HomeHadal-haynta Somaliland iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi

Hadal-haynta Somaliland iyo Musharax Muuse Biixi Cabdi [WARBIXIN]

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Musharaxa Xisbiga Kulmiye 2015…..Madal kasta waxaa aad looga hadal hayaa Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda ee Xisbiga Kulmiye, iyo Musharaxa u qalma Xilkaasi……

Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland , ayaa maalmahan u muuqata mid aad u mashquul badan, isla markaana ay ka socdaan Ololaha Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynenimadda ee Xisbiga Kulmiye.

Madal kasta waxaa aad looga hadal hayaa Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda ee Xisbiga Kulmiye, waxayna Aqoonyahannadda, Siyaasiyiinta iyo Hal-doorkuba aad u hadal hayaan Musharaxa u qalma Xilkaasi.

Qaar ka mid ah dadka u dhuun duleela Ololaha Doorashadda,  ayaa sheegay inay si dardar leh ku socdaan Ololaha Doorashadda iyo Abaabulka uu Musharax kasta ugu jiro sidii uu libin uga heli lahaa Loolanka Madaxtinimadda , oo la shaaciyey inay dhici doonto maalin Salaasa ah, oo ku beegan bishan soo socota ee November 10-keeda.

Warbaahinta madaxbanaan sida tv-ga universal  , ayaa wax ka weydiiyey Afkaarta dadweynuhu ka bixinayaan Musharaxiinta , waxa uuna tilmaamay,  inuu soo maray dhamaan Majlisyadda lagu gorfeeyo Siyaasadda iyo qaar ka midda magaallooyinka JSL, isla markaana uu dhegta u raariciyey maxsuulka Doodaha iyo Falaanqeynta Musharaxa noqonaaya Madaxweynaha Kulmiye.

Guuxa Majlisyadda iyo Fadhi-ku-diriradda amaba goobaha ay Bulshadda isugu yimaadaan ayaana waxaa uu qof kasta ku soo bandhigay Badheedhahiisa ku aadan Doorashadaasi iyo Musharaxa uu u arko inuu ku guuleysan doono Musharaxa Kulmiye Madaxtinimadda JSL.

Sahanka ugu dambeeyey ee lagu soo ururiyey qeybaha bulshadda ku sugan magalooyinka , ayaa waxay 100% isku raacsan yihiin,  inay Doorashaddu dhici doonto xilligii loogu talagalay, balse waxaa iyadana aan lagu kala duwanayn Musharaxa ugu cadcad Loolankaasi.

Aqlabiyadda ugu badan ee Reer Somaliland ayaa rumeysan ;- in Musharax Md Muuse Biixi Cabdi yahay,  Musharaxa ku guuleysan doona Xilka Madaxweynaha Kulmiye, waxayna ku sababeeyeen Taariikhda Halgankiisii , Waxqabadkiisa iyo Sumcadda uu ku dhex leeyahay Umadda Somaliland , gaar ahaan Bulshadda ku wada nool Goballadda Somaliland .

Marka la qiimeeyo iyagana Musharixiinta kale ee  isku garbinaysa Masraxa Doorashadda ee Kulmiye, waxaa hubaal ah inay ka muuqdaan Musharixiin ku cusub umadda JSL , isla-markaana aan caan ka ahayn, kuwo aan ilaa heer Qaran gaadhin ama kuwo ku soo fashilmay xilkii hore loogu aaminay, kuna saaqiday Xil-gudashaddii laga filayey.

Marka docda kasta laga qiimeeyo Musharixiinta u taagan Madaxtinimadda kulmiye , waxaa hubaal ah:-  inuu figta sare kaga jiro Musharaxa Muuse Biixi, oo isagu ah Khabiir Siyaasadeed iyo mid Amni, maadaama lagu xusuusan karo, lana qiri karo Halgankiisii & Waxqabadkiisa Heerka Qaran ahaa.

Musharaxa Muuse Biixi ayaa lagu xusuustaa halgankii, nabadeyntii ,Isbedelkii iyo Dib-u-habeyntii ciidamada Somaliland  uu ku sameeyey iyo kaalintii uu ka qaatay soo-celinta Ammaanka iyo Hawlgalladdii nabadeynta Somaliland.

Taageerayaasha badan ee Musharax Muuse Biixi, waxay ku rajo weyn yihiin100%  inuu ku guuleysan doono Loolanka Madaxtinimadda ee Kulmiye, maadaama uu yahay Siyaasi khibrad u leh Hoggaaminta Wanaagsan ee udub dhexaadka u ah Aqoonta dadka , u Adeegidda Bulshadda. Iyo Waxqabadka ku dhisan Tashaawarka lagu horumarinayo danaha dadka iyo dalkaba.

Markaynu isku soo xoorino: , Hadal-haynta Somaliland waxaa laga dheehan karaa in Musharax ,Muuse Biixi Cabdi:- YahayHoggaamiye loo han weyn yahay inuu wax ka beddeli karo Nolosha, Dhaqan-dhaqaale ee dadka ku nool Goballadda Somaliland.

Ugu danbayntii, Cidda hadha iyo cidda guuleysata , dadweynaha ayaa markhaati u noqonaaya.

(Waa la arki doonaa halkay arrintani sal dhigato).

Qore:- Adan Yusuf Elmi /UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories