HomeHadallo Aflagaaddo iyo Yasid ah Oo Musharixiinta Maraykanku Kula Kaceen Islaamka...

Hadallo Aflagaaddo iyo Yasid ah Oo Musharixiinta Maraykanku Kula Kaceen Islaamka Bariga Dhexe

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Ragga ku tartamaya in ay ku guulaystaan jagada Madaxweynenimo ee dalka Maraykanka, ayey warbaahintu ka ururisay aflagaadooyin iyo hadalo meel-ka-dhac ah oo ay kula kaceen dunida islaamka ah, gaar ahaan bariga dhexe, kuwaasoo u galay baalka taariikhda, kadib markii khudbadahooda laga dhex arkay hadalo aad lidi ugu ah muslimiinta.

 

Murrasahax Trump

 

Murrashax Trump oo ka mid ah ragga ugu cadcad ee u loolamaya jagada Madaxweynenimo ee dalka Maraykanka, ayaa wax laga waydiiyey siyaasadiisa bariga dhexe ku aadan iyo ammaanka mandaqadaas ba, waxaannu si yasid ah, kana muuqato in mandaqdaas dhan a macno la’aan tahay uu ku jawaabay; “Taasi kuma jirto tartanka iyo loolanka.”

 

Badhasaab Scott Walker

Scott Walker oo ah badhasaabka Gobolka Wisconsin ee dalka Maraykanka, isla markaana ku jira ragga u baratamaya sidii ay u soo istaagi lahaayeen jagada madaxweynenimo oo dhawaan wax laga waydiiyey kooxda daacis ee ISIS magaceeda loo soo gaabiyo ayaa si jees jees ah ugu jawaabay; “Waxa aad ka soo qaadaa 100,000 mudaharaade oo Wisconsin ku sugan, adduunkuna intaas bal ka soo qaad.” Waxa uu ku malo-awaalay in ururka shaqaalaha Maraykanku mudaharaadeen, balse waxa uu hilmaamay in ay yihiin dagaalyahanno haysta Ciraaq iyo Suuriya badankeeda.

 

Jeb Bush

Waqti lagu guda jiray shir arrimaha ammaanka lagaga hadlayey oo qabsoomay bishii August 2015, ayaa murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga Republican Mr. Jef Bush, waxa uu walaalkii George Bush (Madaxweynihii hore ee Maraykanka) ku taageeray go’aankii uu 2003 ku qabsatay Ciraaq, waxaannu yidhi; “Waxa aan idiin sheegi doonaa in Saddam Xuseen xukunka in laga tuuro ay ahayd go’aan fiican, “ waxa uu waqtigan muujiyey inuu aad ula dhacsanaa in xukunka laga tuuro Saddam Xuseen oo ahaa madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq, balse waxa ay arrintaas keentay in gobolka amma mandaqadaas oo dhan holacdo.

 

Xildhibaan Ted Cruz

Ted Cruz oo ah xildhibaan Texas laga soo doorto, isla markaana ah murrashax madaxweyne, ayaa laga hayaa hadal dheel dheel iyo jees jees ah oo Bariga Dhexe ku wajahan, waqtigaas oo uu ku jiray dood; “Waxa Maraykanku waxa uu baahan yahay Madaxweyne ku dhiirada in Madaxweynaha Masar uu sameeyey Markii Sisi,” odhaahdan waxa uu uga jeeda amma uu ugu yeedhay in Al Sisi uu yahay Sisi oo noqonaysa kooxda Daacish, taasna waa khalad iyo jeesjees uu galay, sababtoo ah waxa uu Al Sisi murrashaxan ku eedaynaayey inuu ku kacay dambiyo xuquuqal-insaanka ka dhan ah.

Sidoo kale doodii ku xigay waxa uu Cruz ku dooday isagoo ka hadlaayey barnaamijka nukliyeerka Iran; “Aaminaada Iran waa in laf ahaantooda la baadho.” Waxa warbaahintu arrintan ku lafa-gurtay inuu ula jeedo in qof kasta oo Iran an naftiisa la baado, kadibna la aamini karo Iran.

Ben Carson

Murrashax Ben Carson oo ah khabiir qalliinka neerfsiyada ku takhasusay (Neurosurgeon) markii uu sannadkii hore booqday Isra’iil waxa uu isku dayey inuu xaalada dalka ka hadlo waxa uu waydiiyey su’aal ku saabsanayd “Waa maxay doorka Knesset (Barlamaanka Isra’iil?” markii uu jawaabta ka helay ilaaladiisa ayaa uu ku celiyey; “Ku dhawaaqis adag. Maxay yeelan waayeen nidaamka aan Maraykanka ku haysano?”

 

Mar kale Murrashax Ben Carson

Murrashax Ben Carson waxa uu September sheegay in Muslimiintu aanay joogi karin Maraykanka oo aan laga ogolayn, isagoo u arka in dastuurka Maraykanku sidaas qabo, waxaannu waliba diiday inuu raalligelin ka bixiyo eraygaas ka soo yeedhay oo cadho badan ku abuuray dunida islaamka ah, gaar ahaan dadka ku dhaqan Maraykanka.

 

Biilyaneer Donald Trump

Bilyaneerkan oo ka hadlaaya ku lug lahaanshaha Ruushka ee Suuriya, waxa uu yidhi; “Assad waxa uu ka fiican yahay jabhada Maraykanka dabada ku haysa, maadaama aanu ahayn nin aan diinta ku adkayn, waxaannu Assad dilay boqolaal kun oo qof oo jabhada Suuriya ah.”

Xigasho: Maankaab

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories