Home“Haddii Aad Aragto Ilma Yar Oo Baalashle Ah, Ha U Malayn Mid...

“Haddii Aad Aragto Ilma Yar Oo Baalashle Ah, Ha U Malayn Mid Qaatay Nasiibkii Uu Dunida Ku Lahaa…” – W/Q: Samiir Moussa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Samatar da’diisu ma wayna, balse waa hawl kar ka adag hawsha uu hayo, wuxuu kacaa hiraabta hore, wuxuuna raadsadaa wuxuu ku noolaan lahaa.

Maalin oo dhan wuxuu wareegaa suuqyada wuxuuna urursadaa hadba shilinka soo gala, waa mid ku faraxsan hawsha uu hayo iyo nolosha uuku jiro.

Walow Samatar shaqada uu hayo ay tahay mid dhibaato badan, hadana waxa jira falal dhib badan ku haya oo uu kala kulmo bulsho waynta uu maalin oo dhan dhex meerayo, shaqadiisu waa mid ku xidhan bulshada uu ku dhex nool yahay mana aha mid buuran shaqada uu bulshada ka dhex hayo, balse waa mid dhibkeeda leh mana aha mid fadhiista maalin oo dhan, wuxuu isaga gudbaa meherad ilaa meherad.

SAMIIR IYO BAALASHLEInta uu Samatar uu ku jiro hawl maalmeedkiisa wuxuu bulshada uu u adeegayo qaar ka mid ah kala kulmaa tacaddi, maadaama oo aanu la hayn awood uu isaga celin karo waxay u diidaan qarashka yar ee uu Samatar hawsha ugu qabto waxaanay mararka qaar iskuba dayaan inay kaba xoogaan inta yar ee uu shaqaystay.

Samatar waxaa meelaha ku garaaca boodhka, wasakh iyo dabayl. Tabaalaha caafimaad daro ee uu qabo marka laga yimaado Samatar ma haysto hoy uu ku dheelmado dharaartii oo dhan wuxuu meeraba gabalku markuu dhaco wuxuu raadsadaa meel uu dheelka dhaxanta ka jiifsado ama ka seexdo, wuxuu leeyahay goobo kala duwan oo uu mid ba habeen ku dheelmado waxaana ku kalifay inuu habeen ba goob ku dheelmado da’yaraanta iyo itaal darrada haysta oo aana u saamaxayn inuu iska celiyo hirdanka waqtiga isku bedelaya ee ku hareeraysan, qaar ka mid ah asxaabtiisa waayuhu isku lammaaneeyay ayaa la jiifsadda meelaha uu seexdo iyo weliba qaar ma tudhayaal ah oo markay indhaha ka qaadaan ba laad iyo dhir baaxo aanay tamartiisu qaadayn isugu dara. Dhibaatooyinkaa uu kala kulmo dhinaca hurdada ayaa ku kaliftay Samatar seexashada goobo kala duwan si uu uga badbaado tabaalaha ay u gaysanayaan kuwa ku hareeraysan iyo kuwa laftoodu deegaanka kula nool.

Samater ma helo wax taakulayn ah oo uu ka helo bulshada uu ku dhex nool yahay, haday ahaan lahayd Hoy, Caafimaad iyo adeeg uu marna u arko in loogu gargaarayo naftiisa waayuhu cidhbo xidhay.

Akhirste, intaasi waxay ahayd araarta waqtiga iyo waayaha Samatar, balse haynu dul istaagno tudhaalaha nololsha iyo hawl-karnimadda Samatar.

Samater waa wiil yar oo ka hawl gala magaalada Hargeysa kuna shaqaysta xirfadda loo yaqaano Baalashlaha taas oo uu ku maamulo nolol maalmeedkiisa, inta uu ku jiro hawl maalmeedkiisa wuxuu kala kulmaa dadka uu u baalashaynayo rafaad badan waxaad arkaysaa qaar dadkaa ka mid ah oo marka uu hawsha u dhameeyo lacag ay siiyaan iska daaye garaac iyo dilmo ugu daraya, taas oo ku dareensiinaysa awood la’aanta haysata da’yarkaa u tafaxaytay korinta naftiisa.

Akhriste, Hadii aad aragtid ilma yar oo baalashle ah, ha u malayn inuu yahay mid qaatay dhamaan nasiibkii uu dunida ku lahaa, taasoo macnaheedu yahay waligii baalashlihiisa dhaafi maayo.

Aynu tusaale u soo qaadno nolosha Madaxweynihii hore ee Brazil Luis Lula Da Silva, waxa uu iskuulka isaga tagay markii da’diisu ay ahayd 12-jir, waxa uu bilaabay shaqo isaga oo baalashle noqday. Waxa uu ahaa baalashle ilaa intii uu ka gaadhayay da’da 14-jir hal kaas oo uu markaas shaqo ka helay warshad isaga oo shaqooyin hoose qabanayay.

Dedaal iyo hamo sare kadib ma aanu noqon madaxwaynaha Brazil oo keli ah. laakiin waxa uu ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu guulaha badnaa xiligiisii waxaana loo aqoonsaday inuu yahay hogaamiye aduunka wax ka badalay iyo dalkiisaba isaga oo lagu xasuusto waxqabadyadii waawaynaa ee uu ku taageeray ka hortaga dikhowga deegaanka iyo la dagaalanka fidintaanka hubka wax gumaada ee nuclearka.

Waxaa loo doortay laba jeer oo isu xigta madaxwaynaha dalka Brazil. Noloshiisa shaqo waxay ku bilaabatay baalashle, laakiin waxay ku dambaysay madaxwayne mid ka mid ah wadamada aduunka ugu waawayn.

Hadaba siday nolosha Luis da silva ba isu badashay ayay nolosha Samatar iyo inta la mid ka ahina isu badeli kartaa bari ka maalin, u tudh oo taa kulee waa da’yar ku tabaalaysan agtaadee.

Samiir Moussa

Email: samiir042@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories