Home"Haddii bisha August 10-keeda innaga gaadho, sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo...

“Haddii bisha August 10-keeda innaga gaadho, sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo Guurtida” – Muuse Biixi oo ka hadlay Khilaafka Doorashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horeysay ka hadlay xalka ay xukuumaddiisu u qorshaysay qabsoomidda doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo khilaaf laysku mari waayey ka dhex-abuurtay Axsaabta siyaasadda oo aan ilaa hadda wax heshiis ah ka gaadhin xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo ay dalbadeen in wax-ka-beddel lagu sameeyey.

 

blank

 

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa muddooyinkii u dambeeyey dibad-joog ka ahaa wada-xaajoodyo dhinacyada doorashooyinka ku shaqada leh kaga wada-hadlayeen qabsoomidda, kaddib markii xisbigu kalsooni-darro ka muujiyey xubnaha Guddiga doorashooyinka oo markii hore ay dalbadeen in dhammaantood la beddelo, balse markii dambe soo jeediyeen in laba xubnood lagu daro xubnaha 7-da ah ee Guddiga tiradoodana laga dhigo 9 xubnood, taasina sababtay in xisbigaasi ku soo laabto miiska wada-xaajood Axsaabta Qaranka iyo Guddiga Doorashooyinka. Waxaanu Xisbigu dalbaday in Guddiga Doorashooyinka laba xubnood lagu daro, taasina ay tahay qodobka ugu weyn ee muranku ka taagan yahay.

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo dhawaan la hadlay saxaafadda kaddib kulan ay wada-yeesheen saddexda Xisbi mucaarad iyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa sheegay xalka muranka arrintan ka taagani go’aan ka gaadhisteedu dusha ka saaran tahay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Madaxweynaha Somaliland oo uu labadoodaba u soo jeediyey in midkood tanaasulaad la yimaaddo si doorashadu u qabsoonto, ka-xisbi UCID ahaanna ay danaynayaan Doorasho dalka qabsoonta.

 

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo caawa hadal ka jeediyey munaasibad casho-sharaf ah oo uu u sameeyey Wufuud ajaanib ah iyo muwaadiniin dalka u yimi ka qayb-galka furitaanka Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa sheegay inaanay xilligan suurto-gal ahayn in laba xubnood lagu daro Guddiga Doorashooyinka, taas haddii laga hawl-galana ay sababayso dib u dhac ku yimaadda doorashada iyo in Golaha Guurtida loo gudbiyo arrintan si ay mar kale u muddeeyaan xilliga doorashada.

 

“Xisbiyada Mucaaradka waxaan u dirayaa, saaxiibayaal wakhtigii doorashada haddii bishii August 10-keeda innaga gaadho, sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo Guurtida, caawana waxaynu joognaa 20-kii July, waxaynu ku murmaynaa waa 2 halagu kordhiyo iyo yaan lagu kordhinin. Waxaan weydiinayaa saaxiibaday ka muhiimka ah in 2 lagu daro Komishanka mise in doorashadu qabsoonto?”

 

“Waxaan leeyahay, 2 halagu kordhiyo oo immika sharci hala bilaabo, macquul maaha, sharcigu siduu yahay aynu ku galno maanta. Marka ay dhammaynayo (Doorashada) Baarlamaanka, aynu ku darsanno, laakiin 20 cisho sharci hala furo oo halaga doono maxaa la kordhinayaa iyo baarlamaanka oo la geeyo, taas doorashadu way innagaga lumaysaa oo gaadhi mayno, labaatan cisho ayaa inoo hadhay,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynuhu.”

 

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Labada xisbi waxaan u soo jeedinayaa, dalku doorasho ayuu u baahan yahay, maalinta doorashada laga baxo, ajandaheenna ugu horreeyaa ha noqdo 2-daas nin ee aad doonaysaan. Maanta haddaynu hawshaas galno ka biximayno ee waxaan soo jeedinayaa inaynu doorashadii galno.” 

 

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories