Home"HADDII DAWLADNIMADU BUKOOTO MAXAA LAGU DAWEEYAA"...... BARKHAD BATUU N

“HADDII DAWLADNIMADU BUKOOTO MAXAA LAGU DAWEEYAA”…… BARKHAD BATUU N

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dawladeena maanta talada dalka haysa maxaa laga dhaxlay muddii ay hogaamineysay qaranka maxaase lagu xasuusan doonaa? Bal ila eeg qodobadan:

Dawladnimadu waa hal irmaan oo shacabku ka jaqaan caano macaan oo ah cadaalad, sinaan, isku duubni, wax wada lahaansho, is xurmeyn, is xaqdhowrid, Amni, wada tashi, ilaalin sharci iyo wada jir umadeed.Magaca ama muuqa dawladnimo marka la arko ama la maqlo waxaa hubanti ah in qofkasta maskaxdiisa ku soo deg degayso iney tahay hanaan iyo hab wata qorshe iyo qaab lagu hagayo hawlo qaran leeyahay.

Waxaa dawladnimadu yeelataa qurux iyo qaab u gaar ah waana marka ay cid hogaaminteedi iyo haybadeedi lihi qabato hogaankeeda,Aqoonyahanada ku takhasuusay cilmiga siyaasada iyo hogaaminta umaddu waxay ku sheegaan micnaha dawladnimo fasiraado badan oo aynaan bartan ku soo koobi Karin, balse aynu ka soo

qaadan karno hal tusaale oo ah hadal uu ka idhi dawladnimadu waxay tahay Professor John Adair oo dunidu ka martido cilmiga hogaaminta iyo hagida umamka qorayna in ka badan 48 book oo hogaaminta ka hadlaya, sidoo kalena ah tobabare hogaamineed oo wax baray 30 hogaamiye oo dunida soo maray. dhalasho ahaana ninkani waa ingiriis waxaanu yidhi isagoo dawladnimada qeexaya micnaheeda sidan:

(Government is political direction and control exercised over the actions of the citizens, or inhabitants of communities, societies, and states; direction of the affairs of a state, community, etc.; political administration)“Dawladnimadu waa hagida siyaasada iyo xakameynta ficilada muwaadiniinta, dhaqamada bulshada iyo hagida arimaha qaranka iyo jaangoynta maamulka umada”

Dawladeena maanta talada dalka haysa maxaa laga dhaxlay muddii ay hogaamineysay qaranka maxaase lagu xasuusan doonaa? Bal ila eeg qodobadan:

1. Qabyaallad qaawan oo qarankii kala ququbtey

2. Hanaankii iyo haybadii dawladnimo oo dad gaar ah gacanta u gashay

3. Musuq baahsan oo marin habaabiyey miisanki maamul ee dalka

4. Cadaalad darro baahsan oo dhankaste bulshada ka saameysay

5. Doorashooyin sababey dhiig iyo dhimasho

6. Xidhiidhkii dibada iyo kii dalalka jaarka oo diciifay

7. Dadkii oo dawlanimadi dareemi waayey

8. Qadiyadii qarankeena oo xamar ku dhex qasmatey kadib wada hadal madhaleys ah oo god madow ku riday geedigii dheeraa ee loogu jiray xaqiijinta himilada umadda

9. Sixir barar barakiciyey bulsho badan

10. Abaar aan dalka hore uga dhicin oo duuniyo iyo dadba galaafay walina taagay xalla wali xukumaddani ka gaadhin iyadoo ayaan darada jirtaa tahay in shacabkii ay masuulka ka aheyd haraad u bakhtiyayaan iyaguna hargeisa ku dhex wataan gawaadhi cad cad oo midkiiba qiimihiisu yahay 50kun oo dollar gaarna u wada leeyihiin.

Aan dhanka kale idinla wadaago 10 arimood oo bil gudaheed ka dhacay dalka ceebna ku ah dawladnimada dalkeena ka jirta:a. March 6, 2016 Waxaan ka halacsaday boga hore ee wargeyska geeska afrika war cadeyn u ah dayaca dawladnimo ee dalka ka jirta warkaas ciwaankisu wuxu ahaa: Badhasaab kuxigeenki gobolka hawd oo warqadii xil kaqadaasitisa gaadhi caanole ah loogu dhiibay! Dhab ayey u dhacday oo waxaa sidaasna wargeyska u xaqiijiyey isla badhsaab-xigeenka Mudane. Warsame faarax iyana waa war!

b. March 14, 2016 waxaa dalka ka dhoofay madaxweynihii qaranka iyoadoo ay dhacday ficil aan horey uga dhicin madaxdii ka horeysay 24 sanno oo dalkeenu jiray, taas oo aheyd inuu salaan kaga dhex qaato qasriga madaxtooyada cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida. qolada dawladuna may sheegin sababta, laakin waxay dhibic madow ku aheyd baratakoolka dawladnimo.

c. Isla maalinkaas galinkisi hore waxaa dagaal ku dhex maray ciidamada badda Somaliland iyo kuwa jabuti duuleedka jasiiracada ceebad oo ka tirsan degmada saylac ee gobolka salal kuna geeriyooday askari la odhan jiray dheeg cali cismaan kaas oo u dhintay dhiig bax loona waayey irbad dhiig joojin ah iyadoo loola cararay dhankaas iyo dalka jabouti dhexdana naftu kaga baxday! Ku darsoo waxa meydka askarigani yaala mudo 4 cisho ah iyadoo aan masuul dawlada ka tirsani ka qeyb galin oo dadkisi ku kalyeysteen aas qaran muu helin ee mid qabiil ayaa uu helay iyana waa war!

d. Waxaa gobolka awdal gaajo iyo haraad ugu dhintey 8 qof March 17, 2016 iyadoo dawladii dalka iyo dadka masuulka ka aheyd joogto,e. Waxaa wargeyska foore isna daabacay March 19, 2016 gaadhi dawladu leedahay oo bartanka hargeisa bil dhex yaalay dirawalkii wadayna isaga tagay aakhirkina la furfurtay iyadoo tani daliil u tahay dayac dawladnimo ee dalka haysta! La soco qeybta labaad

Garyaqaan: Barkhad Jaamac Xirsi Batun

Emali: Barkhad909@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories