HomeHaddii qarankii la dhacay, Bulshada degaankana ma la dhacayaa? – W/Q: Maxamed...

Haddii qarankii la dhacay, Bulshada degaankana ma la dhacayaa? – W/Q: Maxamed C Ciise

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

IssaWaxa maalmahan Saxaafadda Somaliland aad ugu soo baxayay cabasho xoogan oo ka soo yeedhaysa qaar ka mida bulshada degaamada Somaliland, gaar ahaan gobolka Togdheer,  oo ku saabsan shidaal dhulka ay degaan la rabo in laga baadho.

Waxa laga cabanayaa in aan haba yaraatee wax xidhiidha shirkadaha shidaalka baadhayaa aanay la samayn dadweynaha local-ka ah ee dega dhulkaa shidaalka laga baadhayo.

Waxa laga cabanayaa in aan laga wada hadlin sida ay ku dambayn doonto nolosha dadka dhulkaa dega oo hada leh waxa nala yidhi ka guura dhulka aad degtaan.

Waxa laga cabanayaa in shirkadu aanay haba yaraatee wax shaqaale ah ka qoran dadka dega dhulkan ay rabto in ay shidaal ka soo saarto.

Waxa laga cabanayaa in beelaha dhulkan degaa markii ay dawladda iyo shirkadaba cabasho u gudbiyeen aan ilaa hadda wax xal ah oo la taaban karo laga gaadhin.

Waxa laga cabsi qabaa in xaaladan is fahaam la’aanta ahi ay sii xumaato oo khasaare aan loo baahnayni uu meesha ka yimaado.

Cabashadaa bulshada degaamada shidaalka laga baadhayo iyo dulmiga ay tirsanayaan waxa raaca oo aad arkaysaa in guud ahaanba qaranka Somaliland aanay cadayn doorka uu ku leeyahay shidaalkan sida deg-dega iyo ismaqiiqu ku jiro la rabo in loo baadho.

Waxaad arkaysaa in dhamaan heshiisyada lala galay iyo liisanada la siiyaya shirkadaha shidaalka baadhaya anay ku jirin share uu leeyahay qarankan dalkiisii shidaalka lagala soo baxayaa.

Waxaad arkaysaa in dhamaanba wixii meeshaa laga helo ay kala qaybsadeen shirkado private ah  iyo shirkado ajaanib ah oo ah kuwa shidaalka baadhaya.

Gobolkan togdheer gaar ahaan degaamadan hadda buuqu ka taaganyahay waxaad arkaysaa in shirkadda Genel ay leedahay 75% halka East Africa resources group( shikad private ah) ay leedahay 25%. Waxa layaab leh mee qarankii dhulkan lahaa!!

Waa wax lala yaabo in dal shidaal laga qodayaa aanu haba yaraatee qayb ku lahayn qaran ahaan shidaalka dalkiisa laga helo oo ay shirkado iska qaybsadaan.

Waxa laiswaydiinayaa hadda dhulkan la leeyahay dadkii deganaa ka guura waa ayo cida shidaalka ka baadhanaysaa ee rabta in ay dadkii boqolaalka sanadood deganaa khasab kaga rartaa? Guud ahaanba shacabka reer Somalialnd ma waxay ogolaadeen in khyraadka qaranka qaab noocan ah loo boobo? Waxa is waydiin leh hadii qarankii la dhacay oo dawladii ka talinaysay doorkii ay ku lahayd ilaalinta khayraadka dalka ay dayacday, ma wax la aqbali karaa in bulshada dhulka deganna la dhaco oo layidhaa guura, waxa dhulkiina khayraad laga helana waxba kuma lihidin? Xataa wixii ugu liitay oo ah in fursado shaqo laga siiyo ay waayaan.

Marka hore waxaan bulshada reer togdheer ugu hambalyaynayaa inay ka hadleen oo ay dhawaaqsare ku sheegeen waxa khaldan iyo sida xuquuqdooda loogu tumanayo.

Marka labaadna waxaan dawlada Somaliland xasuusinayaa inay buuxiso doorka ay ku leedahay ilaalinta khayraadka dalka iyo ilaalinta xuquuqda shacabka.

Waxaan axsaabta qaranka iyo aqoonayahanka Somaliland ugu baaqayaa inay u fiirsadaan oo ka hadlaan xadgudubka ay tirsanayaan bulshadan dhulkooda la leeyahay waxa laga baadhiyaa shidaal ay shirkado baadhanayaan oo aan qaranka Somaliland iyo bulshada degaanku toona waxba ku lahayn.

Bulshda deegaanka waxaan leeyahay in ay dacwadooda iyo cabashadooda ay kor u sii qaadaan oo aanay ka tanaasulin xaqooda. Waxaan idiinku bushaaraynayaa in gudiyo xuquuqdiina u hadlaya laga sameeyay wadamada USA, UK iyo Scandinavian-ka. Waxa aad ka hadasheena waa dan QARAN oo ay taariikhdu ka markhaati kici doonto.

Wa Billaahi tawfiiq.

Maxamed C Ciise

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories