HomeHabeenkii Xasuuqa Jasiira Maskaxdeyda Kama Baxo, Waxaan Ka Mid Ahaa Dadkii Habeenkaa...

Habeenkii Xasuuqa Jasiira Maskaxdeyda Kama Baxo, Waxaan Ka Mid Ahaa Dadkii Habeenkaa Sigtay Ee Jiifay Xaafadda Buula-Xuubay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Anigoo oo ah AXMED CABDI SICIID, kana mid ahaan jiray Shaqalihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha JDS.

Habeenkaa Galinkeedii dambe ayaan waxaan ka soo galay safar shaqo oo aan u baxay MAGAALADA Marko ee Shabeelada Hoose, waxaan seexday goor hore daal badan dartii, hadaba mar ay sacaddu

ahayd xili dambe waxaan maqlay gawadhida lanad cruserka ah oo marka xaga dambe geerka la galiyo qaylineysa iyo xafadii nagu xigtay oo ahayd qabiilkas GAAL JECEL, oo luuqii noo dhexeyey qaylineysa oo odhaahdu tahay Adeer Cabdi Siciidow abahay u qayli dhameysa iyadoo odhaneysa adeerow na soo gaadh, iyo ciyaalkii xafadaas

nagu xigay oo oohin bilaabay, Abahay alaah ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa dadka qayili jiray, oo sacadaha dambana u soo jeedi jiray si biyaha oo sacadaha dambe soo dhici jiray nagu dhaamiyo, qayladaas iyo alaabadayadii gurigayga dhamaan waa la wada furay ana waan toosay, abahay wuxuu damcay in toorey uu haystay uu la boodo dabaeed hooyaday baa qabatay oo ku tidhi caawa way ka weyn tahay tuugo guri badhaneysa ee jog.

Xogaa ka dib waxay soo galeen luuqii guriga noo dhexeyey jaqaf jaqaf askarta kabahooda ayaanu maqalnay anagana dhaqaaqii iyo hadalkii waanu joojinay, isla markiiba guri dambe oo ka mid ahaa gurigayaga oo ku jiray cabdirisaaq oo dhintay oo gabadh aanu walaalo nahay oo dhimatay qabay ayaa deganaa, nasiib wanaag cabdirisaaq wuxuu ku maqnaa in soo dadiyo garabadii jaadka oo gurigii wuu ka maqnaa, markaa intay soo jabiyeen ayay wax ka wayeen ayuu ilaahay naga joojiyey oo noomay soo dhaafin halkaas, waxay qayladu iyo sanaqadu socoto iyo buuqa iyo waryaa iyo taliye aanu maqalnaa, waxay qayladii jaarkayga u wareegtay xaga dambe oo ahaa Gurigii lagala baxay SHAN WIIL EE CIISE MUUSE REER BAALE OO INA CIGAAL ADEER U AHAA, ALAAH HA U NAXARIISTEE, MAXAMED DHEERE, GAGAGALE, CALI YARE , OO MAANTA UU KA NOOL YAHAY XASAN MATAAN OO U SHAQEEYA HAYADA MINA SAARKA HALOW TRUSTE, waanu sii kala jeednaylabayada guri, qayladii way soo dhaaftay oo waxay u gudubtay oo meel fog ayaanu dhawaaq ka maqleynaa

Nasiib wanaag waagii baa baryayay dadkii xafada degnaa buula xubay ayaa isku soo baxay odhaahdayadu waxay ahayd na nabad gashay ayaa maqan, waxaanu ogaanay in xafadii dadkii aanu naqaanay dhamaan la wada gurtay, sacadihii duhurka waxaa soo galay war ah in dadkii dhamaan la dilay, warkii hoos hoos buu ahaa wuu sii fiday, ilaa markii dambe si toos ah loo ogaaday Wixii Habeenkii ka dambeyey dhamaan dadka ku abtirsan jiray Beelaha Dhex e ee Somaalilad, ISAAQ , xafadi buula xuubay waa la hayaami jiray hoyoyinkayana waxay cashada noo karin iireen goor hore si maqrib wixii ka dambeeya nin waliba godkiisa u gali lahaa, anigu waxaan seexan jiray Guriga ku yaalaya Saraha Booliska oo lahaa Nin Marxuuma oo ahaa G/SARE oo la yidhaahdo INA CABDI YARE alaah u naxariistee oo ahaa Hadaba guntii iyo gabadadii habenkaas maskaxdeyda kama bixin markaas xasuuto dadkii walalahay ahaa ee aanu jaarka ahayn ee maxkamadi xukumin ee qabiilkooda loo dilaya waan murogodaa, ilaahay waxaan uga baryayaa inuu naxariistee jano ka waraabiyo dadkaas oo gacan ka gardaran dishay amiin amiin

WAA QALINKII- AXMED CABDI SICIID-GARYAQAANKA-HARGEYSA SL- TEL-4428843-4852525-

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories