HomeHabeen kali ma seexdeen!!

Habeen kali ma seexdeen!!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Go’aannada qofeed ee aad gaadho kol waad u aydaa, kolna waad eersataa. Waa labadaas xaaladood uun. Mid saddexaad ma leh. Go’aanka guurkaygu labadaas xaaladood midda hore ayuu ahaa! Deeqa oo aan muddo kooban haasaawe wadaag ahayn, in aan go’aansado in ay noqoto ooridayda, go’aan aan mahadiyey ayuu ahaa. Haddii aanay iyadu ila qaadanna ma uu dhaceen. In badan ayaannu Labadayadu go’aankaas u aynay.

Jiroo doobnimadaydii in badan aan maqli jiray wax guurka igu dira, iga didiya oo ii dacareeya, haddana xaqiiqdu waxa ay ahayd taas rogaalkeed. Degganaan, dabacsanaan iyo daryeel aan la qiyaasi karin baan uga dhaadhacnayn! Qolof ahaan iyo qalbi ahaan ba waan u koray una kobcay guurkayga dabadii. Waxa la ii koolkoolliyey sida ilmo dharabka ku jira ama ku aan dhaqaaq baran oo kale! Iyana waxa loo xannaaneeyay sida abaydin hooyadeed curad iyo guuridambays u ah! Aniga oo soo dhididay marka aan duhurka soo dheelmado, inta ay igu dhagto oo labada dhaban iga dhunkato ayey marwadayda Deeqi rarka iga rogtaa. Qolka ay ii diyaarisay bay ii daadahaysaa. Cunto macaan oo iyadu ka dhadhamayso bay soo dhigtaa, labada dhinac inta aannu ka fadhiisanno baannu dhagdhag u wadaagnaa! Say afka iigu gurtaa marar badan. Markaas ayaan illaabaa daal kasta iyo diihaal walba oo aan maantaas soo dabbaashay! Macno li’i in aanan u soo dhididin baan isku bogaadiyaa!

Deeqa inta aan guriga la joogo duni kale ayaan joogaa. Iyaduna sidoo kale. Inta aan ka maqanahay waan u soo hiloobaa la joogeeda. Iyana inta aan ka maqanahay waxa ay ii haybisaa sida eridhaban ilmeheedii wayday oo kale!. Waayadii aan soolanaha ahaa hurdo iyo saamalayl ma aan kala jeclayn, socod iyo fadhi na sidoo kale. Intaan guursaday se guriga waxa aan ugu soo carraaba sida digaagga. Saacadaha iyo mirirrada ayaan kor iyo hoos ba tirsadaa. Maalmo badan cadceeddu in ay hore u dhici wayday ayaan dhibsaday, maalmana doobab makhaayad sheeko ku haystay baa igu dhagay. Waxa ay igula yaabeen in aan waqti hore hoyanayo, laakiin lama aan yaabin, ase waxaan Alle u baryay in uu laabtooda dareen guur u furo si ay dabaylaha iyo dibadaha, iyo, darxumada iyo dalanbaabiga uga hoydaan! Haddii ay ogaan lahaayeen dhabta dugsoon ee aan dubuq idhaa, haddii ay ogaan lahaayeen bogga diirran ee aan dhaxanta jiilaallada iyo jirarka ka dugsado iyo haddii ay doobabkaasi ogaan lahaayeen nolosha qoysinimo badhaadheheeda, in ay ila yaabaan daaye, iyagu ba habeen kali ah kali ma seexdeen! Waa se war li’i waxa kali socodka ka yeelay.

Kaftanka iyo haasaawaaha, doodda iyo sheekada aniga iyo Deeqa na dhextaal, dad badani waxa ay na moodaan labo isku cusub mar walba! dad badan oo kale na waxa ay ku murmaan aniga iyo iyadu in aannu isku mid nahay! Qudhayadu marar baan ku doodnaa in aannu hal qof

nahay iyo in kale. Waxa aan idhaa, adiga ayeynu wada nahay iyo maya’e adiga baynu wada nahay! Aakhirka waxa ay ku dhammaataa in labada oo isku mid ah aannu isku nahay.

sadaam

Laga soo bilaabo maalintii aannu guri galnay, habeenna ma jecli in aan kali seexdo ama aan ka dhaxo. Haddii ay dhacdo (Alle naguma ba keenee) gogol iyo gama’ ba waan kala dhaqaaqnaa. Waxa aan habaaraa cid kasta oo sabab u ahayd in aannu kala dhaxno! Waxa kale oo aan u duceeyaa dareenkayga taba jidhkeedii dabacsanaa, boggeedii diirranaa iyo ooridayda Deeqa gabigeedii ba!! Waayo Deeqi waa qayb iga mid ah, sida aan aniguna u ahay qayb iyada ka mid ah!

Reerkayaga waxa ay u jeceshahay sida ay aniga ii jeceshahay. Taasina waxa ay beenaysay qaybta hore ee maahmaahda “Dacaayad u guurso, Ammaanna u dhimo”. Waayo waa qof ehelka jecel oo wanaajisa iyaga qudhooduna jecel oo qaddariya! Tabtaas oo kale na Jaarku waa ay ka mahdsheegtaan.

Deeqi ma aha marwadayda uun oo kaliya! Sidoo kale waa Saaxiibka dhabta ah ee aannu isku xanqarsanno, ama waa xoghaynta noloshayda iyo xogogaalka naftayda. Waxa ay in badan iga damisay holac iyo naaro go’aan qaadasho iiga bahnaa. Sidoo kale waa macallimad wax badan i bartay. Laga soo bilaabo maalintii aannu guri galnay ilaa maanta waxa ay ii ahayd dhakhtar guriga ii jooga. Waxa ay iga dabiibta xanuunnada werwerka iyo walaaca, niyadjabka iyo samir li’ida, daalka iyo diihaalka iyo kuwo kale oo badan. Dhanka kale waa ardayad iga bartay cilmi badan iigana mahadcelisay. Mar kale na waxa aan noqdaa ilmo ay dhashay oo kale! Haa, ka hor labaatan sano dhabtii hooyaday isma aan lahayn tu ka dambaysa ayaad ku gam’i! ama xannaanayn intaas le’eg ayaad gabadh Soomaaliyeed ka heli! Run ahaan waan ka helay, waanan ku mahadiyaa kun jeer! Marka aan dhabteeda barkado ee aan kor u fiiriyo wajigeeda iyana ay hoos ii soo fiiriso waxa aan dareemaa xasilooni xad dhaaf ah iyo farxad aan la qiyaasi karin. Waxaanan maleeyaa in aan ahay qofka dunida ugu farxadda badan!

Maalintii ay caloosha iigu qaadday ilmihii curad waxa ay iga heshay xannaanayn aanay abid cid ka filan. Taas na iyada ayaa dhaar iigu martay. Iyada iyo ilmaha caloosha ay ku sidday ba waxa aan ugu adeegi jiray sida boqorrada! Waxa aan ka dhowri jiray dhib kasta iyo shay walba oo dhaawici kara nafteeda iyo niyaddeeda. Wax wal oo ay i waydiisato waa ay iga heli jirtay. Marka hore ba ma ahayn qof wax aan diidayo i waydiisa! Maalintii ilmaha shinkiisu go’ay baa la soo gaadhay. Alle foosha waa u fududeeyay, markaas ayaa ilmihii Oohin dunida ku salaamay. Farxad baan iyada salaanta dhunkasho uga dhajiyey! Dabadeed ay dhoolla caddayn iigu soo jawaabtay. Waxa ay ahayd maalintaasi maalin aniga iyo iyada ba nagu wayn. Ilmahaasina waxa uu noqday mid nagu wayn oo farxad qoyskayaga ku soo biiriyey. Waxa uu noo noqday wehel saddexaad! Kalgacaylkii aniga iyo hooyadii na dhexyaallay inta uu ku barbaaray ayuu la barbaaray! Sidoo kale saddexda caruur ah ee ka dambeeyay mid walba mar kasta waxa uu nagu soo kordhinayey kalgacayl iyo naxariis. Noloshayadana maalin walba xasillooni iyo deggenaan baa u sii kordhaysay. Waxa aannu sabab uga dhignaa wanaag walba

oo aannu guurkayaga dabadii helnay, hal shay. Waa haasaawihii guurkayaga hortii oo runtu rukunno u hayd!

Caways Jimce ah oo aan sii fogayn aniga iyo Deeqa oo cawaynayna bay sheekadu nala gashay waayo hore iyo bari samaad. Kalgacalkii aannu isku guursannay sidii aannu u abqaalnay baannu dib u milicsannay. Waannu ku faraxnay midho dhalka aannu ka gaadhnay labadayaduba. Waxa kale oo ay ka sheekaysay sida uga cabsi qabtay nin Soomaaliyeed, aniguna waxa aan ugu warceliyey sida aan uga cabsi gabadh Soomaaliyeed! Waxa aannu isla waafaqnay in kutiri-kuteen badani balaayo been abuur nooga sheekeeyeen. Sidii ay marna iigu sheekaynaysay marna iiga guraysay bay sheekadu sheeko kale ila gashay. “Wiil iyo gabadh baa bari hore isguursaday. Labadooda midna waxba kama uu aqoon nolosha qoysnimo. Markii ay muddo isqabeen, baa mid waliba la yaabay raaxada iyo badhaadhaha nolosha qoysnimo. Dabadeed mid waliba dareenkiisa rasmiga ah cabbiray. Markaas ayey oohin qabsadeen. Iyaga oo iska dul ooyaya ayaa aroortii loo yimid. Markii la yidhi maxaa idin helay bay yidhaahdeen ‘Haddii sidan nolosha guurku u macaantay, maxaan bari hore isku guursan waynay’!! Wax loogu jawaabo ayaa la waayey”!! Markaas bay Deeqi i tidhi, innagu ba maxaan bari hore isku guursan waynay! Inta aan qosol riyaaq hordhac uga dhigay baan ugu warceliyey “Haddaan guurka sidan moodayo, Habeen kali maseexdeen”!!

 

Qalinkii: Saddam Xuseen Carab saddamcarab@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

Oktoobar, 2013.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories