HomeHADAL-HAYNTA MAALMAHAN : La-ye waa subag Idaad, sanka waxay ka keeneen -...

HADAL-HAYNTA MAALMAHAN : La-ye waa subag Idaad, sanka waxay ka keeneen – W/Q: Boobe Y. Ducaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ilaahay ayaa mahadda leh. Abaal aan duugoobinna waxaanu u haynaa Golaha Guurtida, Odeyga Somaliland ee Xaaji Cabdikariim, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Guurtida iyo ergadii dhexdhexaadinta togan ee loo aayay gashay. Go’aammo dhaxal-gal ah oo lagu qancay ayay keeneen. Dhinacna ma qadin. (win win).

GolahaDhallaan koraya ayuu ahaa. Galaangalgalkiisii iyo gacan-togaalayntiisii ayaa laga fadhiyi waayay. Maah-maaho ayaa ka dhashay. Waxay yidhaahdeen: “Maba dhalan ee dhowrtaysan ogaa.” Joogsan waa. Waantoobi waa. Waxay haddana yidhaahdeen: “Siddi siddidaada mooyiye, dhul-u-dhacaaga hubso.” Wixii waano lagu yidhi wax ku qaadan waa. “Dhegihii Ilaahay waaniyaa, waansan,” ayay hadalba ku jareen

Hore ayaa hadal uga taagnaa ragga sankooda oo caano-ri’yaad laga keeno. Hanjabaadda ayaa sidaas ahayd, sida laga weriyay muuqaal-arag baahiyayaasha. Fal iyo faalba waa la isku daray. Ciddiyo-ri’yaad iyo baal digaagba waa la isku ridqay. Abu-bidaarka la sadqeeyay ee sidii saloolka loo daadiyay hadalkiisa daa. Rag baa sidii diirta ridqay oo dabada ka tuuray. Mareegaha ayay ka buuxdaa. Qaran aayihii iyo arrinkii looma qaadan ee legdintii geel-jiraha ayaa dadka qaar ku soo maaxatay. Xagal iyo xuurto ayaa arrinka loo celiyay. Rag aan ducadoodu kicin oo aan abidkood kob caano leh ka soo durdurin ayaa loo qaatay weliyo sheellaa oo shirar aan shinkoodu go’in abaabulay. Sharaf-beel mooyiye, shalmad qurux leh laguma arag. Shaah iyo shadaab wixii ay maalmo shubanayeen, shaarubo kaga xiirma mooyiye, shaal iyo shax shax kama ay qaadin.

Halkii aynu caano-ri’yaad ka sugaynay, rag baa subag Idaad iyo sixin sankii ka keenay oo saaka oo dhan la sawiarayay. Dhankaana, dhan dheh.

Waa xilli xilligii. Iyaga se, xinka sokeeyaha iyo xistiga ayaa loo diray. Ma maqli jirteen: “Gardarrada sokeeyaha rag baa, gees Biciid u leh.”Waa waxan inagu habsaday ee aynaan u daban.Daaqsin-geel wax kama arkaan. Aragtidoodu waxay ku dabran tahay gondahooda iyo gur-gur qaanso. Wax adduunka ka dhacaya ma oga. Waxay ku hawlan yihiin sidee ayaad xukunka u sii haysan kartaan? Waxay ku hawlan yihiin sidii loo tir-tiri lahaa hay’adaha Qaranka ee dalka loogu maammuli lahaa wareegto Madaxweynuhu soo saaro. Waa ay degdegayaan, diihaalna way la sahayaan. Xagga dhaqaalaha iyo boobka lagu hayo hantida ummadda, waa kuwii uu Timacadde ku yidhi:

“Sida nimankan wada dhoofayeen, dhidib ka oollaynin,

  Ama aan u-dahalan bay arlada, uga dhammaysteen,”

Xataa Gumeysigii caddaa iyo Faqashtii nacabka ahayd ayaan sidan wax u diiran jirin, dhulkana u iibin jirin. Subxaan!

Waa sida ay jecel yihiin, waa se been. Ta Alle iyo ta ummadda ayay noqon doontaa, horena u ahaan jirtay.

Waa maalmo aawan. Waa maalmaheennii. Indhihii adduunka ayaa Xamar ka soo jeeda. Xaggeenna iyo xaaladaheenna ayay u soo jeedaan. Iskama ay keen jeclaan. Waayaha ayaa qaddaray. Kalgacal ma aha. Indhaha adduunku ina hayn maayaan oo xiise joogta ah la inoo qabi maayo. Wax la inaga filayo oo la inaga doonayo ayaa jira. Dantooda ma aha ee waa danteenna. Waa jiritaankeenna. Waa garsoorkeenna. Waa badhaadhaheenna iyo barwaaqadeenna.

Waxa danteenna ah oo la inooga fadhiyaa:

  1. In aynu isu diyaarinno doorashooyinka intooda badani muddo-dhaafka tahay: Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada,
  2. Doorashada Madaxweynaha ee sannadka iyo biluhu ka hadheen,
  3. Xeerarkii lagu geli lahaa waxa ka hadhsan,
  4. Diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha,
  5. Kharashkii doorashooyinka,
  6. Kicinta iyo toosinta xisbiga Kulmiye ee fadhiidka noqday,

Adduunyada indhaha inagu hayn meyso ee waa ay inaga sii jeedsanaysaa haddii:

  1. Aynu muddo-kordhin u iilanno,
  2. Diyaargarow togan la geli waayo,

Waa kaas dawga la inooga baahan yahay in aynu marno ama/iyo in aynu ka baydhnaba. Lacagta isku-dirkeenna ku baxaysa, meelahan aynu gelinno. Ajendayaal arrimahan wax ka tara aynu shirarkooda meel aan guriga Seylici ahayn ku qabsanno.

Cabdi Iidaan Faarax, ayaa laga hayay:

“Duqsi caano meel yaal,

Ku dabbaal-bartaa jiray,

Maalin buu dal-xiis tegay,

Disdi fuud ku jiro buu,

Dalaq yidhee ayaa dilay.”

 

Dhammaad, waa inoo Tirsiga 3aad haddii Eebbe idmo.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories