasiyiin qaylo badan oo sida awrta qooqan meelahaas iskaga doobiya si uu u tuso awrta kale inuu qooqan yahay oo aan loo soo dhawaan karin.  waxa wax lala yaabo ah inaad arkayso Siyaasi hadlaya oo wuxuu doono iskaga dhawaaqaya oo aad qaarkood is odhanayso xiitaa maskixiyan ma dhamaystirna markaad maqasho hadalada ay ku yooyootamayaan.

Maanta Aduunyo ayaa la joogaa berina Aakhiro, waar ninkii shacabkan raba inuu wax u qabto, isaga oo aan xil hayn ayuu wax u qaban karaa, waa inaad umada wax gashataa oo aad ku hanataa daacadnimo iyo inaad lexjeclo ka qabto oo aad ka warhayso kuwa dhibaataysan ee Cusbitaalada Jiifa, kuwa Waalan ee lagu hayo goobaha dhimirka ama wadooyinka ku darayaysan iyo kuwa tabaalaysan ee danyarta ah.

Ninka siyaasiga ahi waa ninka ka qayb-qaata taakulaynta shacabka ee goob kasta oo dad ku dhibaataysan yihiin taga ee nolosha la qabsada.

Siyaasiyiinta waxan leeyahay, yaanay idinka noqon bariisyahow ku cunay ama ku ciideeyay. maanta hadaanad xil haynin, qaykaa ayaa haya ee la garab gal oo si anshax iyo asluub leh ula tali sababta, waxa loo shaqaynayaa waa bulshadeennii, berina adiga ayaa qaban doona xilkan, waxanad u baahan doontaa taageeradiisa.  waligaa ka digtoonow in nacaybka aad u qabto siyaasi kale aad ku dumiso qaranka oo dhan, waligaana hadii aad dhaliilayso qof xil haya, waxad dhaliishaa nidaamkisa shaqo basle qofka laftigiisa ha caayin ama sharaftiisa meel hakaga dhicin. qofka iyo xilka uu hayaa waa kala laba,  inta badan waxa laga yaabaa inaanay siyaasiyiintu kala garan qofka iyo Shaqada uu hayo. sharciyan lama ogola  in qofka sharaftiisa meel lagaga dhaco balse nidaamkiisa shaqo waa la dhaliili karaa waana loo nasteeexayn karaa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories