Home“Haddii ay mucaaridku joojin waayaan muranka muddo kordhinta doorashooyinku mar...

“Haddii ay mucaaridku joojin waayaan muranka muddo kordhinta doorashooyinku mar kale ayay dib u dhici karaan”.. maayarkii hore ee Saylac

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargaysa (SLpost): Maayarkii hore ee degmadda Saylac Maxamed Cumar Xadi, ayaa dastuur jabin ku tilmaamay shirkii wada tashiga qaran ee ay ku baaqeen axsaabta mucaaridka ah iyo kooxda siyaasiyiinta ah ee la baxay madasha wada tashiga.Maayarkii-hore-ee-Saylac-310x174

Waxaanu sheegay in shirkii ay axsaabta mucaaridka ah iyo kooxdaasi dhawaan ku baaqeen ay la macno tahay  iyadoo dib loogu noqday halkii ay Somaliland 18 sanadood ka hor ka soo gudubtay, isla markaana wax kasta oo la isku khilaafo ay haboon tahay in dastuurka qaranku qeexayo.

Maxamed Cumar Xadi, oo DAWAN u  waramay isagoo jooga magaaladda  Hargaysa, waxa kale  oo uu  sheegay in uu sharciyadda dalka ka baxsan yahay shirka ay mucaaridku ku baaqeen, isagoo tilmaamay in madaxweyne la doortay uu bedeli karo oo qudha madaxweyne kale oo la doortay.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Maalmahan waxaa soo baxayay hadallo aan la jeclaysan Karin oo ku sheegeen mucaaradka iyo kooxda la baxday madasha wada tashiga ee ku baaqay inay shir yeelanayaan si ay dawlad u soo dhisaan, taasi waxay noqonaysaa dastuurkeenii oo aynu jebinay. Dastuurkeena qaranku sidaas ma dhigayo, haddii uu madaxweynuhu meesha ka baxo, madaxweyne kale ayuun baa bedeli karra.

Doorasho ayuunbaa laga soo baxaa, ma aha in aynu dib ugu noqono halkii aynu 18 sanadood ka hor aynu joognay ee aynu ka soo gudubnay iyo shirkii  Axdi-qarameedka ee Boorama lagu qabtay in aynu dib ugu noqono.  Dastuurkeenu  wax buu sheegayaa, oo wuu qeexan yahay ma dastuur danbe ayaynu samaynaynaa?”.

Maayarkii hore ee degmadda Saylac ayaa u soo jeediyay mucaaridka inay tanaasul la yimaadaan hase yeeshee aan laga aqbali Karin inay dawladnimadda  Somaliland ee manta hana-qaaday ay burburiyaan. “Waxaan leeyahay mucaaradka tanaasul in la iskula yimaado, oo waxa aad diidan tihiin la iskaga yimaado laakiin dawladii ayaanu baabiinaynaa taasi caqliga ma gasho, waana in aad taasi iska tanaasushaan, waxaana fiican dalkeenu ku socdaaa, sidaas darteed waxaan leeyahay xisbiyada mucaaridka ah, ha la iskaga yimaado waxa aad diidan tihiin, ee dalkeena ha inaga burburinina” ayuu yidhi Mr. Xadi.

Waxaanu intaasi ku daray  “Markii ay inagu soo jabeen qaxoontigii Yemen, dawladaha caalamku aad ayay inoo ictiraafeen, waxa la inoo arkay dawlad wax qaabili karta, oo wax ka hor tegi karta ayaa la inoo arkay, ma nihin meel burburtay, marka ay mucaaridku sidaas u hadlayaan meel duntay ayay inaga dhigayaan  ictiraafkii ayuu wax yari inooga hadhsan yahay” ayuu yidhi maayarkii hore ee Saylac.

Sidoo kale, Maxamed Cumar Xadi, ayaa intaasi ku daray  in haddii lagu sii jiro muranka siyaasiyga ah in ay taasi suurtogelinayso in mar kale ay doorashooyinku dib u dhici karaan, isagoo xusay in golaha guurtidu ay xaq u leeyihiin inay muddo xilkeedka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa u kordhiyaan marka ay doorashooyinku dib uga dhacaan xiliga loo qorsheeyay.

Waxaanu  yidhi  “Inta aynu maanta waxyaabahani isku haysano doorashadu dib ayay u sii dhici doontaa, waxaanan leeyahay mucaaridka inaga daaya isqabqabsiga. Guurtiduna xaq ayay u leedahay in marka wax dib u dhacaan ay madaxweynaha iyo ku xigeenka u kordhiso, dastuurka ayaana u banaynaya.

Dadkeena iyo dalkeena midna maanta uma baahna rebshad. Dadku aad ayay uga  naxeen hadalada ka soo yeedhay mucaaridka, taasina looma baahna in ay sii socoto”.

Dhinaca kale maayarkii hore ee Saylac  waxa uu ugu baaqay bulsahdda gobolka Selel inay si fiican uga qayb diiwaangelinta iyo doorashooyinkaba, si uu codkoodu meel mar u noqdo marka la gaadho wakhtiga cod-bixinta dooraashooyinka. “Waxaan ugu baaqayaa dadka gobolka Selel degga inay had iyo jeer diiwaangelinta, ta madaniga ah iyo ta codbixintaba inay si fiican uga qayb gaal, waana inay soo dhaweeyan dadka u imanaya ee hawsha wadda, si uu codkeena u soo baxo, oo aynu meel sare ka galno Jamhuuriaydda Somaliland” ayuu yidhi Maxamed Xadi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories