Home“Haddaan isleeyahay 23 sano sidaas ayay ahaanaysaa Somaliland, Siyaasad-ba maan galeen ee...

“Haddaan isleeyahay 23 sano sidaas ayay ahaanaysaa Somaliland, Siyaasad-ba maan galeen ee Carruurtaydaan iska dhaqan lahaa,” – Faysal Cali Waraabe

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

FAYSAL-NEWONELondon (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dawladnimadu tahay wax la wada leeyahay, isla markaana ay Somaliland meel fiican marayso, wax badanina ka dhiman yihiin.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayey munaasibad ballaadhan oo taageerayaasha xisbigu ku soo dhaweeyeen masuuliyiin uu ka mid yahay, waxa uu sheegay in Somaliland xilligan baahan tahay in la kala saaro reeraha iyo dawladnimada oo dawladnimada laga sarraysiiyaa qabiil kasta, balse aanay noqon wax qabaa’illo gaar ahi ku maamulaan inta kale ee wax la leh.

“23 sano ayaynu dawlad nahay, Magaaladeenna Caasimadda ah ee Hargeysa saddex Mishiin oo Laydh baa ka shaqayn jiray, oo laba uu Marxuum Cigaal dhigay, midna Ismaaciil Cumar Geelle inna siiyey baa ka shaqayn jiray isbeer la’aan bay u fadhiisteen oo dam u noqdeen, markaasay ku leeyihiin waddada Ceerigaabo ayaannu dhisaynaa, waar aad dhistaane horta Hargeysa maad Siraaddid? Magaalada Hargeysa saddex meeloowoow laba meelood biyo malaha, boqol iyo afartan Doollar baan ka bixiyaa biyaha bishii waana keligay iyo afar shaqaale ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal waxa uu sheegay in wax badani ka dhiman yihiin Somaliland, isla markaana hadduu isleeyahay 23 sano ka dib Somaliland sidan bay ahaanaysaa inaanu siyaasaddaba galeen, waxaanu yidhi; “Waxa la cashuuraa Islaamaha Bacadka fadhiya ee dallaalimada lahayn, waa lagu qayilayaa, Gawsuhu idinka dhece ayaan ku idhi! Waxa weeyaan wax badan baa innaga dhiman, haddaan isleeyahay 23 sano sidaas ayay ahaanaysaa Somaliland Siyaasad-ba maan galeen ee Carruurtaydaan iska dhaqan lahaa. Waan ka xumahay inay sidaa wax yihiin. Haddana dalkii waynu haysannaa waxaynu u baahannahay dawlad wanaagsan iyo caddaalad.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland waxyaabaha ay ku faanto ee dhismeheeda lagu guulaystay ay ka mid ahayd Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland ka hana-qaadday, hase ahaatee, ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo cabbudhin, xadhig iyo xayiraad kula kacday, taasina ay tahay ceeb dhaawacday sumcaddii iyo karaamadii ay Somaliland caalamka kulahayd.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories