HomeHaddii aanay ku lumin lahayn wakhtigeeda musasalka saw imtixaanka may baasi lahayn?

Haddii aanay ku lumin lahayn wakhtigeeda musasalka saw imtixaanka may baasi lahayn?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Marka hore aad iyo aad baan idiin salaamayaa dhamaantiin akhriyaysayaal iyo bahweynta saxaafadaay.
Waxaan doonayaa maanta in aan ku soo qaato maqaalkaygan khasaaraha uu keeno tvgu gaar ahaan bahalka la yidhaa musasalku.
Sihaam warsame oo ka calaacalaysa dhibaato ka soo gaadhay daawashada musasalada oo ahaa hopigeeda koowaad ka dib markii ay ka saaqiday waxbarashadii iyo tagistii dugsiga. Waxay ahayd inan da’ yar oo dhiganaysaydugsiga dhexe fasalka sideedaad (8 ).
Waxay uga hadhay inay ka mid noqoto ardaydii u fadhiisanaysay imtixaanka shahaadiga ah ee la heerka ahaa iyada oo ka baqatay in ay ku guul daraysato natiijada imtixaanka sababtuna waxay ahayd intii ay ardayda kale u diyaargaroobayeen imtixaankaas ee ay indhuhu ku madoobaanayeen akhriska iyo ku foorarka buuga iyo qalinka iyadu wax ku jeeday xagaa iyo tvga iyo daawashada aflaanta.
Sida aan la wada socono waxaa mudooyinkii danbe ku soo badanayay dalkeena somaliland televishanada madaxa banaan musasalo aad uga fog dhaqanka wanaagsan iyo asluubta suuban ee diinteena, waayo waxaa laga soo daayaa dumar qaaqaawan oo xidhan dhar aad u xun oo ka fog asturnaanta iyo aadaabta wanaagsan,waayo waxaa aad arkaysaa caruurtii yar yarayd  ee soo koraysay gaar ahaan hablaha aad ka u da’da yar oo ka sheekaynaya jacayl iyo actar hebal baa sidaa iyo sidaa yidhi heblaayo waxay la saaxiibtay hebel, ninka hebel la yidhaa waxa uu khiyaamayay naagta heblaayo la yidhaa.
Bal aan i weydiinee caruurtaasi yaryar ee ku soo barbaraaraysa dhaqamada xun xun, shukaansiga iyo khiyaamada, saw maaha inay ay maalin dhaw isku dayaan inay sidaas oo kle sameeyaan oo ay dadka khiyaameeyaan moodaana inay wax iska caadiya tahay in ragga lala saaxiibo lana raacaa.
Walaal akhriste bal dib ugu fiirso caruurta joogta gurigaaga ama jaarkaaga amaba maraysa hareerahaaga waxa ay iska sheekaysanayaa waa musaslkii ay xalay soo daawadeen waxaanay iska ilaabeen casharadii iyo dugsiga iyo waxbarashadii guud ahaan, halkaana waxaa ka soo dhago wayn xumaan iyo fasahaad aan lahga soo waaqsanayn cidhib xumada ka dhalato waana mid aan hadhaw waxba laga qaban karin ee inta aan dhawnahay aan ka tashano oo caruurteena aan badbaadino.
Maalin dhaweyd anoo maraya wadada ayaa waxaa dhagahayga ku soo dhacay hablo ka sheekaysanaya filinkii musasalka ahaa ee ay xalay soo daawadeen iyaga oo leh naa ma arkaysay ninkii hebel ahaa siduu u kalakiciyay jacaylkii khiyaaliga ahaa ee ay heblaayo kula socotay labada nin aaya midba mar afka u macaanaynaysay. Waalaahi ani naagtaa waan ka helaa iyo naa  anigu waxaan jecelahay hebeloo waa inan subaga, ogawna waxa la isku faaninayaa maaha ragg la jooga ee waa kuwii musasalka.

Hablahaasi waxay ka habsaamayeen dugsiyadii waxbarasho ee ay waalidkood u soo direen iyaga oo qaarkood la ogaaday halkii ay ka doonan lahaayeen waxbarashada iyo guri asxaabtooda ah iska fadhiistaan si ay ula socdaan musasal ka soo galaya subaxa ama galabtaa telefishanka oo aay leeyihiin waxaan la socdaa film asal ah oo ka soo gala saacadaa iyo saacadaa,waxaanay ka hdheen aqoontii iyo mustaqbalkii wanaagsanaa.
Walaal aan dib u eegno waxa ay caruurteenu samaynayaan gar ahaan hablaha oo ah muraayada nolosha hooyooyinka mustaqbalka dhaw.

Ilaahay waxaan inooga baryayaa inuu ubadka inoo hagaajiyo mustaqbal fiicana inoo siiyo inagana dariiqa toosan ianagu hago. Aamiin.

Allaa mahad leh
guul iyo gobonimo
waa qalinkii c/kariim maxamuud “suldaanka”
suldaancabdi4@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories