HomeHaddii Muuse Biixi Dalka u Soo Halgamay, Cabdiraxmaan Cirro-na Isaga Ayaa Ictiraaf...

Haddii Muuse Biixi Dalka u Soo Halgamay, Cabdiraxmaan Cirro-na Isaga Ayaa Ictiraaf Keeni Kara!!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Haddii rag badan weli ku riyoonayaan in halgankii Somaliland uu dhammaaday oo ay ku libin sheeganayaan in dalka ay iyagu xorreeyeen, waxa hubaal ah in aan weli halgankaasi dhammaan, maalinba maalinta ka dambeysana ay hoggaamiyeyaal iyo jiilal cusubi halkaas ka sii wadayaan dedaalka lagu doonayo siddii dalkan loogga dhigi lahaa qaran jira oo ka mid noqda dalalka la aqoonsan yahay, suurto-galna noqon mayso in halganka Somaliland kaliya lagu soo afmeero wakhtigii lala dagaalamayey kalitaliskii Siyaad Barre.

Dhammaanbta intii u soo shahiiday, u soo dhaawacantay, u soo rafaaday, u soo agoomowday, asayna u soo qaaday xoreynta dalkan, abaalweyn oo aan la hillaabi karin ayeynu dhammaanteen u haynnaa, waana tilmaan timaado kasta ku xardhanaan doonta quluubteena, hase yeeshee haddii guddoomiye Muuse Biixi uu hore qeyb uga soo ahaa halgamayaashii dalka xorreeyey ee weliba qori caaraddii ku soo xorreeyey maanta halganka weli socdaa maaha mid qori caaraddii salka ku haya, waa halgan  u baahan xirfad aqooneed oo xeel dheer, waa halgan u baahan furfurnaan iyo debacsanaan siyaasaddeed oo bulshada caalamka innaga iibin karta, waa halgan aan xulashadiisu u baahnayn ka libin sheegashada abaal dalku kugu lahaa oo aad hore ugu soo gashay.

Halganka maanta, timaado kastana way xusi doontaayee, waa halgan uu ka soo midho dhallin karo guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo aan hubno in uu lee yahay hanka iyo kartida aqooneed iyo weliba midda waayo aragnimeed ee bulshada caalamka lagula xidhiidhayo, ka midho dhallinta xaajadana waa midda qudha ee aynu baahida xoogga ah u qabnay dhowr iyo labbaatankii sanno ee u dambeeyey.

Faraqa maanta u dhaxeeya Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixina, waa kaliya laba hoggaamiye oo u kala bisil siyaasadda arrimaha dibadda oo ku kala suntan furfurnaan iyo ad-adkaan, mana dhici doonto guul aynu saadaasheeda xaqiiqsanay in aynu u loogno una gowracno cid aan masiirka umadda ahayn.

Biseylka siyaasaddeed ee salka ku haya furfurnaanta iyo debecsanaanta diblomaasiyaddeed waa hoggaaminta kaliya ee innagu hagi karta dariiqa guusha, si aynu uga mid noqono dalalka la aqoonsan yahay ee aynu hore tab iyo xeeladba ugu weynay ka mid noqosha dooda.

Ugu dambeyntii, haddiiba uu guddoomiye Cirro ka midho dhalliyo hadafka iyo himilada qaranka Somaliland iyo weliba sida oo kale horumarinta dalkan faqiirka ah oo sida oo kalena qaba baahiye kale oo aad u tira badan, waxa uu isna kaalinta halgan ku geli doonaan mujaahidnimo maadaama uu ugu dambeyntii soo gebo-gabbeeyey halgankii ay hore ugu soo shahiideen kumanaanku, waxaana dhowr iyo labbaataneeyo sanno ka dib loo deb-baal degi doonaa xuska maalinta aqoonsiga Somaliland, halkii hore looggu deb-baal deji jiray xuska maalinta dib-u-la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Weli Halgankii Dawladnimo Muu Dhammaan!!!!.

Ha Socoto oo Ha Samaato Somaliland!!!!.

khadar Cabdi Xasan(Gureyte)

khadargurayte@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories