HomeHADALKII Xildhibaanka iyo Ku-Margashada CADDAYNTEEDA!

HADALKII Xildhibaanka iyo Ku-Margashada CADDAYNTEEDA!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 Qalinka: Maxamuud Cali Maxamed (Walaaleeye)

 Salaanta islaamka ka dib, waxaan  maalin dhoweyd kala kulmay xarunta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, qiso wax ku qaadasho ugu filan qof kastoo doonaya inuu dariiqa Xaqa Ilaahay waaajiyo, kana badbaado sharka sheydaanka iyo xulafadiisa.

 

Ilaahay SW Quraan kariimka waxuu inoogu sheegay aayad macnaheedu ahayd ‘Hadii mid FAASIQ (Beenaale) ah war idiinla yimaado, iska hubiya…’ xadiis Nebiga NNKH ayaa ahaa ‘Qofka arka xumaan gacantiisa ha ku bedelo, hadaanu awoodin, carabkiisa (hadal), hadaanu awoodin niyada haka naco’ maxaa yeelay, waxay meesha ka saarayaa  naxariistii Ilaahay ummad islaamka dhexdooda ku abuuray, waana wadiiqooyinka Sheydaanku ummada ku dhexdhigo mushkiladaha, Ilaahay-na inbadan inooga digay halisteeda, Ilaahay kuwii ka badbaada ha innaga dhigo dhamaanteen, Aamiin.

 

blank

 

Waxaan anigoo fadhiya maqaaxida shaaha ee xarunta Baarlamaanka khamiistii 13 June, 2019, soo fadhiistay nin xildhibaan ah oo aqoon wacan isu leenahay oo dad qaraabo/asxaab ahaayeen oo la socda, waxuu ka sheekaynaa hadal, dhab ahaan damiirka wanaagsan diidayo, kana mid ahayd ereyadiisa ‘Wasiir walba inta gurigiisa joogta ayuu wasiirka kale isdhaafsadaan shaqo siintooda’… annigu cidna halkan (baarlamaanka) ima qorin…annigaa iwm..iwm.

 

Muddo daqiiqado ah ayaan naftaydu u hakatay bal in dadka kale goobta fadhiyey una badnaa xildhibaano iyo shaqaalaha xarunta oo siddayda oo kale maqlayey eego ficilka ay kaga jawaabaan, oo isweydiinaysay sababta ninkan ummada masuuliyiinteeda ka mid ah isagii uga shaqeynayo ama u faafinayo dhibaatadeeda iyo hadalkan FITNADA kicinaya, hadii ay jirtana xitaa, laga sugayey wax-ka-qabashadeeda iyo saxxitaankeeda? Illayn cid ka xigta ma jirtee?

 

Intaan u soo dhowaaday miiskii ay fadhiyeen ayaan kula kaftamay ‘Xildhibaan, maalintii hareerahaaga la eegaa, habeenkiina waa la gaagaabsadaa’ ayey Soomaalidu tidhaahdaa! Ninkii intuu ulajeedkayga fahmay ayuu ii celiyey, ‘Cid aan ka baqanayo ma jirtee, adigu weriye ayaad tahee ma qoraysaa, anigaa kuu sheegayee?

 

Waxaan ugu jawaabay, HAA, laakiin, caddaynteeda ayaan kaa rabaa…? Ninkii xildhibaanka ahaa, intuu wejiga bedelay oo cadho ka muuqatay hadalkiisa ayuu ii celiyey ADIGU MA MAXKAMAD ayaad tahay? Waxaan ugu jawaabay, hadal/ dhaliil xaqiiqo ah oo caddaymahiisii wata keliya ayaan qaadan karaa? Waar mee ASKARTII xerada joogtay ayuu hadalkiisii u dambeeyey ahaa, ka dibna waan ka soo dhaqaaqay.

 

Akhristayaal, sidaad qormadan kooban ka arki kartaan, ninkii I lahaa anigaa kuu sheegayoo weriye ayaad tahee, qaado, waxuu nin kale noqday,markaan weydiiyey inuu CADDAYNTEEDA keeno?

 

Waxaan Ilaahay uga mahadcelinayaa inuu I waafajiyey ka digtoonaanta halistii sheydaanka iyo shar-wadeenada, idinka iyo UMMADA ISLAAMKANA kuula dardaarmayaa, inay iska hubiyaan, sifahii ay ugu suurtoobaysaba, WAR kastoo loo sheego ama maqlaan, si aanay uga dul dhicin duul aan waxba ogeyn, dibna ka qoomamoon HUBIN LA’AANTA WARKII AY QAATEEN.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories