HomeHadhaaga Meydadka 44 Qof oo Dawladdii Siyaad Barre Xasuuqday oo Maanta Aas-qaran...

Hadhaaga Meydadka 44 Qof oo Dawladdii Siyaad Barre Xasuuqday oo Maanta Aas-qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Xasu 1Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa Aas Qaran loogu sameeyey  Hadhaaga Meydadka 44 Qof oo Dawladdii Siyaad Barre Xasuuq u geysatay sannadkii 1984-kii, wakhtigaasi oo dadka reer Somaliland lagu sameynayey gumaad isir-nacayb ah oo maamulkaasi kula kici jiray shacabka.

Marxuumiinta Maydadkooda laga soo faqay Xabaalo-wadareedyo lagu aasay, ayaa lagu xasuuqay meesha la yidhaahdo Badhka oo ku taalla duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa oo wakhtigaasi dawladaasi si badheedh dadka inta ay isku Xidho ay dhammaan si safmar ah u Dili jirtay.

Meytidan ayaa Maanta Si rasmi ah dib loogu aasay Xabaalo ku yaala Duleedka Magaalada Hargeysa gaar ahana meesha la yidhado Masalaha oo dhinac Koonfur-Bari kaga beegan magaalada, waxaana jinaasaddooda ka qayb-galay masuuliyiinta Qaranka oo isugu jira Wasiirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye..

(Guji) DAAWO MUUQAALKA LAGA SOO DUUBAY

Aas wadareedkasi ayaa wax ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukumada Somaliland, Wasiirada Arrimaha Dibada, Qorshaynta, Cadaalada, Diinta iyo awqaafta, waxbarashada, Wasiirka Beeraha, Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xisbiyada mucaaridka ah, Boobe Yusuf Ducaale, Aqoon yahano kale Siyaasiyiin faro badan iyo dadweyne aad u badan.

Dhammaan Madaxdii halkaasi ka hadashay waxay sheegen in loo bahan yahay in dadkii dadkaasi reer Somaliland Xasuuqay la horkeeno maxkamad si looga abaal mariyo dadkii ay xasuuqeen.

Dadka la Xasuuqay ee ka kooban 44 ayaa Wax soo qoday oo muddo dheer badhey Hay’ad Ajanbi ah oo la yidhado EPAF oo ku caan ah Baadhista dalalka xasuuqayada laga geeysto iyada oo ka soo shaqeysay dalal badan oo ka tirsan caalamka oo ay xasuuqyo ka dheceen.

Guddoomiyaha Gudida Baadhista Xasuuqa ee Somaliland Khadar Axmed Like ayaa warbaahinta u qaybiyey warsaxafadeed uu soo saaray oo u dhigsan sidan. “Waxanu halkan  iskugu nimid saaka in aynu sidii islaaminimadu ina fartay  u aasno 44 kan Marxuum oo ay si sharci darro ah, iyagoon danbi lahayn, u xasuuqday  dawladdii  markaa dalka ka talinaysay ee kaligii taliskii Siyaad Barre, ee sanadkii 1984 kii, wax mahad leh illahay oo maanta inoo suurta galiyey in sidii diinteena subani ina fartay aynu u aasno 44kan Marxuum oo laga soo saaray xabalaha badhka.

(Guji) DAAWO HAWL-GALKII LAGU HELAY XABAALO-WADAREEDKA

Waxa kale iyaguna mahad leh khuburadan ka socota hay’adda EPAF ee xaqiijisay inuu xasuuq ka dhacay dalka 1984kii, iyaga oo hawshoodii sii wadi doona si ay u xaqiijiyaan xasuuqyadii kale ee dhacay sanadihii ka danbeyey 1984kii ee ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

4Khubarada baadhista ku samaysay hadhaaga Meytida ayaa ka socday urur-caalami ah oo la yidhaahdo EPAF kaas oo ka soo shaqeeysay dalal badan oo xasuuq ka dhacay sida Colombia, Venezyela, Chile, Philippines, Nepal, Congo And Kenya .

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories