HomeHadalka Muuse Biixi Laba Wey Garatay, Labana Mey Garan

Hadalka Muuse Biixi Laba Wey Garatay, Labana Mey Garan

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

QALINMujaahid Muuse Biixi oo dhowaan loo caleemo saaray Guddoomiyonimada xisbi nxaakimka ayaa dorraad ku dhawaaqay arrin inta badani ogeyd, laakiin dadka qaay ay gadaal u fahmeyn inuu ka tanaasulay si dadban.

Haddaba, ujeeddada weyni waxay ku socotay niman Sacad muuse ah oo rifayaal ah oo talaabadiisa guraaya oon xasad iyo xumaan mooyaan xil doon ahayn, oo taladoodu tahay anaguna madax ma noqonaynu cid kale oo reerka ahna xaasha. Waxuu tusay inaanu ahayn sidood nin loo yeedhioyo iyo duul aan lahayn geesinimo ay keli u soo ban baxaan, Waxuu tusay inuu yahay nin badheedha maantana dabray fuleydii kalyaha u waayey inay waxay rabaan toos u yidhaahdaan. Waa kuwa laga hayo ilaa uu haakah yidhaahdo Madaxweynahu isma taagaynu.

Haddaba Madaxweyne Siilanyo oo ah aabaaha xisbiga iyo halgamaa ay Muuse wax badan isku ogyihiin, wuu ogyahay cidda fariintu ku socoto, wuuna yaqaan sida isga iyo Muuse arrintan uga hawlgali karaan. Wuu ogyhay ninka waxtar iyo waxyeelo leh iyo cidda uu ku tiisan karo een marna kaga bixin hawl la soo daristay intuu xisbiga Kulomiy aasaasay iyo raga kula heshiiska ah xilka uu u dhiibo, ee ah asxaabul muraad, wuu ogyahay ninka isagoon weli koob shah ah xil ku cabin ee haddana la barbar jooga tageero iyo ixtiraam shakhsi.

Waxa kale oo og ujeedada Muuse beesha Habar Awal oo og in fariintu u socoto raga beerka jecli xeydha jecli ah ee aan lahayn go’aan qaadasho. Waa raga leh haddii Madaxweynihu is sharaxo isma taagayno haddii se Muuse is taago waanu sharaxanay. Habar Awal wey ogtahay ninka wax naaya iyo kan dabada laga riixaayo ee dhadhamo doonka ah.

Waxaan fahmin fariinta kooxdan labaclabaca ah oo ilaa xalay Madaxweynha wareeriyey, si ay u tusaan in Muuse meel ka dhacay ooy colaad hor leh ka dhex aloosaan labada roogcadda ee is tab yaqaan. Waxa la sheegay in Madaxweyne Siilanyo aad ugu qoslay waxay buunbuuniyeen, una sheegay inaanu wax qalad ah meesha ku arag.

Waxaan iyana fahmin in badan oo beesha Habar Jeclo ah oo dacaayadii kooxda magac biiska Habar Awal rumeystay. Waxa se hubaal ah in waxgaradka beeshu ka soo dhalaali kaalintooda ooy tusi doonaan halka dantu tahay iyo in labada hoggaamiye waa Siilanyo iyo Muuse ay yihiin rag arrin meel u yaalo ayna yihiin qaar ku heshiin doono talada dalka iyo xisbigaba. Waa rag qadhaadh iyo macaanba isla soo maray guushana wadajir ku dhaliyey, maantana a,ragti mideysan ka leh horumarinta dalka .

Madaxweyne waan kuu duceeya Alle ha kaa qabto raga kugu xeeran ee dabinka kuu qodaaya. Caafimaad iyo talo toosan. Waan kuu duceeya ee balada ay wadaan SomalilandToday iyo Xirsiga dabada ka riixayaa Alle ummadda ha ka badbaadiyo. Beenaalayaasha tusbaxa beenta watan Alle heynaga qabto. Cadhada Alle ayaa ku soo degta kuwa beenta laasimay, isku dirka ee maalkii danyarta laga soo uruuriyey xalaashaday.  Waan kuu duceeya inaad dalka ka nadiifiso tuugta ayaadaha quraanka ku gabada, munaafiqiinta naarta tan ugu hooseysa Alle ugu balan qaaday.

 

Bishuna horteena ayey iman

Cabdi Xaaji Axmed

hargeysawi@ymail.com 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories