Home“Haddiii doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomiwaydo hawlaha qaranku waxa ay u soconayaan sidoodii..."...

“Haddiii doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomiwaydo hawlaha qaranku waxa ay u soconayaan sidoodii…” Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay In xukuumaddu dhammaystirtay dhammaan shuruudihii dhinaceeda kaga xidhnaa qabsoomidda doorashooyinka dalka, sidaas awgeedna aanay masuuliyaddeeda lahayn haddii dib-u-dhac ku yimaaddo doorashada.

DSC_0035Guddoomiye Muuse Cabdi waxa uu masuuliyadda dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinka dusha ka saaray Goleyaasha Sharci-dejinta, gaar ahaan guddoomiyaha Golaha wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo uu isaga ku eedeeyey inuu ka cago-jiiday dhaqan-gelinta shuruuc uu sheegay inay ku baaqdeen xafiiskiisa.

Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qayb-galay shirka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirrada oo uu khudbad ka jeediyey, waxa uu ka jawaabay baaqyo mucaaradku ugu jeediyeen xukuumadda inay is-casisho isla markaana la dhiso xukuumad ku-meel-gaadh ah maadaama muddo-xileedkeedu ku egyahay bisha lixaad ee sannadkan, waxaanu sheegay in xukuumaddu sii-wadanayso hawlaheeda.

Muuse Biixi oo ka hadlayey arrimaha Doorashooyinka, “Dimuraadiyadu waji gaar ah ayey u leedahay dal kasta iyo dadkiisa, sababta oo ah waxa ay ka soo dhexbaxdaa habka dhaqan-dhaqaale, diimeed, taariikheed iyo isdhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.

DSC_0014Kulmiye wuxuu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka dimuqraadiyada ee faa iidada inoo leh. Laba ka mida tiirarkaasi waa:-

  1. In golayaasha qaranka iyo Dawladaha hoose ku yimaadaan xafiiska doorasho xor ah, isla markaana u hogaansanaadaan rabitaanka codbixiyeyaasha
  2. In la helo doorashooyin hufan oo ku qabsooma wakhtigoodii

Hadaba xisbiga iyo xukuumaddu, gaar ahaan madaxweynuhu isaga oo arrimahaa ka duulaya waxa wakhtigoodii ku fuliyey hawlihii kaga aaddanaa doorashooyinka, kuwaasi oo ahaa sadex qodob.

  1. Dhamaystir sharci
  2. Magacaabida GDQ
  3. Dhaqaale

Intaa waxaa dheer in madaxweynuhu u qoray daneeyayaasha doorashooyinka warqad uu ku muujinayo u diyaargarowga doorashooyinka (latter of commitment) 17/11/2013.

Waxaa hubaal ah in madaxweynaha ka gudbeen qodabadaasi wakhtigoodii, waxaana la ogyahay in ay ku xanibmeen xafiiska gudoomiyaha wakiilada oo isagu qayb wayn ku lahaa fulinta sadexda qodob.”

Mar uu ka hadlayey mowqifka xisbiga Kulmiye ee doorashooyinka, waxa uu sheegay In komishanku leeyahay awoodda wakhtiga doorashada la qabanayo, In kulmiye uu diyaar u yahay doorashada, galaayana marka komishanku iclaamiyo, waxaanu yidhi, “{Hadii doorashadu dib u dhacdo xisbiyada qaranka laba arrimood oo keliya ayaa la gudboon, kuwaasi oo kala ah; Maxaa innaga khaldamay? iyo sidee ugu fiican ee doorashada u qabsanaa, labadaana waxaa loo raacayaa sharciga, midna waa biyo kama dhibcaan ee ha la ogaado, cidkasta oo dood qabtaa waa in aanay ka bixin xayndaabka  sharciga

Haddiii doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomiwaydo hawlaha qaranku, waxa ay u soconayaan sidoodii, iyada oo la raacayo sharciga dalka u degen.”

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Xisbiga Kulmiye caad kama saarna in fikradaha iska hor imanaya iyo  baanisuhu yihiin dabeecadaha hannaanka xisbiyada badan, hase ahaatee waxa iyana ka mid ah dhaqanka dimuqraadiyadda in isu caqli celin iyo isqancin lagu gaadho talo la isla qaato.

Waa taa bisaylka siyaasadeed ee danta guud ku jirtaa, waa aragtida kulmiye ka duulayo ee ku maaraynayo hawlaha qarankan naf iyo maalba loo soo huray,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

somalilandpost.net/hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories