HomeHabluhu maxay ragga ku Raacaan? - W/Q: Cali Coomay

Habluhu maxay ragga ku Raacaan? – W/Q: Cali Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cali Coomay
Cali Cooma

Gabadh kasta waxay xaq u leedahay inay doorato ninka  ay doonto.Waana shay cadaalada ka fog in lagu khasbo cid aanay rabin. Gabdhuhu ama habluhu waxay soo maraan heerar kale duwan, marka laga eego xagga da’da.

Inta u dhexayso 15 jir ilaa 20 jirka, habluhu intooda badan raggu waa isugu mid. Waana xilliga ay gabadha ku adag tahay habka xulashadu. Waxayna u baahan tahay in si joogta ah tallooyin la siiyo. Si ayna ugu dhicin booraan.

Laakiin marka la gaadho 20 iyo wixii ka weyn waxay figrad buuxda ka haystaa habka ay u xulan lahayd ninkii ay nolasheeda ku aamini lahayd.Gabadhu waa inay ka feejignaataa  khiyaamooyinka ay kula kacaan ragga qarkii. Iyagoo isticmaalaya erayo ama hadalo macaan oo aan dhaafsanayn afka baarkiisa.

Waa inay iska shaandhayso, balanqaadyada ay soo qadimaan raggu, iyagoo doonaya inay fushadaan ujeedooyin qarsoon.Waa inay noqotaa gabadh fiiro badan oo aan si fudfud loo duufsan Karin.

Bal aan soo qaadano qaar ka mid ah hadalada macaan ee soo jiita dumarka.

= markaan ku arko ayaan farxad kala qaboobaa.

= muxu ilaahay kugu manaystay qurux, caqli iyo garasho.

= ma qof la iloobi karo ayaad tahay.

=mar kasta xusuustayda kama baxdid

= waxaad tahay gabadh dhamaystiran, dhinac kasta.

Markay gabadhu maqasho erayadaa ama qaar u dhigma way ku raaxaysanysaa, ka dibna waxay gabadhii ku beermaya jacyl xaddhaaf ah.

Waxyaabaha habluhu ku raacaan ragga.

1)      Lacag

2)      Aqoon

3)      Qurux

4)      Aftahnimo

5)      Madaxnimo

6)      Dabeecad wanaagsan

 Maxay dumarku qiimeeyaan.

1)      Jacaylka.

2)      Quruxda.

3)      Heesaha (kuwa dareenkooda khuseeya).

4)      Xafladaha.

5)      Labiska ( dhar xidhashada).

Noocyada dumarka ee raggu neceb yahay.

= gabadha carrabka dheer, ee meelkasta hadal iyo doodd la taagan.

= gabadha ninkeeda meel kasta ku cidhiidhada, ee ka garab hadasha. Marna aan tixgalin hadalkiisa.

= gabadha doonta inay ninkeeda ka sarrayso ama u taliso. Wax kastuu soo jeediyo ku gacansaydha.

= gabadha ninka reerkiisa iyo saaxiibadii ka caydhisa gurigeeda.

= gabadha markasta ninkeeda ka codsata lacag dheeraad ah, oo ka baxsan tan gurigeed ku filan.

Waxyaabaha dumarka lagaga farxiyo.

= in la amaano.

=in loo keeno hadyado kala duwan.

= in goor kasta loo muujiyo in la jecel yahay.

= in markay hadlayso, loo dhago nuglaado.

= in la caawiyo markay hawl hayso.

= in laga ilaaliyo hadalada  qallafsan.

= in loo muujiyo ixtiraam badan.

= in loo garaabo sax ama khalad

=in loo sameeyo wax wada iibsi (shopping)

Noocyada dumarka ee raggu jecel yahay.

= gabadha furfuran, ee inta badan aan qaylo iyo hadalo xun ragga ku odhan.

=gabadha mar kasta is qurxisa. Gurigeedana  qurxisa.

=gabadha tallada ninkeeda uga dambaysa.

=gabadha ninkeeda aaminta, wuxuu u sheego maqasha.

=gabadha dhawrta ninka ehelkiisa iyo saaxiibadii.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories