HomeHadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 25aad - Muranka Diiwaan-gelinta iyo Mugga Xildhibaannada

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 25aad – Muranka Diiwaan-gelinta iyo Mugga Xildhibaannada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nin hadduu tashiga guuto faran, keli ganaanaysto,

Gaaraa-yucuuntiyo shinnida, gurucyo-dhaadheerta,

Giiryaalayaashiyo fulaa, laguma-guuraanka,

Gumarta iyo maajeenta iyo, geed-xunkiyo tuugga,

Gun-gunnaafka iyo maarta iyo, gocorka aan buubin,

Kun nin oo guraan-gur ah hadduu, goob isugu keeno,

Guufka iyo haddii hooda iyo, giniga loo qaybsho,

 

Maansada Gudgude ee Hadraawi,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

18/9/2014ka, Hargeysa,

Qofka maanta ku dooda Doorashooyinkii qorshaysnaa waa la carqaladaynayaa, la yaab ma laha. Maxaa yeelay, wuxu ka saadaaliyay saan-saanka muuqda. Ifafaalaha muuqda iyo saadaashuba ma saalloona. Daliilkeedu wuxu yahay:

  1. Xukuumaddu waa ay ka dheregsanayd in xilliga shaqo ee Komishanka Doorashooyinku ku eg yahay Oktoobar, 2014ka. Waxa kale oo ay Madaxweynaha iyo Xukuumadduba ogaayeen in ay Komishankii Doorashooynku u qorsheeyeen muddada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Sebtember-Diisambar 2014ka, iyaga oo ku talo-galay in ay diiwaan-gelintu dhammaato lix bilood ka hor Doorashada Madaxweynaha ee ku muddeysan 26ka Juun, 2015ka,
  2. Saddexda Xisbi qaran. Komishanka qaranka iyo Xukuumaddu waxay ku heshiiyeen in Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha iyo ta Madaniga la wada qabto oo aanay is-carqaladayn. Madaxweynuhuna waa uu ku raacay. Sidaas ayay Deeq-bixiyayaashuna ku oggolaadeen oo weliba miisaaniyad 10 milyan oo dollar ah ku ballan-qaadeen. Waa sida ay yidhaahdeen Xisbiyada Mucaaradka ahi, Xisbiga kulmiyana ka aammusay. Komishankii Qarankuna kama hor iman. Waxa kale oo ay ka muuqataa warqaddii uu soo qoray Safiirka Ingiriiska u fadhiya Nayroobi oo Guddoomiye u ah Guddida Deeq-bixiyayaasha,
  3. Madaxweyne Siilaanyo isaga oo adeegsanaya awoodihiisa Dastuuriga ah wuxu kala diray Komishankii Doorashooyinka. Wuxu isla markaa warqado u qoray labada Xisbi ee Mucaaradka ah iyo Golaha Guurtida si ay u soo magacaabaan xubnihii ay u soo xuli jireen Komishanka Doorashooyinka. Dalka waan ka maqnaaye, waa xilli ku beegnaa 1dii bishan Sebtember ee labaatanka ku dhow,
  4. Xisbiyadii Mucaaradku isla markiiba waa ay soo magacaabeen labadoodii xubnood, Madaxweynahana waa ay u gudbiyeen. Guurtida iyo Madaxweynuhu weli cid sooma ay magacaabin. Madaxweynuhu labadii xubnood ee ay Mucaaradku soo magacaabeen: Ma oggolaan, Ma diidin, Golaha Wakiillada uma gudbin. Ogaantay weli miiskiisa ayay saran yihiin. Bal ka warrama markay magacaabidda Komishanku bilo qaadato. Markaa Diiwaan-gelintu miyaanay laamiyadii oo kale noqonayn,
  5. Madaxweynaha iyo Xukuumadda muddadaa ku dhammayn waayay arrinta Komishanka Qaranku intee ayay ku qaadan doontaa Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha,
  6. Waxa la leeyahay oo hadalka loo badinayaa soo-jeedintii Xeerarka ee Komishankii hore u soo gudbiyay Golaha Xukuumadda mid aan ahayn ama Xeerar aan kuwaa ahayn ayay Xukuumaddu Golaha Wakiillada u gudbisay,
  7. Adduunyada oo isku mashquulin doonta 2016ka doorashooyin aan hirgeli doonin oo u qorshaysan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya,
  8. Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland oo weli sii socda. Istaraateji la’aanta Somaliland iyo tabaha Soomaaliya ee ah in ay wada-hadalladu jiitamaan ilaa inta ay Soomaaliya ka hagaagayso. Waxa la isla dhex-marayaa in ay si hoose oo aan muuqan oo qarsoodiya u socdaan wada-hadalladii ay bilaabeen 50kii Odey ee Soomaaliya ee Hargeysa koontarabaanka ku soo galay 3/5/2014ka, oo la leeyahay badhkood ayaa mar soo noqday,
  9. Ifafaalaha ugubka ah ee la isla dhex marayo in ciidammadii Qaranku la wareegeen Xaruntii Dawladda Hoose ee Boorame. Waa wax aan abid ina soo marin,
  10. Saluugga iyo shirarka ka dhacaya dalka intiisa badan ee beelaysani ma wax iska yimid baa? Miyaa laga dambeeyaa? Mise waa dhab oo dan ayaa keentay?
  11. Wada-hadallo u furmay Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda oo la sheegay in ay joogsadeen markii ay Xukuumadda oo ay laba Wasiir masilayeen ka baxday ballankii sida ay Xisbiyada Mucaaradku war-baahinta dadweynaha u mariyeen,

Waxan oo dhan marka la isu geegeeyo doorasho xor ah oo xalaal ahi ma idiin muuqataa?

Waxay ka hadlayaan Diiwaan-gelin Madaniya oo shalay iyo dorraadba taagnayd. Diiwaan-gelin Madaniya oo berri iyo saad-dambena taagan. Diiwaan-gelinta baadi-soocdaa leh ayaa lagu carqaladaynayaa Diiwaan-gelintii Cod-bixiyayaasha oo sidkeedii iyo shinkeediiba go’een.

Waxay dadkii ku dhego-barjeeyeen dhalashadii Somaliland ayaa la qaadanayaa. Waxay dadkii ku wareeriyeen “Taysarooyinkii” ayaa la qaadanayaa. Car su’aashan bal ha ka jawaabaan! Aniga oo dhiggeenna haweenka ixtiraamaya, marka aan su’aashan weydiinayo inta aan garanayn waxay doonayaan, dhegta midig is-qaban maayo, bal se dhegta bidix aniga oo is-haya su’aashu waxay tahay: YAA REER SOMALILAD AH? Car inta ay shaashadaha soo fadhiistaan madaxdooda ilaa minjahoodu ha ka jawaabaan. Aan ku celiyo aniga oo dhegta bidix is-haya: CAR YAA REER SOMALILAND AH? Car bal ha yidhahdaan: kaa iyo kaa. Ama taa iyo taa. Car ha sheegaan reer Somaliland halka ay joogaan? Kaasi waa nabar.

Arrinta kale ee Diiwaan-gelinta Madaniga ah taabnaysaa waa macnaha ay xanbaarsan tahay ama run ahaan waxay tahay. Diiwaan-gelinta Madaniga ahi ma aha “Taysarooyin” la bixinayo. Ka waaweyn. Waa ay ka qoto dheer tahay. Diwaan-gelinta Madaniga ahi waa sugidda dalkan astaysan ee xuduudaha caalamiga ah leh ee Somaliland dadka iska leh oo la rabo in si cad loo qeexo. Marka la sugo cidda dalkan iska leh ayaa aqoonsiga Muwaaddinka la siinayaa, ka dibna qofkaa Muwaaddinka noqda wuxuu yeelanayaa Xuquuqda ku qeexan Dastuurka. Waxa kale oo fuulayaa Waajibaadka uu Dastuurku saaray oo ay tahay in uu u guto si xeerarka dalka waafaqsan. Arrintu “taysarooyin” ma aha. Waa Xuquuq iyo Waajibaad dastuuriya oo la rabo in la qeexo ciddii qaadan lahayd. Cid kasta oo dalkan xuquuq ku yeelataba, waxa laga rabaa oo ay ku qasban yihiin in ay fuliyaan waajibaadka dalku ku leeyahay. Waa in la hubiyaa in Muwaaddinku aanu yeelan xuquuq keliya oo aan waajibaad dastuuriya lahayn. Labada waa la isku qaadanayaa.

Dhammaad

Ogeysiis

Waxaynu yar hakin doonnaa Taxamahan Hadal-haynta Maalmahan innaga oo cabbaar ku nasan donna Taariikh-nololeedkii iyo curintii fannaankii weynaa ee Feysal Cumar Mushteeg. Waxaynu xus iyo xusuusba uga dhigaynaa sannad-guurada 2aad ee ka soo wareegtay maalintii uu geeriyooday.

Haddii ay wax aan la dhaafi karini yimaaddaan meesha kama aan saarin in aan maqaal iyo laba Taxanihii Hadal-haynta Maalmahan ah soo lalin doono, haddii Eebbe idmo.

Sidaa raali ku ahaada, akhristayaal.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories