HomeHaay'adda Shaqaalaha Dawladda oo 22-sanno kadib Daah-furtay Dib-u-eegista iyo Kaabista Sharciga Shaqaalaha...

Haay’adda Shaqaalaha Dawladda oo 22-sanno kadib Daah-furtay Dib-u-eegista iyo Kaabista Sharciga Shaqaalaha Dawladda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Kulan balaadhan oo ay soo agaasimeen Hay’adda Shaqaalaaha Dawladda isla markaana ay kasoo qayb-galeen Mudenayaal ka socda Golaha Wakiilada, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka,  Agaasime-waaxeedyada maamulka Cududa Shaqaalaha iyo madaxda waaxaha Sharciga ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ayaa lagu daah-furay kaabista iyo wax ka bedelka Sharciga Shaqaalaha Dawladda.           

Geelle3Intii kulanku socday ayaa lagaga wada hadlay kaabista, wax ka bedelka iyo hannaanka loo marayo ansixinta Sharciga Shaqaalaha Dawladda oo mudo 22-sanno ah ahaa mid u baahnaa dib-u-eegis iyo wax ka bedel si uu u noqdo mid ka jawaabi  kara xuquuqda iyo waajibaadka Shaqaalaha Dawladda.

Madaxa Hawl-qabadka dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda Cabdi Aadan oo madasha ka hadlay ayaa xusay sida ay muhiim u tahay in mashruuca tayeynta Shaqaalaha Dawladdu maanta soo gaadho in Shaqaalaha Dawladda laga caawiyo sidii ay u yeelan lahaayeen sharci dhamaystiran oo dhan walba ka dhaqa

Geelle6Dhankiisa waxa isna madasha ka hadlay Maxamed Cabdi Waji oo ah ruug-cadaa Shaqaale Dawladeed ah isaga oo xusay sida uu maanta ugu faraxsan yahay in uu arko Sharcigii Shaqaalaha Dawladda oo dib-u-eegis lagu samaynayo isaga oo si dareen leh u xusay xuquuqda ay shaqaale ahaan ka heli doonnaan dib-u-habaynta Sharciga Shaqaalaha Dawladda.

Maxamed Cali Weji, ayaa Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ku ammaanay in uu qaaday jidkii guusha isla markaana duco ka heli doono shaqaalaha Dawladda isaga oo u rajeeyey in uu Alle ku guuleeyo jidka uu maanta hayo ee dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda ah.

Geelle4Khabiirka gacanta ka haya  dib-u-eegista Sharciga Shaqaalaha Prof Mubaarak Aar ayaa ugu horayn ku ammaanay gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo guud ahaan Hay’adda Shaqaalaha isaga oo xusay in hiilka ugu weyn ee Shaqaaluhu u baahnaa ahaa in loo sameeyo SIyaasado iyo SHarci dhaqa isaga oo xusay in la sameeyey siyaasadihii muhiimka u ahaa Shaqaalaha Dawladda imikana gacanta lagu hayo Sharcigii waynaa

Prof Mubaarak Aar ayaa xusay in maanta kadib Shaqaalaha Dawladdu yeelan doonaan xuquuq dhamaystiran iyaguna lagu yeelan doono wajib dhan walba ka cad.

Geelle1Dhankooda waxa iyaguna madasha ka hadlay ku xigeenka Garyaqaanka guud ee Qaranka Xuseen Balal isaga oo xusay muhiimada kulanka ay maanta joogaan iyo muhiimada ay arintanai qaranka u leedahay.

Gudoomiyaha Guddi Hosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Xil Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo madasha ka hadlay ayaa bogaadin u soo jeediyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda isaga oo xusay in gacan weyn siin doonaan marka uu hor yimaado Golaha Wakiilada.

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Md Sharmaake Geele oo madasha si rasmi ah u furay ayaa kulanka ku tilmaamay mid taariikhi ah isaga oo sheegay in 22-sanno kadib ay maanta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda sharaf iyo farxad u tahay in kulankan qabsoomo.

Geelle2Gudoomiye Gelle ayaa dhankiisa xusay in Sharcigan Shaqaalaha Dawladdu noqon doono mid casri ah oo la jaan-qaadi doona duruufaha Shaqaalaha Dawladda halka uu si qeexan u tilmaami doonno waajibaadka iyo xuquuqaha Shaqaalaha Dawladda.

Ugu dambayn, Gudoomiye Sharmaake Geelle ayaa Shaqaalaha Dawladda ugu bushaareeyey wanaaga u soo socda Tallaabooyiknkan Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu  mudooyinkii u dambeeyey gacanta ku hayso ee dib-u-habaynt Shaqaalaha Dawladda ayaa noqonaya mid dhan walba ku qotomo iyada oo xukuumadu xoog badan dul dhigtay in Shaqaalaha Dawladdu noqdaan kuwo dhan walba ka dhamaysitran

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories