HomeHaddaan Qarankani Quluubta Midayn waxaynu Raadinaaba waa Qadaf – W/Q: Suleymaan Cabdisitaar

Haddaan Qarankani Quluubta Midayn waxaynu Raadinaaba waa Qadaf – W/Q: Suleymaan Cabdisitaar

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
suleiman
suleiman

Waxaan qalinka maanta u qaatay qormadan koobana igu qaaday inaan bulshada u qadimaa, Tan iyo intii aynu doorashadii Golayaasha deegaanka ka soo baxnayba waxa bulshadeena iyo guud ahaaan shacabka kala duwan ee goboladeena ka soo baxayey Tabashooyin la xidhiidha sidii loo maamulay doorashooyinkaas, iyadoo eedaymo gaara loo jeedinayay komishanka, xukuumada iyo xisbiyada dhexdoodaba.

Tabashooyinkaas bulshada qaybeheeda ka sokow waxa jira Khilaafaadyo aan asturmin oo xukuumada talada haysa ka soo baxaya iyadoo arinta damqashada lihi ay tahay khilaafka ooda jebiyey ee Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa soo kala dhex galay todobaadkii horena sababi gaadhay shaqo ka tegis madaxweyne kuxigeenku ku sigtay inuu is casilo intuu saxaafada la hadlo, halka dhanka kalena laga soo werinayay inay madaxda xukuumadu lakala safatay labada garab ee is hayay.

Isweydiintu waxay tahay inakoo gudeheena is cunayna, shacabkeenu qamuunyooyin iyo arimo hoose laabahooda ka gurxamayaan, Madaxdii ugu saraysay ee qarankanina iyagu isu muuqda oo ficiltan iyo hebelo faquuqidi ay tahay shaqada ugu weyn ee xafiisyadooda ay ku hayaan sideebaynu u gaadhi karnaa Ujeedada guud ee aynu leenahay amaba sideebaynu uga midho dhalin karnaa qadiyada jiritaanka qarankeena?

Waxaad ogtihiin intiina aragtida furan  cadawga Somalilandna si gaara ula socda  in laynagula jiro dagaal cad oo qaawan, aduunkiina la dhigay qorshe guud ahaan qaranimadeena lagu waxyeelaynayo, gudaha dalkeenana lagag kicinayo canaasiir iyo qorshayaal aduunku dabada ka riixayo oo la rabo inta la khalkhaliyo nabadgelyadeena ka dib gacmoshisheeye soo farageliyaan gudeheena iyo maamulkeena ka dibna si dhib yar looga fushado qorshe kasta oo la rabo oo xataa ay kujirto burburinta qadiyada gooni isutaageena.

Hadaba  guud ahaan shacabka reer Somaliland, isimada nabada, culimada, siyaasiyiinta, Xisbiyada, Golayaasha qaranka iyo Xukuumada waxaan u soo jeedin lahaa in quluubteena aynu midayno si qorshayaasheena qarameed iyo qadiyadeena gooni isu taagana uga midho dhalino, si aynu u hello nolol ka wanaagsan tan, oo ugu hoos noolaano qaran is ilaaliya bilaa musuqmaasuq ah cadaaladana inagu haga waa in aynu ku fooganaano wax wadaqabsi iyo wadashaqayn dhaba oo inaga dhaxaysa guud ahaanteen.

Xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed M.Maxamud (Siilaanyo)na waxaan u soo jeedinayaa in aan maanta loo baahnayn in iyagu is ilaashadaan, iska dabashaqeeyaan oo xafiisyadooda ku xafiiltamaan ee looga baahan yahay inay bulshada u hagaan nolol taama iyo horumar isla markaana bulshada u cadaalad sameeyaan kana fogeeyaan xafiisyadooda Musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha umada.

Intaan qormadayda qalad galay shaydaanbaa leh, mana aha midaan u qasdiyey  Intaan saxayna Eeebaa I waafajiyey kuna Mahadsan

 

Agronomist Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Hargeysa  Jamhuuriyada  Somaliland

cabdisitaar@hotmail.com

00252-2-4430873/9430873

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories