Home“Haddii Shirka Golaha Dhexe Dib u Dhac Ku Yimaado Qaranka Dhaawac baa...

“Haddii Shirka Golaha Dhexe Dib u Dhac Ku Yimaado Qaranka Dhaawac baa Gaadhi Doona” Musharax Indho-indho

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)ovember-06-2015- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed  Xasan(Indho-indho), oo sheegay inuu musharax madaxweyne xigeen u yahay Muuse Biixi, waxa uu sheegay inaanu garabkoodu aqbali doonin in shirka Kulmiye dib loo dhigo 10 daqiiqo.

 

Shirka golaha dhexe ee Kulmiye, oo hore loogu qoondeeyay inuu qabsoomo 10-ka November waxaa diidan in wakhtigaasi la qabto musharaxiinta isbahaystay oo doonaya in dib loo dhigo si xal looga gaadho arrimaha la isku hayo, balse garabka Muuse Biixi ayaa ku adkaysanaya in wakhtigiisa la qabto.

 

“Shiweynuhu waa inuu wakhtigiisii ku dhacaa, Muddada shirka loo qabtay oo ah 10-Ka Bisha November waa inaan saacad dib looga dhigin, Haddii shirkaas dib u dhac ku yimaaddana Xisbiga Kulmiye, Madaxweynaha iyo qarankaba dhaawac baa gaadhi doona,” Ayuu yidhi Musharrax Indho Indho oo Hubaal u waramay.

 

Musharraxa oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in muddo dheer lasoo waday qaban-qaabada shirweynaha, isla-markaana musharrixiintu hore u haysteen wakhti ku filan oo ay arrimahooda kaga baaraan degaan, waxana uu yidhi,“Shirweynuhu in badan buu soo rafaneyey, Xisbigu soo hadlayey, musharrixiintuna Olalahooda soo wadday, Maantana waxa la gaadhay xilligii lagu adkaysan lahaa inuu wakhtigiisa ku dhaco oo aan ballantaas hore laga laabanin.”

 

Cabdiqaadir Indho-indho oo hore u shaaciyey inuu Ku-xigeen u yahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa haatanna sheegay inay isku aragti ka yihiin Gudoomiyaha sidii shirku wakhtigii loo cayimay ugu qabsoomi lahaa,“Waa in dadka aan ku xigi waayey aan shirweynaha dib loogu dhigin. Aniga iyo ninka aan ku xigo ee Aqlabiyadda shirka wadannaa ma aqbali doono in shirweynaha Toban Mirir dib loo dhigo.” Ayuu yidhi Musharrax Indho-indho.

 

Garabka Muuse Biixi, ayaa u muuqda kuwo ay ka go’an tahay qabashada shirka golaha dhexe ee Kulmiye wakhtigiisa ah Salaasada soo socota. Musharaxiintooda ayaa iska xaadiriyay xarunta xisbiga si ay u oofiyaan baaq ku aadan buuxinta shuruudaha oo xoghayuhu u jeediyay.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories