Home"Haddii Murashax Sacad Muuse ah la doonayo, anigaa Murashax ah ee Ninka...

“Haddii Murashax Sacad Muuse ah la doonayo, anigaa Murashax ah ee Ninka i Reebayow kaalay, haddii Xisbinimo laysku sharraxayana…” – Cali Maxamed Yuusuf (Guray)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay inay xisbiga Kulmiye ka dhex-jiraan dhaq-dhaqaaqyo loogu ololaynayo siyaasi murashaxnimaa xisbigaas kala wareega madaxweyne Siilaanyo oo beel ahaan ka soo jeeda Beesha Guddoomiye Cali Guray, waxaanu ka digay in haddii ololeyaashaas la joojin waayo uu isaguna xaq uga leeyahay cid kasta oo iska sharrixi karta Xisbiga Kulmiye.

mujaahid-cali-gurayCali Maxamed Yuusuf waxa uu sheegay in murashaxa Xisbiga Kulmiye yahay Madaxweyne Siilaanyo, haddii reer Ahaan loogu ololeynayo ciddii beddeli lahayn Madaxweyne Siilaanyo-na uu isagu shakhsi ahaan iska sharrixi doono xisbigaas.

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID oo warbaabinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay isla markaana dareen-shaki ka muuqdo geliyey kalsoonida ay xisbi mucaarad ahaan ku qabi karaan guddoomiye Xisbiga dhiggooda ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo uu ku eedeyey laba-wajiilanimo marka uu gudodomiyaha Waddani yahay kula macaamilo Xisbigooda UCID, marka uu adeegsanayo xilka guddoomiyaha golaha Wakiilladana kula shaqaysto Xukuumadda.

“Dadkan kale ee Yackooga ka dhex-ciyaaraya Xisbiyada ama reeraha, waxaannu uga digaynaa inay joojiyaan, haddii kale toos baannu u sheegi magacyadooda, waxaanannu leenahay siyaasadda ha loo daayo siyaasiyiinta. Waxaan u sheegayaa haddii Murashax Sacad Muuse ah la doonayo, anigaa murashax ah ee ninka I reebayow kaalay. Mar haddii qolonimo iyo reernimo laysku soo sharraxayo, anigaa murashax ah, haddii Xisbinimo la eegoyana, Kulmiye waxa uu u murashax ah Madaxweyne Siilaanyo, UCID-na Jamaal, sidaasbaan u sheegayaa kuwa waxaas wada,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf.

Dhinaca kale, Cali Maxamed Yuusuf waxa uu eedayn u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu ku tilmaamay Laba-Wajiile, waxaanu yidhi, “Guddoomiyaha Wakiilladu, waa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, waddanku wuxuu marayaa xaalad adag oo uu xanniban yahay Xeerkii doorashadu, sidaas oo kalena uu xanniban yahay Komishankii doorashooyinka oo aan shaqadoodii gelin. Marka uu yahay Guddoomiyaha WADDANI, waannu wada-soconnaa Waddani, labadayaduba doorasho-ujeed baannu nahay, waanay naga go’an tahay.”

“Laakiin, waxa nasiib-darro ah marka uu Guddoomiyaha Wakiillada yahay, inay Xukuumadda wada-socdaan baad mooddaa oo ay wax kale isku ogyihiin oo aan ahayn waxay isku ogyihiin WADDANI iyo UCID oo ah doorasho. Waayo? Saacaddan adag waxaannu filaynay, maaddaama uu yahay Guddoomiyihii Baarlamaanka, inuu doorashada nala riixo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cali Guray.

SOMALILANDPOST.NET

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories