HomeHabartii docdeedii daruuruhu ku hooreen dadka wada helmoodoo daad-wararac baytidhi!

Habartii docdeedii daruuruhu ku hooreen dadka wada helmoodoo daad-wararac baytidhi!

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Xaqiiqda iyo runta oo lagu dheganaado ayaa ah tan lagu gaadho horumarka.  Hawl kast oo la qabanayo waa in loo qiimeeyo si xeel dheer oo ay ku dheehan tahay cadaalad, aan ku salysan danaysi iyo anaaniyadda ay guulwadayntu ku lamaantahay.

Somaliland mudadii ay jirtay waxa soo maray maamul kala danbeeyay oo mid kasta wax qabtay. Maamulada soo maray way kala waxqabd badani yihiin, waana wax iska cad in aanay isku dhigmi Karin waxqabdkoodu.

Waxa yaab noqotay markii afahyeenka madaxtooyada Mud.Dhuxul oo waraaqo ka akhriyey waxqabadkii xukuumadda ,uu  ku soo celiyay wixii horeba ay xukuumadu u sheegan jirtay inay qabatay. Waana wax iska joogto inay sanad kast sheegaan.

Waxase tan ku cusbaa oo la yaab lahayd markii uu yidhi 20-kii sanadood ee Somaliland ka horeeyay xukumadan, waxa ka badan inta la qabtay 4 sano ee u danbeeyay  70%,  meelah qaarna waxay ka badan tahay 50%.

Qiyaastaasi ayay dad badani  is weydiiyeen, qaabka uu min-qiyaaskiisa ku saleeyey, iyo nidaamka uu raacay (Criteria) waxaana la isla gartay inuu ka duulay sida ay isaga noloshiisu isku bedeshay iyo daran-yadii iyo diiftii hore u haysatay oo uu hadda ka baxay illeen waa jaahil aana lahayn xirfad lagu xoogsado e“  Habartii docdeedii daruuruhu ku hooreen dadka wada helmoodoo daad-wararac baytidhi!

” mushkilada xukuumaddan silaanyo dariska la noqday waxaa kow ka ah , markii ay xil-mudan in loo dhiibo shakhsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh ay ku magacawdo Jaahil aan isagu is dhagaysan oo calooshiisa la ciyaar ah.  islamarkaana aan fahamsanayn waajibaadka xilka lagula dul kufay hadii uu garanayo, guryo intuu kiraysto sida hanoonintii dadweynaha dhalinyarta kuma soo ururiyeen.

Wuxu ku faanayay derejo ciidan ayaa la bixiyay oo aan dawladihii hore ku dhicin, ismana waydiin Yaa sameeyay ciidanka derejadac   lala rabo ?

Waxa kale oo uu taxay, Waxbarasho bilaash laga dhigay , yaase salka u dhigay dugisyada iyo nidaamka waxbarsho. Ciidanka booliiska  iyo amaanka dalka yaa sugay ?

Ariimahani aan sheegay way ka culus yihiin kuwa farac ah ee uu isagu sheegay. Waaxana aan odhan karaa mudadii xukuumadihii hore waxqabadkooda ma gaadhi karto mudadan kooban 4 sanoo, ah.

Waxay xukuuamdihaasi sameeyeen:

1-      Sugidda Amaanka iyo kala danbaynta

2-      Asaaska ciidna qaran

3-      Asaaska hay’adaha Dawladda oo shaqaynaya.

4-      Shaqaalaynta iyo Nidaamka Mushahar bixinta.

5-      Ururinta cashuuraha

6-      Qalabaynta dhamaan xafiisyada dawladda

7-      Diiwaangelinta ururad siyaasadda

8-      Samaynta gudida doorshooyinka Qaranka

9-      Qabashada doorashooyin kala danbeeya.

10-  Dhamaan arrimahasi waa kuwo aanay qaban shaqona ku lahayn xukuumadan jirtaa , oo haddana ka muhiimsan isla markaana ah tiiraarka uu ku taagan yahay qaranku.

Xukuumaddu waxay u baahan tahay aqoonyahano miisami kari odhaahad iyo qoraalada ka soo baxaya afkood iyo gacmahooda.  Waana nasiib daro weyn in shakhsi  noocaas oo kale ah laga dhigo afhayeen madaxtooyo oo Somaliland ah waa ceeb aan waligeen inaga hadhayn oo qaranka bar madaw ku ah. hebel dil oo hebel soo dhaweyso , Aqoonyahan dil oo Jaahil docda soo gasho waataa maanta midhaheedii!

 

KHALID CALI CILMI

Gabiley, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories