HomeHadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 27aad ~ KOL HADDAAN LA KOREYN - (Xafladdii...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 27aad ~ KOL HADDAAN LA KOREYN – (Xafladdii Qalin-jebinta Hormadii 11aad ee Jaamicadda Hargeysa)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Haddaad tahay guur-u-meer,

Garaabo adoon qub-qubin,

Adoon ummadda isku gubin,

Dadweynaha soo gab yidhi,

Waxaad ka gadayso mari,

Abaalkana waa gudnaa,

Waxaad noo gashee horiyo,

Gadaal waxaad maaggan tahay,

Bal noo sheeg waa golee,

Waxay dadku kaa guntaan,

Maansadii Gurmad ee Macallin Gaarriye, 20/10/2005tii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

2/10/2014ka, Hargeysa,

Qormada 1aad

bobeWaa Qormo qormadeed…….Qabax…..Qardhac iyo quxub midna kuma iman. Waa qiimayn……Waa qurux……Waa qaddarin…….Waa maalin farxadeed……..Waa qalin-jebintii Hormada 11aad ee Jaamicadda Hargeysa.

Sidee ayaan madasha ku tegay? Madashu sidee ahayd? Jidka loo marayay sidee ayuu ahaa? Yaa ka qayb-galay? Maxaa laga yidhi? Yaa se ka yidhi? Kaftan-dhablihii meesha ka dhacay iyo qodobbo kale oo xiiso leh. Intaas iyo in badan oo kale ayaan jecelahay in aan qormadan kooban ku guud-maro. Fadlan ha iga hadhin, adiga oo raalli ah.

Haa……Waa san ayaa Hargeysa iigu beryay aniga oo shalay ka soo guryo-noqday magaalada Jabuuti oo aan toban maalmood ku maqnaa. Galabnimadii, Axaddii, 27kii bishii Sebtember waxa tilifoon ii soo dirtay Kowsar Xasan Axmed Cige oo aan abti u ahay. Kowsar waxay ku dhalatay 12/11/1990kii, magaalada Jigjiga maalmihii qadhaadhaa ee halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa dhashay Safiya Aw Yuusuf Ducaale oo ay hooyaday u taqaannay Safiya-Eemar. Safiya guri-dambaysteedu waa Kowsar, Safiyina waa guri-dammbaystii hooyaday,

Erey-qeexaha Soomaal marka aad daalacato ereyga eemar wuxu ku sharraxan yahay ninka amarka adag. Waa ereyada adeegsigoodii ka baxay afka Soomaaliga. Sow tii Cilmi-boodhari lahaa:

“Waa la igu eemeray cishqiga, in an ku ooyaaye,

Allahayow afkaygiyo sidaan, aadmiga u eeday,”

Kowsar waxay ii sheegtay in ay qalin-jebinayso berrito oo Isniin ah, sidaa darteedna la igu mart-qaaday xafladda qalin-jebinta. Aniga oo kaalintii waalidnimo ku jiray, maa daama aabbaheed xanuunsanayay, sidaas ayaan ku qaaday xilkaas. In aan maaalintaa Jaamicadda Hargeysa imaaddaa xil-qaad iyo mas’uuliyad ayay iga ahayd. Ardayda kalena ubadkaygii aanu u soo tacabnay ayay ahaayeen oo igama ay fogayn dhammaantood.

Maalintan boqrani waxay ku timid amar Ilaahay iyo idamkiisa. Waxay ku timid barbaartii naftooda sadqaysay si ay dal iyo dadba uga xoreeyaan nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre. Intaas oo Dufcadood ama Hormo oo qalin-jebin lahayd ayaa u shahiidday oo u naafowday. Abaalkoodii weli waa uu maqan yahay. Da’-yartii abaalkaa mudankiisa celin lahaydna Tahriib iyo xilkooda oo ay ka cararaan ayay dan moodeen. Xukuumadna hadalkeeda daa, waxa ka soo hadhay wax diihaal la sahaya oo doocooda iyo dareenkooduba aanu duunyo dhaafsiisnayn. Dufan-jeceshii, Dibno-leeftii iyo Dabo-ka-naaxyadii Cabdi Iiidaan Faarax inooga ducayn jiray Deelleeydii ayaad mooddaa in ay dib u soo gadaal-baxeen.

Jaamicad la furo…….Jaamicad la arko……Jaamicad la galo…….Jaamicad laga qalin-jebiyo……..Dirayska madow iyo koofiyadda oo la soo xidho……Xaflado……..Mashaxarad iyo damaashaad. Hawl si fudud lagu xaqiijiyay ma ay ahayn. Mar ayaan Jaamicadba cidi hadal-hayn jirin oo Dugsiga Sare ee Sheekh Jaamicad la meeqaan ahaa, ardayduna muraayado cad-cad qaadan jirtay oo la odhan jiray: “cilmigaa indho-tiray.” Mar baa Jaamicadaha London iyo arda-walaaya loo tegi jiray. Beryaha qaar ayaa Soodaan loo lugayn jiray oo Masar looga sii gudbi jiray. Mararka qaar ayay soo dhawaatay oo Xamar loo tegi jiray. Iyaduba qurbo-nacas kale ayay ahayd e’.

La soo dhaafyoo waa nabad. Waa ta Cammuud laga furay……Waa ta Hargeysa laga furay…..Waa ta Burco laga furay. Oo yaa kala hadhayda, waa ta badhaysa noqotay ee Hargeysa oo keliya dhowr iyo tobanka laga furay. Al-xamdu Lillah, kol haddaan Jaamicad la inagu khuuhkinayn. Tayayntii waa ay inoo hadhsan tahay ee tiradii ayanu wax ka haynnaa.

Maalmuhu iskuma jirin e’, waa maalin Isniin ah oo ay bishii Sebtember 28 ahayd. Waqti ay saacaddu ku beegnayd siddeeddii oo wax dhiman ayaan guriga ka baxay inta aan si rasmiya u lebbistay, si aanay Kowsar ii odhan abtiyo wuu I yaraystay. Intii aan sii socday ayay laba jeer ila soo hadashay. Mar saddexaadkii waxaan u sheegay in aan Jaamicadda ku dhex jiro. Saacaddu waxay ku beegnayd 8.10 daqiiqadood. Kowsar markiiba waanu is-hellay. Colkii hab-maamuuska ayaa I helay oo xagga hore I fadhiisiyay.

Waan ogaa in ay maalin adag noqonayso, gaar ahaan marka aan ku xisaabtamo sida aanay madaxda dalku waqtiga iyo maalmahaba ugu xisaabtamin. Hudheelka Guuleed markii aan marayay ayaan dareemay dhaqdhaqaaqa ciidammada is-huwan ee nooc walba lahaa. Waa dad wanaagsan haddii ay madax wanaagsan oo daacadnimo u adeegsata helayaan. Dun xariir ah weeyaan. Waxaan xaaladda sii dareemay markii aan gaadhay Xarunta Gobolka iyo intaa ku xeersan. Siidhiga iyo qaylada ayaa circa isku shareertay.

Halkii ‘Trades School-ka’ hortiisa ayaan baabuurkii dhigtay oo aan ka lugeeyay. Baabuur badan ayaa loo diiday in ay u soo gudbaan waddada Jaamicadda aniga se waa ay ila saayireen, waanay mahadsan yihiin.

Aniga iyo dad badan oo kaleba ilaa 8.00 subaxnimo ayaanu meesha fadhiisannay. Madaxweynaha iyo raxan madax ah oo la socotay waxay madasha yimaaddeen waqti ku beegnaa ilaa 10.10 saacadood oo dadkuba daal la liitay. Intii la hamaansanayay ee Madaxweynaha raagay la sugayay, si waxoogaa dadka loo maaweeliyo dhowr qof ayaa laga codsaday in ay makrifoonka qaataan, in kasta oo ay qaar badani ka maageen, iyaga oo rabay in ay hadalkooda jeediyaan marka Madaxweynuhu yimaaddo. Is-tusku meel walba waa uu joogaa, xataa xafladaha Jaamicadaha iyo xarumaha aqoontana kama xishoodaan.

(La soco maalinta Sabtida, haddii Eebbe idmo)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories