HomeHaddii Puntland Ku Duusho Somaliland, Maxaa Diidaya in Somaliland Qabsato Garoowe? -...

Haddii Puntland Ku Duusho Somaliland, Maxaa Diidaya in Somaliland Qabsato Garoowe? – W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gobolka Puntland ee Somalia ayaa, sidii horeba caadada ugu ahayd, u hanqaltaagaya inuu qabsado gobolka Sanaag oo uu u arko gobol qiimo weyn leh mustaqbalka iyo gobollo kale. Sida lala wada socdo Xuduudaha Afika kuma salaysna abtirsiimo balse waxay ku salaysanyihiin dhul. Dalka Somaliland waxaa uu leeyahay xuduud qeexan oo caalami ah taas oo dhinac marta Garoowe iyo Boosaaso. Maamulka Majeerteeniya ayaa waxa uu iska dhaadhiciye inuu qabsankaro gobolka ugu muhiimsan Somaliland Sanaag iyo gobollo kale iyaga oo ku soo gabbanaya abtirsiimo khaldan isla markaana aan aqoon u lahayn dadka deggan Gobolka Sanaag.

Laga bilaabo 1998 oo la aasaasay Maamulka Puntland waxaa looga taag la’yahay Maamulka Majeerteeniya faragelinta iyo sheegashada qaybo muhiim ah oo ka tirsan ah dhulka Somaliland. Waxaa la yidhi: “Dab aadan ku guban dambaskiisa kama leexatid.” Saraakisha Mjeerteeniya waxay ahaayeen kuwii ugu cadowsanaa uguna axmaqsanaa sannadihii la xasuuqayay, lana barakicinayay dadka Somaliland, magaalooyinkooda iyo degaanadoodana la burburinayay (1985-1990). Ummadda Somaliland markii ay ka xorooday Somalia waxay diiday inay ku kacdo wax aargoosi ah, waxayna ka dooratay cafis guud. Maantana kuwaas ayaa dhulka Jamhuuriyadda Somaliland looga taagla’yahay oo maalinkasta ku goodiya inay ku duulayaan Somaliland kana qabsanayaan gobollo. Waxaa la yidhi: Kaadi badane waa loo gogol badiyaa.” Somaliland waxay Puntland u samraysay 17 sano oo uga digaysay inay sheegtaan dhulka iyo xuduudda Somaliland.

Guddoomiyaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, oo marka uu hadlayo la moodo in maskaxda wax uga dhimanyhiin, waxa uu ku dhawaaqay inuu xoog ku xoraynayo gobollo ka tirsan Jamhuriyadda Somaliland oo uu ku jiro gobolka Sanaag kuna darayo Puntland. La yaab ma leh oo waa islaweynidii Reerkaas Puntland lagu yiqiin. Waxaa la yidhii: “Geelow daaq oo markaad ciin daaqdo ayaa laguu yaabaa.” HADDI PUNTLAND WEERAR KU SOO QAADDO GOBOLLO KA TIRSAN JAMHUURIYADDA SOMALILAND, MAXAA DIIDAYA IN SOMALILAND DUULLAANWEYN KU QAADO PUNTLAND OO QABSATO GAROOWE ISLA MARKAANA KALA XIDHO BOOSAASO IYO GAROOWE? Ma jirto wax diidaya waana jawaabta qudha ee maanta la gudboon Somaliland si ay Puntland uga reebto dhulkeeda iyo dadkeeda oo aanay u sheegan mardambe. Dhul lagu duulaa waxaa uu leeyahay dhul lagu duulo.

Ibrahim Hassan Gagale

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories