Home"Haddii Uu Goluhu Diido Heshiiska DP World, Wax Dambe Oo Aanu La...

“Haddii Uu Goluhu Diido Heshiiska DP World, Wax Dambe Oo Aanu La Saxeexanaynaa Ma Jirto” Wasiirka Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa  (SL.Post)  Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Xukuumadd ahaan Golaha Wakiillada ka dalbanayaan inay ansixiyaan heshiiska isticmaalka Dekeda Berbera ee ay la soo galeen shirkada DP World.

 

 

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo mudanayaasha Golaha Wakiillada u jeediyay khudbad uu ku faah-faahinayay heshiiska ay Xukuumaddu la gashay shirkada DP World.

 

 

 

“Golaha Waxaanu ka codsanaynaa inuu anisixiyo heshiiska oo ay nagu taageeraan, haddii uu Goluhu  diido heshiiska DP World sabab aanu u sii wadnaa  looma baahna. Sidaa darteed waxaanu u aragnaa inaanu Golaha horkeeno nuxurka heshiiska , waxaanu dhawraynay golahan haybadiisa,waayo waa gole sharci dajineed oo inaad anisixyaan oo nagu taageertaan ayaanu doonaynaa, xaqna waxaad u leedihiin inaad diidaan iyo inaad taageertaan.” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

 

 

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi  “Heshiiskani wuu ka duwan yahay Xeerarka golaha soo mara, Xeerarka golaha soo mara maalin walba waanu soo gudbinaa oo nidaam ayaynu leenahay oo goluhu wuxuu xaq u leeyahay inuu wax ka bedelo oo wax ku daro, wax ka saaro oo wax ka celiyo. Heshiiskani waa mid aynu la galnay shirkad ganacsi oo iyaduna faa’ido doonayso inaguna qaran ahaan aynu faa’ido doonayno, Golahana waxa u furan inuu nagu taageero heshiiskan, waayo golahani maaha ka gor-gortanka la galay DP World, anagaa gorgortanka la gelayna oo waa shaqadii Ummaddu noo dhiibatay.” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi

 

 

 

“Waxa idiin furan (Golaha Wakiillada) inaad diidaan, haddii la diido halkaasu ku hadhay oo wax dambe oo aanu la saxeexaynaa ma jirto Shirkada DP World oo iyagana sidaasaanu ugu sheegnay . Sidaa darteed sababtaasaanu nuxurka hordhaca ah ee heshiiskani ka kooban yahay idinku keenay.”

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo.

 

 

Somaliland post.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories