HomeHADDAANAN HALYEYGA RAACIN!

HADDAANAN HALYEYGA RAACIN!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Bismilaahi Raxmaani Bismilaahi Raxmaani Raxiim. Sideynu ogsoonnahay ama aynu ka war qabno waxaa innagu soo foodleh wakhtigii xisbul xaakimka Kulmiye uu qabsan lahaa shirweynihii Golihiisa Dhexe ay ku dooran lahaayeen musharraxa uga qayb gali lahaa tartanka doorashada 2017ka. Haddaba siyaasadda dalkeenna ama qarankeena gebi ahaanba waxay ummaddu hadal haysaa ama saxaafaddu qoreysaa musharraxiinta u tartameya musharraxnimada taas oo ah mid dimuqraadiyadda ku dhisan in xisbigu u saamaxayo in qof waloo ku jira xisbiga ama golaha dhex uu u tartami karo. Hadal haynta shirka iyo saamaynta dalka uu ku hayo waxaan aaminsanahay iney xisbigu iskugu biyo shubtey haldoorkii ama baarqabkii siyaasadda Soomalilaand waana sababtu u saameyn ku hayo dalka oodhan loo hadal hayo.

 

Markaynu Xaqiiqada taabanno waxaa xisbigu guulo horleh ka soo hooyey doorashooyinkii ina soo dhaafay oo hormoodka ahaa madaxweynahay talada dalka haya mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xisbiga marxaladkasta uu soo maray ka soo gudbey iyo Waliba intii ku nafweyday marka laga yimaaddo odeyga xisbiga waxaan ogsoonahay in mujaahid Muuse Biixi Cabdi yahay shaqsiga labaad ee guulo hor leh xisbiga u soo hooyay oo ay ugu danbaysay doorashadii Golaha Deegaanka.

 

Muj Muuse Biixi wuxuu ahaa mujaahid wakhtigii dalka Somaaliya la isku odhan jirey oo ay hoggaamineyeen daaquudkii kaliya taliye ahaa Siyaad Barre wuxuu Muuse ahaa shaqsiyaadkii dalka ka baxey ee ururkii snm ka mid noqdey oo dhaxanta iyo rafaadka u marey inuu dalkii dadkiisa xoreeyo Alxamdulilaah way rumowdey markii dalka lagu soo laabtey wuxuu noqdey inuu qayb weyn ka qaato dib u dhiska dalka ama salka u dhigo qarnimada maanta aynu hadhsaneyno dawladdii Ina Cigaal wuxuu ahaa wasiirkii Daakhiliga, waxaanu qayb weyn kasoo qaatey dhismaha dawladnimo. Tusaale ahaan ciidanka boosilka wuxuuna marwalba Ka shaqeyn jirey maslaxda dalka aynu maanta hadhsaneyno markii han qaadey qarnimada dalkeenna ee ay bilaameen xisbiyadii wuxuu ahaa shaqsiga kaliyee aan raacin xisbi uu reerkiisu leeyahay waana mujaahid ku abtirsada qarnimada dalka Soomalilaan.

 

Haddaba Muuse Biixi markii uu guuleystey xisbiga Kulmiye madaxweyne waxa ka noqdey Siilaanyo. Muu noqon shakhsiga doona xil ama wax qabso wuxuu ku hadhey xisbigii Kulmiye wuxuuna u dhabar adeegay inuu xisbigu sii joogo oo uu dhiso oo an halkaa lagu illaabin wuuuna ku guuleystey inuu xisbigii awooddiisii uu lahaa sii jiro. Waxaan aaminsanahay inuu yahay shaqsi han leh oo ah inuu dalka hoggaamiye ka noqdo dalkiisa, dadkiisana wax u qabto. Markaynu eegno maanta siyaasadda dalka waxaan aaminsanahay inuu maanta Muuse u baahan yahay dalku dadka min bari illaa galbeed. Waa nin ogsoon dhammaan marxaladaha waddanka ka taagan geesna aan uga bixin waddanka illaa uu ka soo gaadhsiiyay halka uu maanta taagan yahay. Waa nin geesi ah, aqooni u dheertahay deeqsinnimo u raacday oo waddanka hanan kara. Dacaayadaha suuqa lagu hayo ee Muuse waa askari oo nin adadag waa hadal aan meel gaadhsiisnayn. Waxa ummaddu la yaabtay habeenkii dhawaa ee weydiimaha badan la weydiiyay sida fudud ee dadka oo dhan u qanciyay. Taasi waxay muujinaysaa bisaylkiisa iyo waayo aragnimada uu leeyahay oo aanu jirin maanta nin la dhigi kara, xitaa xisbiyada kale ee saaxadda ku jira.

Hadaanan hadaanan

Gebigoodba hanqaltaagga

Intaan wada hiifo

Halyeyga ka raacin

Oon hoggaanka u dooran

Halgamaaga haldoorka

Noo huray naftiisa

Hadaanan hadaanan

Haldoorka u dhiibin

Hoggaanka dalka

Saw himiladii dalku 

Horar iyo haaco iyo

Hog madaw gali mayso

Guuleed Cabdi Aadan Gabas

 Emailka: Abbas.maax@gmail.com

 Tell: 0634761200

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories