HomeHaddaan Beerano Wan Badhaadhaynaa! - W/Q: Mohamed Rashid Hussein

Haddaan Beerano Wan Badhaadhaynaa! – W/Q: Mohamed Rashid Hussein

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maqalWaxaan dhammaan wada ognahay inay bulshooyinka kala duwan meel kasta ha joogaan inay caadooyinka iyo camalada ay leeyihiin u gudbiyaan jiilalkooda soo koraaya. Maanta waxaad arkaysaa bulshadeenii oo caadooyinkaas kuwii ugu qiimaha badnaa ee ay noloshu aadka ugu tiirsanayd ka haajiraya. Falashada beeruhu waa aasaaska quud iyo dhaqaale ee bulsho kasta meelkasta haku noolaatee. Inaan xoogga saarno oo aan wax beerano waa mid aad waxtar ugu yeelanaysa nafteena iyo ta jiilalka soo koraya. Haddaan wax beerano waxaan hirgalinaynaa hadaf haqab tir ku salaysan innaga iyo aayaha ubadkeena. Si kastaba ha ahaaatee, haddaan daryeelno xirfadaha wax-beeris ee aynu soo dhaxalnay muddo dheer waxaan horseedi karnaa is bedel aad u wayn oo ku sar go’an hadba baahida dalka gudihiisa taala. Dalkeenu wuxuu hodan ku yahay badarka( gallayda, digirta, garowga etc), khudrada noocyadeeda kala duwan iyo waliba midhaha aadka u macaan kuwooda ugu caansan adduunka.

Inaan dhiiri-gelino oo aan wax beerano kaliyaata inagama caawinayso inaan macaluul wajahno balse waxa ay ku u qaadi kartaa koboca dhaqaale iyada oo aan u dhoof geyn karno dalagga dheeriga ah wadamada aan jaarka nahay iyo gabi ahaanba adduunka oo dhan. Bal hal daqiiqo ka feker is-bedelka dhaqaale ee aan samayn lahayn haddii aan dhoofin lahayn galayda iyo digirta iyada oo maanta ku bixino in ka badan 10% miisaaniyadda dhaqaale ee dalka sannadkii? Inaan dhaqaale intaas leeg ku bixino wax-soo saar dalkale waxa ay inaga bixinaysaa sawir aad u fool-xun oo wax u dhimaaya horumarka dhaqaale ee dalka iyo waliba kartida wax soo saar ee muwaadiniinta dalka.

Bal dib u milicso taariikhda faca wayn ee aadamaha. Waxaad ka dheehan kartaa in aadamuhu beero qotay si uu u badbaado isuna horumariyo. Runtii beero falashadu waa ubucda dhex-taalka ah jiritaanka, horusocodka, hamiga iyo waliba hiigsiga fog ee badhi-taaraya in wax la beerto oo laga maarmo in lagu tiirsanaado wax-soo saar dad shisheeye.

Haddaba si aan uga badbaadno ku tiirsanaantaas, waxaa aad u qaaliya inaan ogaano awooda Alle ina siiyay iyo damiirka ka damqanaaya inuu sugo dalagga laga soo gooyo dal kale iyada oo maanta aynu mararka qaarkood haysano dhul ka wayn dhulalka wax laga beerto waddamada adduunka qaar kamid ah. Tan,waxaa gabi ahaanba lagu xallin karaa. Marka koowaad, in la dhiiri-geliyo beeralayda dalka oo laga caawiyo dhammaan qalabka beerista. Labaad, in la balaadhiyo dhulka wax laga beerayo iyo waliba noocyada midhaha iyo khudradda ee laga soo saaro waddanka. Ugu danbayn, waxaa lagama maarmaan ah in la dardar geliyo wasaaradda beeraha iyo waliba waaxyaha kala duwan ee xooga saara kobcinta beeraha si loo soo saaro shuruuc mamnuucaya dalagyada shisheeye iyaga oo ay dawladdu sare u qaadayso sicirka dalagyadda shisheeye iyada oo isla markaana hoos loo dhigayo sicirka raashinka dalka kasoo go’a.

Haddaan beerano wan badbaadaynaa..

W/Q: Mohamed Rashid Hussein

Social Worker, Sustainable Development Practitioner.

Phone Number: 252-63-4002027

Email: mohamedrashid402@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories