HomeHaddii Aad Rabto Isbeddel

Haddii Aad Rabto Isbeddel

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Isbeddel la maqalyaa, dhallinyar la sheeg bay u badantahay, ma se aha rogaalka taas; dhallinyar la aragyaa isbeddel la sheeg, inta badan. Bulsho ahaan aad baa looga hadlaa, loogu noqnoqdaa oo carrabka loogu adkeeyaa in aynu isbeddel u baahannahay – mid laga soo durduriyo kobtan tu ka cagaaran- dhallinyaraduna tahay albaabka laga gelayo, ama cidda gelaysa albaabkaas. Waa se goorma iyo sidee?

Aad bay dhallinyaradu dhibka bulsho ee innagu gedaaman uga hadlaan. Kulanno rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahayn ba waa ay ku falanqeeyaan oo ku qaadaadhigaan. Dhibka ishiisa ayaa ay inta badan abbaaraan, ma seegaan jeerar badan. Waa ay ku taagsadaan, oo si qotodheer uga hadlaan iyaga oo aan isku maandhaafin in yar mooyee. “Ilaahay ha innaga saaro dhibaatada”, “Mar uun baynu ka bixi” iyo hadallo u eg in xaqiiqada lagaga gabbanayo ayey ku soo gebogebeeyaan.

Doodda hore iyo gorfayntaas adiga oo ku qanacsan baad ka naxaysaa gunaanadka. Ilaahay in wax walba inta loo daayo jirjirka loo seexdo saw yaab ma leh? Aad bay ii yaab gelisaa. Wax kale kama yaabo’e, halka iyaga oo iska fadhiya Ilaahay ugu ballanqaaday in uu dhibka ka saarayo ayaan quraan iyo xadiis iyo meelkale ba ka waayaa.

Ilaahay dhibaato kaa saari maayo, oo kaa saari maayo adiga oo meelahaa iska fadhiya ama qadaadka u jiifa. Inta aynu dhab ahaan maalintii shaqaynno saacad iyo wax u dhow, hadalno inta u badan waqtiga, qosolka aynu ka doorbidno fekerka, dhididka aynu ka jecelnahay laydhisaga, isbeddelku iman maayo. Ilaahay beri hore oo aad u horraysay ayuu yidhi haddii aanad diyaar u ahayn in aad adigu dedaalkeeda iyo nafhurnimadeeda la timaad, waxba sibiq kuma baddalmaan anna kuma beddalo.

“Ma doonaysaa babbaay, haddii aad rabtid babbaay, adigu beero babbaay” iyo erayo la mid ah baa manhajkii waxbarasho ee yaraantaydii aan ku xasuustaa. Iminka marka aan arrin ‘doono’ ama aan ka fekero, waxa igu soo dhacda, halhayskaas. Waa halhays yaab leh oo qofka u sheegaya in waxa uu rabo uu sameeyo, ee aanay cidi u samayn doonin. Waa halhays si toos ah xidhiidh ula leh aayadda qur’aanka ah ee Rabbi leeyahay “Ilaahay bulsho ma beddelo ilaa ay iyagu nafahooda baddalaan”.

Dhammaanteen waa aynu jecelnahay caafimaad tayo leh oo jaban, hoy san oo aan qaali ahayn, biyo nadiif iyo waxbarasho tayo leh oo aynu deegaankeenna ku helno. Intee in lee’g ayeynu diyaar u nahay si loo helo? Si magaalada aad ku nooshahay u yeelato bilic san, waddooyin quruxsan, dhismeyaal horumarsan iyo nidaam qurxoon saw shaqo badan uma baahna? Saw nolosha quruxda badan, horumarka tiknoolaji iyo aqoonta yaabka leh ee dunida kale ku baanto nafhurnimo laguma gaadhi karo?

“Ilaahay baa waxaa sidaa odhan” jeer aynu dhaafno, oo aynu ogaanno in aanay meel keli ah ku jirin qur’aanka oo leh iska jiifa Ilaahay baa beddaliye, ka gudbi mayno dhibkan. “Shaqeeya, Ilaahay baa idiin fududayn shaqadaas” weeyaan ballanqaadka Alle.

Ilaahay wuxuu mar kale yidhi “Shaqeeyaa, kolkaas ayuu Ilaahay shaqada idiin hawlyareyn doonaa” mar kalena “Kuwa ku dedaala marinkayaga(ee u Shaqaysta) ayaannu ku toosinnaa tubtayada (toosan)”.

 Ma doonaysaa babbaay? Haddii aad rabto babbaay, adigu beero babbaay. Ma doonaysaa isbeddel? haddii aad rabto isbeddel, adigu u dedaal isbeddel.

Saddaam Xuseen Carab

Hargeysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories